DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-14AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Sooyaalka saxaafadda Soomaaliyeed

Innaga oo sii ambaqaayno taxanayaashii hore ee marxaladihii iyo waayihii kala duwanaa ee ay soo martay Saxaafadda Caalamka. Waxa lagama maarmaan ah kolkaas in aan wax ka bidhaaminno waayihi iyo marxaladihii kala geddisnaa ee Saxaafadda Soomaaliyeed. Waa hubanti in bulsho kasta oo dunida ka jirtaahi ay yeelato dhaqan iyo suugaan u gaar ah jiraalkeeda. Waana middaas midda lama huraanka ka dhigeyso in uu jirto is gaarsiin farriimaha iyo xogaha lagu wadaago. Isgaarsiintaas oo noqonayso nooc ka mid ah Warbaahinta.

Waxaa hubaal ah in waayadii hore isgaarsiintii jirtay aanay aheyn midda maanta jirta oo kale. Siyaabo badan ayeyna uga duwaneyd. Waa wax dabiici ah in kolba heer la joogo, horena loo socdo. Bulshada Soomaaliyeed, waa bulsho suugaaneed, la isla qirsan yahay in ay tahay bulsho suugaanta afka ku gudbiso ”Oral society”. Waxaa kale oo la yiraahdaa: bulshadii gabayga. Kolka haddii aan rabno in aan wax ka ogaanno warbaahinta Soomaaliyeed iyo xilliyadeedi, waxaa lama huraan in aan ogaanno in ay soo jiitameysay tan jiraalkeedaba. Gebageba adduunyooy maxaad galabba heer joogtay. Waayaha jilaaka carra-edeg maalinta heer ayaa waagu ugu beryayaa, bulshada ifka ku noolina maalin walba waa ay sii horumareysaa. Qarnigii hore sida iyo habkii loo noolaa qarnigaan looma noolaa, taas oo ku timid halganka nolosha ee aadanuhu hore ugu sii siqayo maalinba tan xigta.

Haddaba, hababka ay u adeegsan jireen Isgaarsiinta warbaahineed waxa ay ku ekeyd mid af ahaan uun ah, balse, aad u awood badneyd. Waxa aad arkeysay in dhambaal farriin ah oo la rabo in meel fog la gaarsiiyo loo adeegsanayay tuducyo maanseed oo middaasi dhadhan ahaan ka macaan tiraabta guud ee hadalka noqoneysay, weliba iyada oo ay laba daraale aheyd in tuducyadaas oo mararka qaarkood aad u dheeraa sideeda loo qeybin jiray oo qaabkaas ay aheyd qaabkii warbaahineed iyo isgaarsiineed ee Ummaddaanu laheyd intii aanu imaan Isticmaarkii saanxaddaalaha kaas oo la yimid qalab warbaahineed kala duwan, sida midka daabacan iyo midka raadiyaha ah.

Bulshada Soomaaliyeed oo aheyd bulsho ildheer oo si fudud wax kasta ula qabsata. Judhiiba, waxa ay la amba qaadeen sidii ay kaallin mug leh ugu yeelan lahaayeen hiyikacaan cusub ee leh farsamooyin ku ugub ku ahaa noloshooda. Haddaba, warbaahin waa qalab laba afle ah oo dhanka qalloocanna wax u jara, dhanka suubbanna ku qumman. Waxay ku xiran tahay cidda adeegsaneysa inta ay ogaal u leedahay. Kolkaas waxa aan garan karnaa in warbaahintu ay tahay hadba sida loo adeegsado, Haddii la la aado dhanka qumman, waxa soo baxayo sidii la rabay oo toolmoon. Haddiise sida kale loo adeegsado waxa ay noqoneysaa: ”Ka dar oo dibi dhal” oo wax kasta oo suubbanaa ayey waxba kama jiraan ka dhigeysaa, hashii godlaneydna dib ayey u gaagixinaysaa.

Wa run, in warbaahintu ay tahay awoodda afaraad ee ka jirta dal walba ee imminkaan ku yaalla ama ka tirsan jiraalka carra-edeg. Waa run oo waa iftiin iyo ileys ay aadanuhu wax ku ifsadaan waayahaan casriga noqday, noolaha dadkuna kol walba waxay hoos yuuraraan warbaahijta oo ay ku xiran yihiin goor iyo ayaanba. Waa midda la yiraahdo: ”Wax la sugo war ayaa ugu muhiimsan”.

Bal dhugo, cilmiga siyaasadda, waxa aan ka baran karnaa in qofku subaxdii inta aanu ka bixin gurigiisa uu dhegeystaa waxa ka jira dalka uu ku noolyahay fayoqabkiisa guud ee maalintaas, sidoo kalena waxaa lama huraan ah inuu wax ka ogaado waddamada kale ee jiraalka carra-edeg, si uu qofku u helo isku xir iyo ogaansho guud ee fayoqabka dadka iyo noolaha dunida. Haddaba qofku amminkaas dabadeed ayuu u qummaa hawl maalmeedkiisa iyo nolol raadsigiisa.

Saxaafadda casriga ah ee la timid saancaddaalihii reer Yurub, waxa ay ahaayeen labada qaybood oo waaweyn, ku waas oo kala ahaa: ”Dhihid iyo dhigid”. Saxaafadda jiraalka carra-edegna maanta labadaas walax ayaa saldhig u ah wartebinta warka. Hadalka uu aadanuhu isu weriyo wuxuu ku yimaadaa labadaas waddo oo qura.

  1. Inuu yahay: ”Hadal dhigan oo buug, waraaq, wargeys IWM ah ku qoran”.
  2. Inuu yahay: ”Hadal la yiri, dabadeedna la sii sheegsheego, sida tixda, tiraabta ama hadallada kooban ee macnaha gaar ahaaneed gudbinaya milayga gaar ahaaneedna ku xilliyeysan”.

Wargeysyadii ugu horreeyay ee ka hana qaaday Dalka Soomaaliya xuriyaddii ka hor iyo ka dibba waxa ay kala ahaayeen, sida hoos ku qoran.

  1. IL CORRIERE DELLA SOMALI oo afka talyaaniga ku soo bixi jiray 1935-tii ilaa 1969-kii.
  2. STELA D’OTTOBRE oo markii hore afka talyaaniga ku soo bixi jiray: 1969-kii ilaa 1972-dii.
  3. SOMALI NEWS oo 1960-kii ilaa 1969-kii.
  4. SOMALI VOICE oo carabi iyo talyaani ku soo bixi jiray, kuna dhex jiray- IL CORRIERE DELLA SOMALI.
  5. LA TRIBUNA ANA ORIENT, wargeys madaxbannaan oo uu madax ka ahaa: Dr Ismail Jimcaale Cosoble Eebbe ha u naxariistee.
  6. Wasaarada warfaafinta Soomaaliya waxay sannadkii 1968-dii soo bandhigtay: wargeyskii Horseed (VANGUARD) oo ku soo bixi jiray Afafka kala ah: Af-talyaani Af-carabi iyo Ingiriis.
  7. L’UNIONE oo xisbigii SYL soo saari jiray afafka Talyaaniga iyo Carabigana ku soo bixi jiray.
  8. Wasaaradda warfaafinta Soomaaliyeed waxay mar kale shacisay; wargeys lagu magacaabo: THE NEW ERA (LA NUOVA ERA).
  9. Dowladdii kacaanka millateriguna waxay soo bandhigtay wargeyskii HORSEED (VANGUARD) oo ku soo bixi jiray afafka Talyaani iyo Caarabiga.
  10. The people (wargeyskii dadka).
  11. Down (Waabari).
  12. Horseed.

Wargeysyada kale ee xoogga yeeshay xilligii kacaanka waxa ay kala ahaayeen:

  1. Xiddigta Oktoobar
  2. Heegan
  3. Horseed
  4. Al-daleecah
  5. Najm Oktober
  6. Ogaal

Wargeyska Ogaal waxaa si gaar ah u lahaa ama uu uga xog iyo waayo warrami jiray: “XHKS”. Sidoo kale waxaa jiray; wargeysyo kale oo Munaasabadle ahaa.

La soco qeybaha xiga haddii Alle idmo. Maalin walba oo axad ah.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:
Laashin77@gmail.com
admin@laashin.com

SHEEKOOYIN