Dastuur iyo Danaysi W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Dastuur iyo Danaysi

 

Dastuur sidiisaba, waa  Eray, marka uu dhawaq ahaan dhacayo, yeelanaya fasiraad baaxad leh, waana mid mar walba iftiiminaya, in uu yahay sharci kala haga, bulsho markaa wada nool, mar walba oo la samaynayana,  waxaa xaqa u leh samayntiisa, Dadka markaa doonaya in ay ku kala nabad galaan, oo ay ku kala yeeshaan xuduudo kala haga, maadaama sharcigu uu nolosha ku leeyahay aas-aasi muhiim ah.

Dastuuska sidiisaba, waa mid nuucya badan oo loogu tala galay, in ay isku hagaan umadda markaa baahida u qabta, waxaa kaloo aan ka marnayn meesha, qaabka ay ula dhaqmi lahaayeen, marka ay wax la wadaagayaan umado kale, ama la macaamilayaan, mar walbana waa mid ku qotoma Dastuurkaas, qaabka nolosha Qoomka markaa qoranaya ee doonaya in ay wax ku qaybsadaan .

Hadaba, marka Dastuur la samaysanayo, yay tahay cidda samaynaysa?  yaasa loo samaynayaa? midda dambe ee ah yaa loo samaynayaa, ( waa bulshada markaa u baahan ), balse, aan yara iftiimiyo, yaa samaynaya?  Waxaana taas uga jawaabi lahaa, in ay tahay in ay sameeyaan,  Dadka ugu wax garadsan Bulshada baahidaas qabta, haddii ay noqon lahayd aqoontooda, mid Diimeed iyo mid Maadiba .

Waxaana wanaagsan in saldhiga Dastuurkaas, uu noqdaa mid u adeegaya maslaxadda bulshadaas doonayso samayntiisa, baahidoodana haqab tiri kara, waana in uu dastuurkaas ka mayran yahay maslaxad Shisheeye,  oo aysan wax shuqul ah ku yeelan samayntiisa Bulsho kale, maxaa yeelay bulshada deegaanka,  ee doonaysa in ay ayaahooda ka tashadaan iyo bulshada sare(shisheeye), mar walba waxaa jiraya, is hertin ku saabsan xaga danahooda siyaasadeed iyo dhaqaalaba.

Wax la isku wada ogyahay, oo lagu wada heshiiyay, dhan walbana laga eegay, ka bulsha ahaan, danta guudna nagu midayn kara, haddi uu dastuurkaas leeyahay,  waxaan filayaa in aysan jiri Karin wax la dhaho qanaaco darro, ama Shaki soo kala dhex gali kara bulshadaas wax wada  wadaagaysa, balse, haddi la dareemo, in dastuurku uu bulshada qayb ka mid ah, Qaan gooni ugu leexinayo, micnaha uu si gaar ah danahooda ugu xaglinayo, marka dastuurkaas ma noqon karo, Dastuur midayn kara bulshada markaas dhisatay, oo wuxuu noqonayaa mid laga leexshay baahidii loo qabay ee guud ahaaneed, baahidiisa markaas waxay noqonaysaa, mid u adeegaysa qolo gaar ah.

Waxaa kaloo taas soo raaco, marka la qorayo dastuurka, in uusan noqon, mid ay fara farayn ku yeeshaan bulsha uusan qusayn nidaam ahaan, iyadoo laga yaabo sababaha ay usoo fara galinayaana in ay tahay  ayaga doonaya in ay ka dhex arkaan wax u adeegi kara barito danahooda gaarka ah.

W axaa kaloo meesha ka marnayn,  hadduu jiro xifaaltan xagga deegaanka ah, haddii uu dastuurkaas lug ku yeesho taasna, waxaa la dhihi karaa, waa mid ka leexday baahidii loo qabay dastuur ahaan, oo markaa ma ahan mid u adeegaya, baahida bulshada uu quseeyo, oo wuxuu noqonayaa mid quseeyo baahida bulsho kale,  sida badanna fashil ayuu ku dhamaadaa midkaas.

Hadaba, Dastuurka Soomaaliya loo qoray, hadda ma yahay mid u adeegaya danaha Soomaaliyeed? maadaama bulshadan Soomaaliyeed, uu dhib badan kala gaaray, lana doonayo in la isku keeno.

Dastuurkan qoranse, ma yahay midkii isku keeni lahaa danaha umaddaas kala irdhoowday, ee kala aamin baxday doonaysana in ay dhidibadeeda, mar uun dib u aasato, si dadka dunida ay wax ula qaybsato.

Waa su’aal adag runtii, dhowr jeer ayaana is waydiiyay, jawaabta iiga soo baxdayna waxay u badatay in wax dan ah aysan  ugu jirin umaddeena, in uu sii kala fogeeyo oo sii kala qaybsha mooyee,marka natiijadaas iisoo baxdayna, runtii kuma kalsoonaan naftayda, oo waxaan jeclaaday in aan lasii kaashado dad badan oo Aqoonyahano ah, iyo kuwa Culumo ah, marka aan la kaashanayayna waxaan waday nuqullo badan oo dastuur ku sheeggu ku qoran yahay,  isla falanqayn dhan walba ah kadib, iyo daraasayn muddo dheer qaadatay, waxaa inoo soo baxday in uusan sinnaba dan ugu ahayn umaddena, kana tarjumayn maslaxadddooda guud ahaaneed,  waxaana nooga muuqday, in dastuurku kasii shaqaynayo, kala fogaynta bulshada soomaaliyeed, awal ayaana la yaabanayn  markii lagu magacaabay Dastuurka qabyo qoraalka.

Waxaana caddayn u  ah, in uusan ahayn mid maslaxadda guud ee bulshada soomaaliyed, si guud ugu wada adeegaya, doodda  mar walba ka tagaan  qaabka loo fahmo, oo qolo walb ay leedahay dastuurkii ayaa la jabshay  qolo saxanna  aan la ogayn, illaa dastuurka dib loogu laabto, xitaa marka lagu laabto waxaad ogaanaysaa, in fahamka ay qolo walba fahamsantahay uu saxanyahay, sababtana waxaa la dhihi karaa, qoraal ahaan qaabka loo qoray ayaan ahayn mid kala cad, sidaas ayay qolo walba oo dano leh danteeda ugu fasiratay, maadaama uusan kala caday.

Eedda kale ee uu leeyahy Dastuurka ayaa ah, in hindisa qoraalkiisa iyo qaabka loo qorayaba, aysan ku heshiin Soomaali, maadaama cidda loo soo samaynayay  ay ahayd Soomaali, lana doonayo in uu ayaga  kala xaddido.

Waxaa maal fara badan ku baxshay, qolooyinka la dhaho Beesha Caalamka, oo runtii aan ka warqabno in ay yihiin Reer Galbeedka, oo dano gurracan ka leh Dalkan iyo Dadkiisaba,  marka waxaa is waydiin mudan wax Dadkii lagu maamuli lahaa aysan waxba ka ogayn, qaabka loo samayayna uusan ahayn, mid la jaan qaadi kara, xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Dalka, sida uu u shaqayn karo?.

Waxaa dastuurka lagu macneeyay, in uu yahay mid salka ku haya arrimaha Faderaalka ,su’aasha ay ahayd in marka hore la is waydiiyo waxay tahay, haddi la doonayo wada jirka umaddan, ma yahay xiligan waxa midayn kara ama xalkooda keeni kara, Federal?  faham nuucee ah ayaysa ka haystaan waxa la dhaho federal?, mase yihiin umaddan, umad aqoon u leh, habka federalisimka, ee caalmaka qaarkii looga dhaqmo?.

Waxaa moodaa, in waxaas oo dhan aan la is waydiin, oo muhimaddu ay ahayd, in qasab lagu socodsiiyo waxa ay markaa is lahaayeen dantiina ayaa ku jirta,  qoloda qarashka ku bixisay dastuur ku sheegga, waxaana xaqiiqdii la oran karaa, natiijada ka dhalatay maanta ayaa si fiican loo wada hayaa.

Waxaa ka dhashay, wax la hilmaamay oo ahaa, Caadifad Qabiil  oo dib usoo laabatay,howsheenana  ay istaagto, meel aan is lahayn markan waa ka gudubteen heerkeeda, waana waxa la dhaho Qabyaaladda, markii la maqlay wax ha la qaybsado, qolo walba Dhagta ayay soo raaracsatay, iyada oo is leh xaqaaga dhacso oo is muuji,waxaana meesha ka abuurmay dhib cusub oo ay runtii saadaaliyeen Dadka ku xeel dheer arrimaha siyaasadda Soomaalida.

Dhib sidiisaba marka la xalinayo, waxaa wanaagsan in marka hore laga baaraan dago, in Xalka la soo wado uusan la imaan dhib ka wayn waxa la doonayo in xalkooda la gaaro, waxaana runtii la dhihi karaa, dastuurkan wuxuu abuuray dhib ka wayn kii aan ku jirnay 24kii sano.

Taariikhda, iyada ayaa dib isku celisa ayaan maqli jiray, oo waxaa xitaa shaqsiyan arki kartaa, in maalmaha noloshaada ay mararka qaar isku ekaadaan, mana ahan waxa isku ekaada maalamaha,ee waa xaaladaha uu waqtigu keeno, marnaba ma jirto, maalin maalin u eg,maalin walbana waa mid cusub.

Hadda waxaad moodaa, in dhib aan na haysan, uu nagu soo kordhay, oo ah in aan xuduudo aan kala samaysanay,  waxaa su’aal ah gobolada qaar dadka dagan, waa dad soocan oo nasiibka ayaa u saamaxay, in dad isku hayb ah ay wada dagaan, balse, sida badan waxaa ku badan Wadanka Soomalia gobolo ay ku mideesan yihiin, dhamaan beelaha soomalida, kuwaas, sidee wax loogu qaybinayaa? maadama la yiri wax hala wadaago, waa dhib cusub oo soo kordhay sida xaqiiqda ah, nidaamkan cusub ee dastuurka soomaliya ku qeexan runtii ma ahan, mid abuuraya, midnimo soomaaliyeed,waa mid la dhihi karo, wuxuu sii abuurayaa qabyaalad iyo is nacayb hor leh.

Waxaa bilowday maamulo Beeleed, oo goboleed loogu magac daray, mid walba marka aad dib u eegtana, wuxuu si gaar ah ugu xiran yahay Dowladaha dariska ah, waxa dabada ka riixayana waa dalalkaas dariskaa ah, xaqiiqda hadaan la iska indha tirayna, Dal soomaalia Daris la ah, oo maslaxadda umadda soomaaliyeed ka shaqaynaya, ma jiro in uu sii kala gooyo mooyee.

Waxaan dhowr jeer aragnay, wakiilada wadamadaas, oo oronaya Dastuurka haloo hogaansamo, mala is waydiiyay, Dastuurka ay dhahayaan haloo hogaansamo waa maxay maslaxadda ugu jirta ayaga? mase yihiin kuwa wax ka faa’iidayaa in loo hogaansamo dastuurka  ay qeexeen, waa su’aal far ku godantahay lagana doonayo in wax garadku inta yara fariistaan ay dib u falanqeeyaan .

Marka dhabta laga hadlayo, balaayo marka ay fogaataba, faraha ayay kasii baxdaa, dhibka Soomaaliya wuxuu soo jiitamayay, muddo dheer maalin walba uu sii fogaadana faraha ayuu kasii baxayaa, maalintii hogaamiye kooxeedyada, dhibku sidan ma ahayn,  wuu ka roonaa, waana la wada ladnaa, umaddu rajo tan ka wanaagsana waa wada qabtay, balse, markii la yiri gobolaysi hala noqdo, waxaa soo baxay dad badan oo la dulmay  dad badanna waa faa’iidayn,  waana wax iska caadi ah mar walba oo ficil la samayeeyo, Nin bey u tahay Roob da’ay oo kale Ninna, waa u abaar galaafatay wixii uu haystay oo dhan, marka.

Dastuurkan iyo Dowladaha laga dhaxlayba, saamayntooda waan u jeednaa, faaiidada aan ka dhaxalnayna, waa midda ah oo kaliya magac dowladeed, kaas oo runtii marka aad si hoose u eegtid ay kuu muuqanayso, in dowlad xitaa aysan meesha ka jirin magac mooyee.

Umad marka ay meel ku wada nooshahay, iyada ayaa dhibkeeda xog-ogaal u ah, marka la doonayo in xal dhab ah la gaarana waa in ayaga ay la yimaadaan, ama lagala tashadaa habka wax loo xalinayo, balse,haddi qasab wax aysan aqoon u lahayn loo dul keeno,  lana yiraahda waa kanaa dhinac u wada, xaqiiqda waxay tahay, in qofna uusan wadi Karin wax uusan aqoontooda lahayn, waxaana muuqata hadda. in naloo dhiibay gaari cusub, oo nala dul geeyay, waddo cusub oo Dunida meesha ay uga taal, mel ay kasoo bilaabato iyo meel ay ku dhamaatana aanan aqoon u lahayn.

Gaariga ayaan isteerinka u haynaa, oo waa sidii naloo kugu dhibay, hadba waddo ayaan u leexanaa meel ay na gaynayso aanan aqoon, waa Dariiq bilaa tilmaan ah,  waana lagu wareeray runtii, oo cid aqoon u leh ma jirto, qof walbana sida ay la tahay ayuu marba meel u qaloocshaa steerinka gaariga .

Howsheenu waxay taagantahay, waa la wareeray,  Waali ayaa lagu dhawyahay, Weenoow Waaxidoow wahel  na haga noo soo dir, waddada waan ka weecanee.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.