DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-17AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Xilliyadaas la soo maray aqoonta iyo xirfadda saxaafaddu waxay ahayd mid soo saarta kaadirro hanan kara xirfadda saxaafadda ee Soomaaliyeed, balse, ma jirin xornimo iyo madax bannaani saxaafadeed oo ciddii hadashaaba waxay ahayd mid la xiro iyo mid la handado ama shaqada laga buriyo. Weriyayaal iyo qorayaal badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay la kulmeen xarig iyo xabsi. Dowladdii kacaanku waxay maamullo badan oo xilligaas dunida ka jiray ay kala sinneyd cabburinta saxaafadeed, haddana si ay eed caalami ah uga badbaaddo waxay abuurtay warbaahin lagu daaddihiyo wararka lagu buunbuuniyo maamulka askarta. Waxa jiray qorayaal dhowr ah oo sheekooyin xiiso leh ku qori jiray warbaahinta kacaanka, gaar ahaan xiddigta aktoobar, raadiyo Muqdisho iyo wargeysyadii kale ee dalka sida dadban uga howl geli jiray.

Maamulkii askartu si uu indhaha bulshada isaga leexiyo isla markaana uu uga badbaado eedeyn caalami ah wuxuu oggolaaday in wargeyska xiddigta aktoobar ay qorayaal badan ku soo bandhigaan curiskooda afeed, sidaa darteed waxa lagu daabici jiray; maqaallo iyo faallooyin xiiso leh, bulshaduna ay aad uga daba dhacay. Waxay ahaayeen qoraallo lagu kaabayay tarminta afkeenna hooyo, waxayna ka madax bannaanaayeen siyaasad iyo buunbuunin kooxeed. Qoraalladaas laga dheegan jiray xiddigta aktoobar iyo warsidayaashii kale waxaa ka mid ahaa:

  1. Sheekadii Ayaandaran ee uu qoray: Cabdullaahi Sheekh Xuseen Hantiwadaag.
  2. Sheekadii Maanafay ee uu qoray: Maxamed Daahir Afrax.
  3. Sheekadii Galti macruuf ee uu qoray: Maxamed Daahir Afrax.
  4. Sheekadii Beyr 10 ee uu qoray: Aweys Xuseen Shiino.
  5. Sheekadii Filinwaa ee uu qoray: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”.
  6. Sheekadii Uur ku taallo ee uu qoray: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”.
  7. Sheekadii Waa gadag la galaayo ee uu qoray: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”. IKKB.

Sidoo kale barnaamijyadii ka bixi jiray raadiyow Muqdisho, waxaa ka mid ahaa:

  • Bandhigga raadiyaha.
  • Barnaamijka wargeysyada.
  • Ma ogtahay?
  • Olol iyo hooyadiis ee uu qoray: Cadulqaaddir Maxamed Mursal (AUN).
  • Barnaamijkii ciyaaraha oo uu soo saari jiray: Cabdullaahi Nuur Koloombo.

Aqoonyahannadii, macallimiintii, saraakiishii sar sare  iyo ardaydii guud ahaantood ba waxay u baahdeen, meel ay war sax ah oo aan la soo faafreebin oo xaqiiqda caalaamkq ka jirta ku saleysan ay ka helaan, sidaa darteed dowlada mareykanka safaaraddeedii Muqdisho iyo safaaradaha Jarmalka galbeed iyo Faransiika ayaa waxay xarumahooda dhaqanku ay baahin jireen warar iyo filimo, waxaana laga daawan jiray wararki ugu dambeeyey ee caalaamka waxayna soo saarijeen bulliteen ku qoran afka Ingiriiska. Sidaas si la mid ah ayaa waddamada shiinaha iyo midowga Sofiyeeti  ayaa warar iyo filimo been abuur ah kuna saabsan hantiwadaagga iyo shuuciyadda ay faafin jireen si ay bulshada ugu qurxiyaan beentoodii qaawaneyd. Wargeysyada qalaad ee dalka la keeni jiray dadku ma aysan gadan kareynin, maxaa yeelay, qiimaha la siisto ayaa waxa uu ahaa mid aad u sarreeya, balse, macallimiinta ayaa toddobaadkiiba mar iibsan jiray Newsweek, balse, laanta Af-soomaaliga ayaa ayaa aheyd meesha kaliya ee warka saxda ah oo lagu kalsoonaan karo laga heli jiray, taas oo maalinta arbacada ah sii deyn jirtay; barnaamij ay dadku aad u xiiseeyaan oo la magacbaxay: TODDOBADKA IYO AFRIKA.

Waxaa jiray weriyayaal ku dhiirraday in ay wax ka qoraan dhacdooyinkii qaldanaa isla markaana runta ka sheegay waxii ay arkayeen sida, markii maxkamadda la saarayay, kooxdii Manifesto, kuwii inqilaabka lagu eedeeyey iyo kuwii aqoonyahanka ahaa ee taliskii millatariga ka soo horjeestay.

Haddaba, si loo gaaro himilada la hiigsanaayo ee ah in la helo xurriyatul qowl saxaafadeed oo madax bannaan ayaa waxaa si cilmi ah loo dhex jibaaxay awooddii markaas jirtay ee ahaa xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, sidaa darteed waxaa la sameeyay oo la soo saaray wargeys lagu magacaabo: “OGAAL” oo awood buuxda u leh inuu wax dhaliilo, isla markaana uu wax badan ka bidhaamiyo god-daloolladii ka jiray maamulkii kacaanka dhexdiisa. Wargeyskii ogaal wuxuu noqday mid dadku ay ku duubtaan dharka xilliyada ay u socdaan adeegga iyo dukaameysiga. Kolkii uu in muddo ah halgamay ayuu wargeysku ku dhiirraday inuu wax ka qoro dhaliilihii ay la soo muuqdeen wasaaradaha Kacaanku, gaar ahaan wasaaraddii isboortiga. Wargeyskii Ogaal wuxuu dhaliil dhab ka hadal ah markii ugu horreysay kala dul dhacay wasaaradda isboortiga iyo guud ahaan guddigii Olombikada Soomaalieed.

Wargeyska Ogaal wuxuu billow u naqday in si toos ah loo la hadlo dowladdii Kacaanka, halkaas oo uu wargeysku ka helay soo dhaweyn mug leh dhanka bulshada soomaaliyeed oo xilligaas u oon qabtay qolo gabood fallada Kacaanka si toos ah uga hor timaada. Wargeyskii Ogaal wuxuu noqday mid dadku ay sugaan maalinta jimcaad ee uu soo baxayo. Wargeyska Ogaal si bilaash ah ayaa loogu qeybin jiray guud ahaan degmooyinka gobalka Banaaddir.

Kolkii dambana wargeysku wuxuu isu beddelay mid lagu iibiyo goobo iyo dukaamo gaar ah, taas oo Iyana sabab u noqotay in dadku ay goobta la keenayo ku sii sugaan inta uunan imaan wargeysku ka hor. Wuxuu noqday wargeys xiiso xad dhaaf ah loo qabo. Soo bixidda wargeyska Ogaal xiisaha loo qabo darteed waxay dadku soo tuban jireen masaajidka Arbaca Rukun agagaarkiisa, iyada oo la moodo inay dadku bannaan baxayaan. Waxaa xusid mudan qoraal taxane ah oo toddobaad walba wargeyska ku soo bixi jiray cinwaankiisuna ahaa: MUQDISHO, MUUQAAL IYO NOLOL RUN AH oo uu qori jiray qoraa: Cabdikariim Xaaji Yuusuf, kaas oo toddobaad kasta ku qotomay halka ay dhaliili ka jirto dadkuna ay aad ugu riyaaqeen oo ay xiiseyn jireen.Markii uu qoraa Cabdikariim dhaliilay xubin ka mid ah beesha xukumaddii Kacaanka hoggaanka u heysya natiijadiisu waxay noqotay in qoraalkaasi xiisaha badnaa la joojiyo, qoraagana shaqada laga eryo/raacddeeyo.

La soco qeybaha xiga haddii Alle idmo.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.