Da’yar ka la duwan! W/Q: Sakariye Cabdixaliim

12188268_504064346433729_899448837_n-2

Da’yar ka la duwan!

 

Farqiga u dhaxeeya DA’YARKA Soomaaliga ah, ee jaamiciga ah iyo DA’YARKA reer Yurub, Aasiya ama Mareekanka ah waa:-

 

DA’YARKA Soomaaliga ah, marka uu jaamacadda dhiganayo, wuxuu ugu faanaa saaxiibkiisa, QABIILKAYGA ayaa idinkaga tira badan jaamacada, ha ahaato, tirada ardayda jaamacadda iyo macallimiintaba, saaxiibkiina wuxuu ugu jawaabaa, haddaad jaamacadda nooga tira badantihiin, QABIILKAYGA ayaa idinkaga awood badan magaalada iyo maamulka.

Laakiin DA’YARKA Reer Yurub/Aasiyaanka ama Ameerikaanka ah, marka uu jaamacadda dhiganayo, wuxuu ku dadaalaa, siduu ardayda jaamacaddiisa midka u horreeya dhanka aqoonta uu u noqon lahaa, siduu jaamacadda qof ka muuqdo u noqon lahaa.

Adayga SOOMAALIGA marka uu jaamacadda dhiganayo, wuxuu ku fakaraa, markuu jaamacadda dhammeeyo, siduu shaqo uga raadsan lahaa adeerkiis, oo shaqo uu u gayn lahaa, asagoon imtixaam u galin ama isagu iskiis u raadsan.

Laakiin DA’ YARLA Reer Yurub/Aasiyaanka ama Ameerikaanka ah marka uu jaamacadda dhiganayo, wuxuu ku fakaraa markuu jaamacadda dhammeeyo, siduu wax cusub oo hormar leh dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo kordhin lahaa, siduu fikrad cusub, oo waxtar leh dunida ugu soo biirin lahaa. Wuxuu ku fakaraa, siduu taariikhda dalkiisa uga soo muuqan lahaa.

DA’YARKA SOOMAALIGAA, wuxuu ku fakaraa, markuu jaamaadda dhiganayo, siduu u noqon lahaa hoggaamiyaha MAAMUUL BEELEEDKIISA, siduu beeshiisa beelaha kale uga saramarin lahaa, sida uu taariikhda beeshiisa baal dahab uga galin lahaa, sida uu beesha nin looga jecelyahay u noqon lahaa!

Laakiin DA’YARKA Reer Yurub/Aasiyaanka ama Ameerikaanka ah, wuxuu ku fakaraa siduu QARANKIISA u horumarin lahaa, siduu QARANKIISA uga saramarin lahaa QARAMMADA ADDUUNKA, siduu cadawga dalkiisa uga guulaysan lahaa, siduu QARANKIISA taariikhda uga gali lahaa.

 

W/Q: Sakariye Cabdixaliim

SHEEKOOYIN