DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-18AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Xilligii kacaanka waxaa la oran karaa waqtigii ay soo baxeen qorayaal ama werariyaasha soomaaliyeed kuwooda ugu fiican, balse, madax bannaani iyo xurriyatul-qowl ma jirin oo waa in aad ku shaqeysaa afkaarta iyo mabaadii’da maamulkii jiray, waa tii uu warka ku soo koobay aftahankii weynaa hadal murtiilihii Soomaaliyeed ee Faarax Maxamed Cali “Faarax Gololleey Eebbe ha u raxmadee:

“AFKAADA HEYSO AMA AFWEYNE RAAC”.

Maadeeye Faarax waxa uu ahaa aabbihii halganka xurriyatulqowlka ee Soomaaliya isaga oo  marar badan loo xirey caddaalad ka hadalkiisa darteed.

Dagaalkii 1977-dii dhex maray Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Dowladda Itoobiya oo Dowladda Soomaaliyeed na ku xoojisay ciidamo iyo khibrad. Ololihii xoogga ahaa ee uu Raadiyo Muqdisho la bar bartaagnaa dadaalkaas waa tii horey loo yiri: “AFKU WAXUU LA XOOGYAHAY”. Waxaa caado noqotay in faallooyinka lagu eegaygo dagaalka ay maalmaha intooda badan ay ka bixi jireen raadiyaha waxaana inta badan faallooyinkaas qori jiray qoraa sare, Yuusuf Iimaan iyo qoraa sare Maxamuud Yuusuf Xasan Odawa (Alle ha u naxariisto). Waxaa tebin jiray oo cod aad umacaan oo ay shacabku aad u jeclaayeen dhageysigeeda ku aqrin jiray Axmed Xasan Cowke.

 Waxaa jirtay sheeko caan baxday oo idaacadda raadiyow Mudqisho laga soo deyn jiray intii aan la qorin Afka Soomaaliga warka ama barnaamijyada oo dhanna waxaa lagu qori jray hadba luqadda uu weriyuhu wax ku soo bartay inta badanna Afka ingiriiska ayaa lagu tebin jiray. Sidaa darteed waxaa dhacday in xilligii warka idaacadda la gaaray, warqadihii uu warku ku qornaana la wayay. Goortaas waxaa soo jeedinta warka ku qornaa weriye Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde. Waxaa dhacday; in uu Yaasiin warkaas aqriyay  isaga oo aan ka fiirineyn warqad. Inta warqadda uu warku ku qornaa aan la waayin ayuu weriye Yaasiin warka sii xasfiday, taas oo u sahashay inuusan seegin marinkii warka isla markaana uu si laaxin la’aan ah warkii u gudbiyay.

Waxaa kale oo jirta in markii ugu horreesay Raadiyaha Muqdisho uu warka, barnaamijyada, heesaha, gabayada, riwaayadaha IWM ay ahaayeen kuwo ku baxa si toos ah, xilligaasna ma jirin cajaladaha wax lagu duubo. Xeeladda iyo farsamadu mar walba waxay ku xirneyd hadba sida uu weriyuhu khibrad saxaafadeed u leeyahay, isla markaana uu u maareyn karo dhacdooyinka aan kala joogsiga laheyn ee mar walba ka soo muuqanayay warbaahinta. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa raadiyaha ka dhacday is afgaran waa soo kala dhex galay fannaaniin loo ballamiyay inay raadiyaha hees ka qaadaan, isla markaana fannaaniintii ayaa is qabsaday, markii arrintii la xallin waayana weriyihii howsha daaddihinayay oo xilligaas ahaa: Maxamed Faarax Dhaashane inuu si farshaxan leh arrintaas u xalliyey. Weriyuhu waxa uu la mid yahay hoggaamiye daleed, howshiisuna waxay ku xiran tahay aqoontiisa saxafinimo iyo fikir curintiisa.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ay la kulmeen weriyayaasha Soomaaliyeed waxaa ka mid ah, in xilligii uu socday dagaalkii jabhaduhu ay ku qaadeen maamulkii millatiriga, gaar ahaan jabhadii goballada waqooyi ee SNM ay dowladdii kacaanku weriyayaal tiro badan u qaadday goballada waqooyi. Weriyayaashaas la geeyay jiidda hore ee dagaalka, ayaa waxa ka mid ahaa: Siciid Bakar Mukhtaar. Weriye Saciid markii uu tegay jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa la tusay: warqaddii aqoonsiga, codbaahiyihiisi iyo qalab kale oo uu ku shaqeynayay weeriye Yoonis Cali Nuur oo idaacadda BBC-da ka tirsanaa. Weriye Siciid Bakar Mukhtaarna waxa loogu war bixiyay in la dilay weriye Yoonis Cali Nuur oo uu dagaalka ku dhintay. Weriye Siciid warkaas dhiillada leh ayuu ka sii daayay warbaahintii kacaanka. Geerida weriye Yoonis Cali Nuur markii ay baahday ayey maamulkii idaacadda BBC-du waxay baadi goob u galeen soo hubinta warkaas anfariirka leh ee soo gaaray. Baadigoob dheer ka dib, idaacaddii BBC-du waxay soo ogaadeen inuu nool yahay weriyohoodu, isla markaana warkaas waxa aad uga xummaaday weriyihii sii daayay inuu Yoonis geeriyooday. Weriyuhu uma bareerin tebinta warkaas, balse, barabagaanga maamulkii kacanaaka ayaa habdhaqankiisu uu sidaas ahaa maadaama ay weriye Yoonis Cali Nuur ku qoonsadeen inuu la jiro oo uu dhankooda ka soo saftay jabhaddii SNM-ta.

Sida bulshada soomaaliyeed u soo mareen maalmo madow badan ayey warbaahinta iyo weriyayaasha soomaaliyeedna usoo mareen maalmo ayaan daran kuna xusan baalka sooyaalka saxaafadda soomaaliyeed. Maamulkii kacaanka markii booska xoog looga saaray isla markaana ay tusbax go’ay noqdeen bulshadii Soomaaliyeed, waxa xabsi ay ku oodnaayeen ka soo ood goostay weriyayaal badan oo soomaaliyeed, mid walbana wuxuu sammeystay warbaahin u gooni ah. Dowladdii Cali Mahdi markii la dhisay isla markaana reysul wasaare loo magacaabay: Cumar Carte Qaalib wuxuu reysul waraase Cumar isugu yeeray warbaahintii soomaaliyeed ee birigaas jirtay. Wasaaraddii warfaafinta iyo hanuuninta dadweynuhu waxay diinwaangelisay: 70 wargeys oo dhammaantood Muqdisho ka jiray, isla markaana diiwaankaas waxay u gudbisay Cumar Carte. Haddaba, kulankaas dhex maray saxafiyiinta soomaaliyeed iyo Cumar Carte ayuu reysul wasaare Carte wasaaraddii warfaafinta hor dhigay wayddiin aheyd: “Sidee toddobaatan wargeys loo sii oggolaansho saxaafadeed?” masuuliyiintii ka socotay wasaaradda warfaafintu waxay ugu warceliyeen: “Wargeysyadaas tirada badan waxaa kala reebi doona suuqa”.

Waxay aheyd koror iyo hore u socod ay ku tallaabsatay warbaahinta Soomaaliyeed berigaas, wolow aanay sii socon oo in badan oo ka mid ah ay waayuhu galaafteen, haddana waxay noqotay xilligii ugu horreeyay ee weruyuhu aragtidiisa uu xor u noqdo si uu dhabta jirta bulshada ula wadaago. Is reeda yaacaas iyo xornimadaas aan cagaha badan ku taagneyn ee ay heleen saxafiyiintu curiskoodii waxa ka soo muuqday oo hana qaad noqday, wargeysyo ay ka mid ahaayeen:

  1. Wargeyskii Qaran.
  2. Wargeyskii Ayaamaha.
  3. Wargeyskii Xog-ogaal.
  4. Wargeyskii Sanca press.
  5. Wargeyskii Warqabad.
  6. Wargeyskii Xiddigta Pnoraama.
  7. Wargeyskii Mugidisho Times.
  8. Wargeyskii Waabbari.
  9. Wargeyskii Shabeelle Press.
  10. Wargeyskii Jamhuuriya iyo kuwa kale oo badan.

Halka idaacadihii markaas hana qaadayna ay ka mid ahaayeen:

  1. Horn Afrik: oo isugu jirtay Raadiyow iyo muuq-baahiye.
  2. Idaacaddii: Banaaddir.
  3. Idaacaddii: STN.
  4.  Idaacaddii: Shabeelle.
  5. Idaacaddii: Qu’raanka Kariimka  (IQK).

Xilligaas saxaafaddii Soomaaliyeed waxay noqotay tusbax go’ay oo kale, waxayna gaartay heer ay reer walba furtaan wargeys iyo idaacad afkaartooda ku hadla. Wargeysyadaas aan soo xusay mid ka mid ah, waa wargeyska Shabeelle  press ayaa wuxuu la soo muuqday dardar xooggan taas oo afkaar ahaan uu xambaarsanaa aragtidii janaraal Maxamed Faarax Caaydiid. Wargeyska waxa soo saari jiray weriye: Xasan Bariise waxaana six ad-dhaaf ah u iibsan jiray taageerayaashii Caaydiid. Dhanka kale dowladdii uu hoggaaminayey mudane Cali Mahdi ayaa waxay wargeyskii xiddigta aktoobar u beddeleen wargeyskii Dalka, isla markaana waxa maamulkii Cali Mahdi ay wargeyskaas geliyeen dhaqaalo xooggan taas oo ka dhigtay mid meel aad u sarreysa gaaray.

Wargeyska DALKA waxa la soo saari jiray: “Maalmaha qamiista iyo isniinta”. Bulshaduna waxay u bixiyeen wargeyskii: “XAARINKA”. Sababtuna waxay aheyd xajmiga warqadihiisa oo aad u weynaa darteed. wargeyska DALKU waxa uu gaaray in loo iib geeyo dalka isu tagga Imaaraadka Carabka iyo waddamo kale, sidoo kale waxa loo iib geyn jiray guud ahaan goballada Dalkeenna.

Sannadkii 1991-dii ilaa 2012-dii waa xilligii ugu adkaa ee soo maray suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana la dilay in badan oo ka mid ah suxufiyiintii u shaqeyn jiray warbaahinta kala duwan eek a jiray guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Qaar waxa loo geystay jirdil iyo foolxummeyn. Qaar kalena waxa loo geystay caga-jugleyn iyo hadilid. Kuwa kalena waa la qafaashay, halka qaar kalena nolosha la dhaafiyey. Tiro iyo xisaab lagu ma soo idleyn karo inta weriye ee la dilay qaranjabkii Soomaaliya ka dib, ha ahaadeen kuwa Soomaaliyeed ama ha ahaadeen kuwa shisheeye oo dalka wax ka joogay. Saxaafadda soomaaliyeed iyo weriyayaasha ba dhanna waxay ka sammeynayeen horukac iyo is muujin, dhanka kalena waxa uga socday gummaad u gaar ahaa, taas oo weriyaha loo dilayay xog uu soo bandhigay iyo warbixin uu keenay. Waxa kale oo dilka weriyayaasha qeyb ka ahaa aanadii qabiillada taas oo iyaduna sababtay in weriyaha loo dilo heybtiisa uu ku abtirsado. Sidoo kale waxa ugaarsanayay waddamo shisheeye oo iyagu si gaar ah u ilaashanayay maslaxadda qarankooda. Weriyayaasha oo iyaguna dhexdooda is ugaar sanayay ayaa qeyb ka aheyd dhibaatada soo gaartay saxaafadda Soomaaliyeed.

La soco qeybaha kale haddii Alle idmo.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN