DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-4AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Saxaafadda Carbeed:

Carabtu, waa dadka ugu ilbaxsan aadanaha, ummad ahaanna waa bulsho aad u dhib badan, taasna waxaa caddeyn u ah; Carabtu waa bulshooyinkii ugu nabiyada badnaa, marka la barbardhigo reer banuu Israa’iil oo iyaguna ahaa; hinji iyo ummad dhib badan, welina waa ay yihiin. Nabiyada ugu badan ee Eebbe soo diray inkasta oo tiro ahaan lagu sheegay; 124-kun oo nabi, haddana inta ugu badan waxaa loo diray Carabta iyo Yuhuudda. Taas oo labadaas ummad ka dhigeysa kuwa ilbax ah oo xaddaarad aad u qotodheer leh. Haddaba Carabtu kuma ammaanno inay kaallinta labaad ka galaan xagga horqaadka saxaafadda, marka laga yimaado reer galbeedka. Balse, sababta Carabta dib dhigtay kana dambeysiisay ummadihii ay ka horreyn jireen waa; awoodihii Ingiriisku horboodayey oo milgihii ay Carabtu ku laheyd aadanaha dhulka ku jiiday, isla markaana waddamo badan oo Carbeed gummeystay, taas oo bulshadii Carbeed gayeysiisay inay wiiqanto awooddoodii ummadnimo, welina ay laalan tahay.

Haddaba, daabacaaddii u horreysay ee wargeys Carbeed, kuna qoran af-carbeed iyo af-turkish waxaa la dhihi jiray: (Jornal al-Iraq), kaas oo ka soo muuqday magaalada Baqdaad sanaddii 1816-kii. Dalka Masaarida magaalada Qaahira ayaa iyaduna waxay ka billowday: daabacaadda laba wargeys qarnigii 18-aad gugiisii 20-aad, ka dibna, waxaa ku xigsaday dalal kale oo Carbeed oo iyaguna billaabay inay daabacaan wargeysyo sida:

  1. Aljeria sannadkii: 1847-kii.
  2. Lubnaan, Beirut sannakdii:1858-kii.
  3. Suuriya, Damascus sannadkii: 1860-kii.
  4. Tuneesiya, Tuunis sannadkii 1861-dii.
  5. Liibiya, Tripoli sannadkii: 1860-kii.
  6. Yaman, Sanca sanadkii: 1879-kii.
  7. Marooko -Casablanca sannadkii: 1889-kii.
  8. Sacuudi Caraabiya -Makkah sannadkii: 1908-kii.

Dalalka Lubnaan iyo Masar ayaa hoggaaminayey warbaahinta daabacaadda Carbeed; waxaa kale oo ay hoggaannka u qabteen guud ahaan saxaafadda Carbeed 20kii sano ee qarnigii la soo dhaafay. Wargeysyadii u horreeyay waxay ka soo muuqdeen dalka Lubnaan magaalada Beirut qarnigii 18-aad gugiisii 73-aad iyo wargeyskii caanka ahaa ee al-Ahram, kaas oo si weyn ugu muuqday inuu hoggaanka u qabtay saxaafadda Carbeed oo ilaa iyo iminka uu jiro xooggiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna ka billowday dalka Masar 1875-kii, wuxuuna wargeyskan qarnigii 21-aad uu gaaray in suuqa uu soo galo in ka badan nus milyan oo nusqadood.

Waddamada Carbeed ee saliidda hodanka ku ah ee Khaliijka ayaa iyaguna daabacaaddooda iyo wargeysyadooda markiiba degdeg sare ugu kacay, iyaga oo markaas ka faa’iideysanaya khubarrada Carbeed ee aqoonta u lahayd warbaahinta, waxayna shaqaaleysiiyeen Carab ka soo kala jeedda: Lubnaan, Masar, Jordan, Falastiin kuwaas oo soo saaray wargeysyo maalinle ah oo tayadoodu ay aad u sarreyso. Haddii aan tusaale u soo qaadanno waddamada Qatar, Baxrayn iyo Cumman waxay lahaayeen: wargeysyo si fiican u hirgalay ilaa sannadkii 1970-kii, suuqooduna hoos uma dhicin weligoodba. Sacuudi Carabiya waxay leedahay: wargayska ugu qaddiimsan oo ka hadla dhaqanka waxaanna ka mid ah al-Bilad iyo al-Maddina, kuwaas oo suuqa soo galay horraantii 1930-kii iyo wargeyska kale ee maalinlaha ah ee Ukaz iyo al-Nadwa oo isaguna banka yimid 1960-kii. Horrantii 1960-kii, Al-Jazira iyo al-Riyadh oo maalinle ah ayaa ka billaambay magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudi Carabiya.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN