DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-19AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Wariyayasha Soomaaliyeed kaliya laguma dilin dalkeenna ee waxaa afduub iyo dilba loogu geystey wariyayaal ajaaniib ah oo ay ka mid ahayd: gabadhii Talyaaniga u dhalatey ee LARA ALVA oo baareysay musuqmaasuqii ha’yaddii Talyaaniga ee la dhihi jiray: FAI (Fundo Aiuto Italiano), iyadoo sidaa oo kale dabagal ku heysay suntii lagu shubay Soomaaliya xeebaheeda, iyada oo la soo kulantay madax wax ka ogaa sidii ay wax u wadday haya’ddaas iyo ciddii ka dambeysay qandaraaskii sunta ee LARA waxaana lagu dilay magaalada Mugdisho iyada iyo kaamiramaankeedii. Waxaa kaloo iyana la dilay labo wariyaal ah oo u dhashay dalka Turkiya, kuwa kalena waa la afduubtay, balse, waa la sii daayay.

Markii ay arrintu ay sidaa noqotay waxay wariyayaashii Mugdisho isku dayeen in ay sameeyaan urur u dhaqadhaqaaqa qaddiyadda suxufuyiinta Soomaaliyeed. ururkaasi waxa uu xoog kusoo furtay werayayaal badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ay xirteen hoggaamiye kooxeedyadii ka jiray waddankeenna. Ururkaas la aasaasay, waxaa lagu magacaabi jiray: (SOJU Somali Journalister Union) kaas oo wariyihii rugcaddaaga ahaa ee Saciid Baker Mukhtaar loo magacaabay; guddoomiye. Sidoo kale rag waaweyn oo hormuudka saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ahaa ayaa iyagana loo magacaabay jagooyin sarsare sida xoghayaha iyo guddoomiye ku xigeennada qaarkood.

In kasta oo xuriyaddii saxaafadda Soomaaliyeed aysan weli gaarin halkii loo hanweynaa ama yoolkii la hiigsanaayay haddana waxaa la hayaa waddadii lagu gaari lahaa guusha la beegsanaayo. In badan oo ka mid ah kaadiriintii ka soo shaqeysay warbaahinta Soomaaliyeed intooda badan waxay ahaayeen kuwo aan heysan shahaaddada saxaafadeed oo ay ka soo qaateen heer Jaamacadeed. Qofkii ugu horreeyay ee ka shaqeeya saxaafadda Soomaaliya ee shahaaddo jaamacadeed heysta waxa uu ahaa: Maxamed Maxamud Afrax, balse, waqti ka dib markii la furey kuliyadda saxaafadda Soomaaliyeed ayey saxafiyiin badan ka faa’iideysteen, isla markaana ay ka soo qaateen shahaadda sare oo saxafinnimo.

Aasaaska Cilmiga Saxaafadda:

Cilmiga saxaafaddu maanta waxa uu gaaray heer aad u sarreeya oo leh takhakhsusyo kala duwan. Haddaba waxaa lama huraan ah in aynu baranno si aan u gaarno halka aynu hiigsanayno si aynu u hormarinno saxaafadda oo ah; muraayadda laga daawado horumarka ay bulsho kastaahi leedahay. Saxaafaddu waa awoodda afaraad ee maamulka dowliga ee casrigaan. Waxaa kale oo aad maanka ku heysaa in aad la hadleysid aqoonyahannada, culumaa’uddiin, waayo aragda iyo dadka leh aqoon cilmiyeed nooc kasta oo ay tahay, waxaa ku jiri kara macallinkaaga.

Mar haddii ay saxaafaddii maanta tahay mid la hormariyay waxa lama huraan ah saxafigu inuu yaqaanno warka uu tebinayo nuuca uu yahay. Tusaale: “Haddii uu tebinayo ciyaaraha waa inow yaqaanna, ogaal fiicanna u leeyahay ciyaaraha laftooda. Waa inuu si ka duwan sida ay dadka kale ula socdaan uu u yaqaannaa, maxaa yeelay, waxay bileysaa xirfadda iyo tebinta hadba waxa aad ka hadleyso heybta ay yihiin. Haddii uu saxafigu tebinayo warbixin ciidan waa inuu kala yaqaannaa hadba inta qeyb ee ay u kala baxaan ciidamadu. Waa inuu yaqaannaa qeyb walba waxa ay qabato oo goonida u ah. Ujeeddadu waa in saxafigu uu leeyahay aqoon guud oo ku filan. Waxa kale oo lama huraan ah weriyuhu inuu yahay mid aqriya waxna qora. Haddii laga waayo labadaas xirfadood ee aqris iyo qoraal wuxuu noqonayaa mid ka abaarsada tebinta toolmoon iyo aqoolidda eraya uu adeegsanayo. Sidoo kale weriyuhu waa inuu yaqaannaa afaf ka dheeraad ah midkiisa hooyo, taasi waxay ka kaalmeynaysaa inuu ogaado waxyaabaha laga qoray dalkiisa iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Waa maxaay anshaxa saxaafaddu?

Anshaxa saxaafaddu waa hadal urursan marka aad sheegeyso oo aan cidna wax u dhimin, cidna aan lagu qadfin oo aan meeshii uu ku habboonaa aan ka baxsanayn oo aan ka  fageyn. Waa tebin laga reebay been iyo buunbuunin gaar ahaaneed. Waa erayo toolmoon oo tilmaan iyo toosin bulsho laga dheehan karo. Qowlka wanaagsani waa saddaqo waa aayad ka mid qur’aankeenna kariimka ah, haddaba waa waajib saraan inuu saxafigu anshaxiisa, asluubtiisa iyo afkiisaba suubbiyo. Hadal wanaagsan ku hadal ama iska aamus sidaas ayaa kuu wanaagsan intii uu eraygaagu laba qof kala geyn lahaa. Anshaxa saxaafaddu wuxuu farayaa; in suxufiyiint ay masuuliyadi ka saarantahay; dhaqanka, asluubta iyo adeegsiga hadalka ku habboon mowduucyada ay tabinayaan. Saxaafaddu waxay tabisaa war iyo warbixinno ka hadlayaa mowduucdu kala duwan balse, su’aashu waxay tahay; ma jirtaa luqad u gaar ah oo ku haboon hadba dhacdada taagan? Warcelintu waxay tahay: Haah!.

Inkasta oo aysan jirin erayo kooban ee mar walba afka laga dhoho, haddana isticmaalka erayadu way ku kala habboon yihiin marka ay warbaahintu xog tebineyso. Khuburrada afka Soomaaligu waxay aaminsan yihiin in adeegsiga Af-soomaaliga ee warbaahinta xilligaan jirta in ay ka qaldanyihiin dhowr qeybood: sida naxwaha, eray bixinta, tarjumaadda, xulashada iyo magacyada dadka shisheeye.

LA SOCO QEYBAHA XIGA HADDII EEBBE IDMO

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN