DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-2AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Xasan Duusoos”

Warkeenidda:

Sida aan soo bidhaaamiyey nooluhu waa ay hadlaan, hadalkaasna kolba baahida amminka iyo goortaas loo qabo ayaa xiiso u yeesha. Sida aan ognahayba caalamka waxaa loo qeybiyaa seddax qeybood. Seddaxdaas qeybood oo Aadanaha ama insigu ay ka yihiin qeybta seddaxaad ama caalamka seddaxaad. Caalamka koobaad waa: Malaa’igta Eebbe iyo intii la hal maasha ee Eebbe ogyahay. Haddaba si iyaga u gaar ah ayey isula hadlaan, Eebbahoodna ula hadlaan.

Caalamka labaad, waa: ”Jinka”. Jinku abuuris ahaan aadanaha wax badan ayuu ka horreyay, isla mar ahaantaana kummannaan sano ayey dunida ku noolaayeen aadanaha ka hor, welina waa ay kula noolyihiin. Jinnigu waxay leeyihiin af ay iskula hadlaan, sidoo kale, waxay leeyihiin cid warka u soo werisa ama u soo tebisa. Inkasta oo Suubbanuhu (S.C.W.) uu xaddiis saxiix ah ku yiri: ”Jinnigu waddanka ay ku noolyihiin aadanaha ku nool ayey afkooda ku hadlaan. Taas oo ka dhigan; in jinniga soomaaliya ku nool ay ku hadlaan af-soomaali, balse, innagu inaan warkooda maqalno ama aan aragno awood uma lihin halka ay iyagu na arkaan ayna warkeenna maqlaan.

Caalamka seddaxaad oo ah; annaga aadanaha ah iyo inta naftu ku jirto ee dhulka ifka nala jooga, waxay noloshoodu ku tiirsan tahay war. Noolaha qaar ka mid ahna waxayba isku afgartaan dareenka, taas oo iyana warkii u dhiganta. Haddaba abuuristii abkow Aadam ilaa maanta aynu noolnahay wixii dhacayey war la soo tebiyay iyo waxyi Nabi uu ka sido Ilaaheey ayey nagu soo gaareen. Biyaha ayaa la yiraahdaa: iyaga ayaa ugu horreeya nolosha aadanaha. Ilaaheey ayaa qur’aanka ku yiri: ”Wixii nool biyo ayey ku noolyihiin, wixii noolna biyo ayaa laga abuuray markoodii hore”.

Malaha biyahaas waxaa ku soo xigi kara waa warka iyo werintiisa. Kolkii qarniyo badan ay aadanuhu jiraalka carra’edeg ku soo noolaayeen ayaa waxaa loo baahday in warkii laftiisa la sii kala hufo oo la kala qeybiyo. Tusaale: qeyb waa la xaraf-raaciyey (Qaafiyad) oo waxaa laga dhigay waxa loo yaqaanno suugaan, taas oo ah isla hadalkii oo la dhoodhoobay, mararka qaarna daryaan iyo muusig lagu kabo. Ogow! Isla warkii ayaa la qurxinaya ee warku waa uun kiisii. Kol kale ayaa haddana loo qalab qaatay in warkii la sii kala shaandheeyo oo warka laftiisa qaar ka mid ah laga ganacsado. Haah! Waa ganacsi. Bal fiiri habka ay u shaqeeyaan warfidiyeennada casrigaan jooga. Saxaafaddu iyada oo aragti iyo hadaf xambaarsan ayey haddana tahay suuq wax lagu kala iibsado.

Isku soo wada duub ee warku wuxuu leeyahay; wadiiqooyin kala duwan, kuwaas oo xeerar iyo xad kala sooca leh. Qarni walba kan xiga warku waa uu sii hormarayey ilaa uu gaaray maanta aynu noolnahay; in warku uu noqoyo baahida mashruucyada aadanaha tan ugu horreeysa. Warku waa mid la aqristo, sida dhiganayaasha (buugaag) warsidayaasha (mareeg iyo joornaal). Warlalis la dhageysto (Raadiyow) war la muuqsado (TV). Iyo habab kale oo badan.

Haddaba inta aanan u gudagelin si gaara taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed, waxaan marka hore si kooban uga hadlayaa taariikhda saxaafadda adduunka si aan ugu soo xirno taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed. Taariikhda saxaafadda adduunka waxaa lagu tilmaani karaa xilli adag oo bani’aadamka u noqotay khibrad, waxaana laga joogaa isku daygeedii ilaa (5) shan qarni. Waddanka Jarmalka intii u dhexeysay qarnigii 14-AAD ilaa iyo qarnigii 17-AAD, xilliyadaas oo ay waddamada Yurub ku jireen isbeddellada dhaqanka iyo horuumarka ayuu ka soo billawday wargeys gacanta lagu qori jiray, kaas oo ay si gaar ah ganacsatadu isugu gudbin jireen wararka iyo macluumaadka dagaalka iyo xaaladaha dhaqaalaha, caadooyinka bulshada iyo ahmiyadda bani’aadamka.

Makrii ugu horreysay ayaa waxa la dhihi karaa; waxaa wargeyskii ugu horreeyay lagu daabacay dalka Jarmalka dabayaaqada qarnigii 14-aad, wuxuuna ahaa: warside ay ku qoran yihiin warar iyo macluumaad kale oo ahmiyad gooni ah u lahaa aadamaha gaar ahaan dadyowga Jarmalka. Waxyaabaha uu qorayey wargeysku qaarkood waxay ahaayeen waxyaabo kicinaya xasaasiyad. Halkaas waxaan ka qaadaneynaa in saxaafadda asalkeedii hore uu ahaa: hub dagaaleed, isla markaana la doonayay in kor loogu qaado garaadka dadkii berigaas noolaa. Sidaan ognahayba wargeysyadu waxay la billowdeen oo ay la jaanqaadeen hannaanka iyo farsamda daabacaadda. Waddamada Yurub gaar ahaan Jarmalka ayaa iska leh fikradda in la soo saaro daabacaaddii u horreysay oo casri ah taasoo lagu magacaabi jiray: “Relation” sanadkii 1605-tii.

La soco qeybaha xiga haddii Ilaaheey idmo!

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Xasan Duusoos”.

Naga la soo xariir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN