DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-20AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Saxaafadda iyo Af-soomaaliga

Saxaafaddu aaladda ugu muhiiman ee ay adeegsato waa afka. Afkana waxaa ku jira erayo aan macnahooda la wada aqoon iyo qaar aan isku si loo wada aqoon. Waxaa kale oo ku jira erayo qadaf ah iyo qaar kale oo mudan in laga dhowrsado. Waa in muhimad weyn la siiyaa adeegsiga afka Soomaaliga.

Erayada uu adeegsanayo weriyuhu waxa lama dhaaf ah inay ahaadaan kuwa si fudud loo garan karo, isla markaana waa inay gudbiyaan farriimo wax ku ool ah oo ay bulshadu ka dheefeyso wax badan. Afafka aadanuhu ku hadlaan waxay leeyihiin; erayo sannad walba ku soo kordha, kuwa dhimaal ka noqda oo adeegsigooda laga dal doorsado ama sidooda u baaba’. Waxa jira erayo aan lumin, balse, macno ahaan isy beddela oo dhalan-rog uu ku dhaco.

Af aqoolka Soomaaliyeed qaarkood waxay qabaan Af-soomaaligu inuunan dhammeystirneyn oo uu weli u baahan yahay qabyo tir. Dhanka erayada cilmiga marka aan ka fiirinno waa baahi jirta oo aan la inkiri karin, balse, qaab curinta toolmoon afku waa uu u dhammeystiran yahay, kaliya waxa ka dhiman in eray cilmiyeedka qalaad loo helo erayo ku habboon oo booskooda buuxin kara, isla jeerkaasna Af-soomaali barax la’ ah.

Haddaba, si looga doodo milgaha saxaafadda, waa in marka hore qofku uu fahmaa doorka ay luqaddu ka ciyaarto sida loo qeexayo qiimahaasi. Tani waa tallaabadii ugu horreysay, waxaanna jecelnahay inay ballaartaan oo ay u noqdaan tilmaamo buuxa oo u gaar ah saxaafadda iyo luqadaha. Waxaan tilmaamayaa labo arrimood oo muhiim ah:

  • In aad heyso wax aad sheegto.
  • In aad si fudud u sheegto erayo la fahmi karo.

Haddii aad dooneyso in aad si sax ah wax u qorto, waxaad u baahan tahay inaad akhriso oo aad ka fakirto ereyada aad adeegsaneyso; wax la fahmi karo iyo waxa aan la fahmi karin intaba. Taasi waxay kaa kaalmeynaysaa inaad si cad u sheegto waxa aad dooneyso inaad ka hadasho. Haddii aad sheeko heyso oo aad muuqaal bixineyso ama aad sharraxayso arrin adag. Mid walba waxa ay leedahay qaabkeeda.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN