Dayoow! W/Q: Hodan Sheekh Cumar

images-1

 

 

 

 

 

 

Dayoow!

 

Dayoow, waa jaad ka mid ah wareerka. Aniga aqoonteey, inta badan, wuxuu ka dhashaa roobka, wuxuuna saameeyaa dad iyo duunyo labadaba. Ka ma hadlidoono duunyada, maaddaama ayaga loo taliyo, markii ay dayoobaan iyo marka kale, ee ay caadiga yihiinba, balse, waxaan soo qaadandoonaa maanta, oo kaga faalloondoonaa qaybta hor ee qormadan, qofka Aadanaha ah, markuu dayooba iyo waxa dawada u ah.

Dayoowgu sidaan kor ku xusay, wuxuu ka dhashaa roobka, waxaa sababa inta badan, marka roobku ku da’o qofka, asagoon helin meel uu kaga okorto ama gabbaad uu ka galo, ee inta dhibcaha roobku dhagaha ku dhuftaan, wareersha, waxaana lagu gartaa marka qofkaasu dayoobo, waxaa isaga darsama: cirka iyo dhulka, micnaha cirka iyo dhulkaa isaga darsamay maaha inuu cirkii dhulka u haysto, dhulkiina cirka, oo sidaa dhan u ma waasho, balse ujeeddadu waa: wuxuu ka la garan waayaa, wixii ka soo haray intaas, sida: afarta jiho, oo midba midda kale uu ku qaldo, qorraxda oo u la muuqata iney ka soo baxday, dhan kale oo aan ahayn dhankii ay ka soo bixi jirtay sida caadiga ahayd iyo ayadii oo u dhacda dhan kale, oo aan ahayn jihadii ay u dhici jirtay ee gabbaldhaca, bishii oo jiho kale ka muuqata ayana, is la qofka oo meeshuu u socday iyo ka la garan waaya, meeshuu ka yimid, dhirta oo isaga darsanta, sida in geedku meeshuu ku yaallay meel aan ahayn, ay u la muuqato inuu ku yaal, waddooyinka oo dhinicii ay mari jireen, dhanka gaddisan mara, guryaha oo ayaguna meeshii uu ku ogaa, ka taga ee meel kale u la muuqda in ay ku yaallaan iyo waliba ayagoo u la jeesta dhan kale oo uusan ku ogayn.

Markii xaalku sidaa ka noqdo qofka dayooba, waxaa jira laba hab, oo uu qofkaasi ku noqon karo sidiisii hore. Midda ugu fudud ee qofkaasi ku caafimaadi karo waa: markuu is ku arko dayoowga, wuxuu fariistaa halka uu markaas marayo, sal muggi markuu u fariisto, ayuu madaxiisana foorarshaa, asagoo lugaha dhexdooda gashanaya, hadduu rabo waa seexan karaa, laakiin, u ma baahna, in waqti kaga lumo hurdo taas, wuxuu sidaas u foorarayaa, muddo dhan 20 daqiiqo ugu yaraan, ugu badnaanna 30 daqiiqo, intaas markuu fooraro, wixii ka dmabeeya hadduu eego geesaha, wax walba waa sidoodii hore, asna markaas wuu ka caafimaad qabaa, waana sida ugu fudud ee qofka dayooba ku soo noqdo sidiisii.

Hab kale ayaa jira, kaas oo ah: in qofku is ka joogo asagoo wareersan, waxbana foorarsan ama seexan, is kana sugo, intuu ka caafimaadayo, balse, waxaa macquul ah, iney ku qaadato maalin, habeen, iyo waliba ka sii badan, oo uu wareersanaado intaas oo dhan.

Hadduu marka qofkii labaas midna sameyn, ee uu yiraahdo anoo dayoowsan ayaan soconayaa ama shaqaysanayaa, waxaa dhacaysa, in uu sii wareero, siina waleecaado, wuxuuna wax kasta u abbaaraa, halka markaas la saxsanaata, hadduusan jirin, qof u caafimaadqaba, oo gacanta qabta, yiraana halkaan maahee, waa Halkaan. Waddada wuxuu u qaadaa, halkuu isleeyahay markaas waa sax, waxaana uu halis u yahay qofkaasi, inuu habaabo ama dhumo. Gurigii wuxuu sidoo kale u aadaa, halkuu ku la qummanaado, wuuna waayaa, oo kaba sii fogaadaa halkii gurigu ahaa sidaasna ku galbadaa.

Maanta qof ma dayoobin, labana ma dayoobin, waxaa halmar dayoobay, ummad dhan, waa Soomaaliye markii ay dayoowday, waxaa isaga darsamay waxyaaba badan, oo ay ka la garan waysay ummadaasi, waxyaabaha isaga qasmay sida qofkii dayoobay oo kale, waxaa ka mid ah: colaaddii iyo nabaddii, qarankii iyo qabiilkii, midnimadii iyo ka la go’ii, goobaynta gayiga iyo maamul gobaleedkii, dalkii guud iyo tuulo reer leeyahay,calankii iyo calal qabiil, siyaasaddii iyo sunuuntii, sharaftii iyo shilinkii, madaxweynihii iyo guddoomiyihii, baarlamaankii iyo beeshii, sheekhnimadii iyo qamiiskii, cilmigii iyo carabigii, ceebtii iyo caadadii, wanaaggii iyo xumaantii, quruxdii iyo foolxumadii iyo waliba qaar ka loo badan.

Markii Soomaalidu dayoowday, midkeenna ma sameyn labadii qodob, ee dayoowga dawada u ahaa iyo dabcan wax u dhigma ama u dhaw, wuxuuna qof kasta oo naga mid ah, uu aaday, halkii uu is lahaa, wax kasta waa jiraan, oo uu ku maleeynayay, balse, qof kasta waddo qaldan ayuu wax ku raadshay, maadaama uu dayoowsanaa, in badan oo naga mid ah waan ku waynnay dayoowgii, oo habaawgiiba ka ma soo noqon! Kuwa kale dhibaatadii ka soo gaartay dayoowga ayey u dhinteen, oo hawdka ayaa bahal ku cunay, in badan oo naga mid ah. Kuwa kale oo saddexaad ayaa shisheeyaha u galay, oo gabbaad ka raadsaday, ka dib dayoowgii Soomaali ku dhacay iyo wareerkii dabada dheeraaday, maadaama uusan jirin qof naga mid ah oo aan dayoobin, is la markaana noo caafimaad qaba gacantana na qabta.

Dabcan Soomaalidu waxaa jiray habab badan, oo ay kaga caafimaadi kartay, dhibaatadaas, balse, ma haleelin, Rabbina ma qaddarin, waxaana wali jirta rajo, oo laga ma samrin, in ay hagaagaan wixii naga qaldamay, waxaase illaa iyo hadda maqan, qaabkii loo abbaari lahaa iyo sidii loo heli lahaa, dariiqii xallinta mushkiladda na haysta, loona heli lahaa caafimaadka, cudurka nagu dhacay ee dayoowga.

“Wax markii ay dhacaan, maxay u dheceen la ma yiraa baa la yiri, ee maxaan ka qabannaa baa la yiraa” haatan iyo danna ma hureyso, in la hagaajiyo wixii qaldamay, ma keeneyso wax natiijo ah, in lays eedeeyo, oo uun la yiraahdo dhibka waxaa wada qolo heblo ama qolo heblo, haddaan shisheeye eedeynno iyo haddaan qayb naga mid ah eedeynnaba, dhibku cidda uu hayo waa innaga Soomaali ah, oo Soomaaliya ah.

Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay, in ay xisaab tanto, oo is ku timaaddo, is na waydiiso, sababta muddada intaas la eg ay u la’ yihiin magacoodii, mansabkoodii iyo midnimadoodii, si loo helo waddadii aan u qaadi lahayn wanaagga aan muddada baadi goobeynno iyo qarannimadii gubatay. “Cayru caymo madiiddo” ayaa la yiri, ee aan caymisanno diinta, dalka, iyo dadka.

 

W/Q: Hodan Sheekh Cumar 

SHEEKOOYIN