Dhaca iy boobka hantida guud Q2AAD W/Q: Shaafici Macallin Axmed

 

Dhaca iyo boobka hantida guud Q2AAD

Waxaan sii anba qaadaynaa qayb kale oo ka saabsan muuqaalada ku xad gudubka hantida guud, hantida guud hore ayaynu u qeexnay qaybaheeda iyo laamaheeda, sidoo kale waxa aynu qaybtii hore u kaa qaada dhignay qaybo ka mid ah, dhaca ama boobka hantida qodobbadan dambe waa kuwo ka mid ah, lunsiga iyo ku xero taraarka hantida guud.

1.Bur burinta caddaymaha:

Laamaha kala duwan ee dadwaynaha loogu adeego waxaa ka mid ah kuwa lagu kaydiyo caddaymo ama xogo ku saabsan dadka iyo dalka.

Sida laamaha garsoorka iyo hanti dhawrka oo lagu kaydiyo caddaymaha ku saabsan xuquuqda dadwaynaha ha ahaato mid ku saabsan: caddaymaha dhulka, fal dambiyeedka dad kala galay caddaymahood, dhac iyo boob loo gaystay , xuquuqda dadwaynaha iyo hantidooda.

Sidoo kale hay adda sirdoonka ayaa ah meel lagu kaydiyo sirta iyo xogta dalka ku saabsan nabadgelyada dalka, heshiisyada dalka, iyo waxyaabo badan oo lagama maarmaan ah.

Caddaymahaas waa hanti qaran oo la wada leeyahay, waxaana iska leh, dadka ku nool dadkaas ee gaarka u leh waxaana ku xiran ah oo ay nolasha malaayin qof ku xirantahay ku xadgudub keeduna ama faafinteeda ay galaafan karto nolasha malaayiintaas dadka ah eek u dhaqan dhulkaas.

2.Hantida guud oo loo adeegsado dan gaar ah

Had iyo jeeraale waxaa dhacda in dadka xilalka hayaa ee loo igmaday maamulka hantida guud  in ay u adeegsadaan dano gaar ah:

Sida lacagaha lagu bixinayo xafladdaha, marti qaadyada gaarka ah aan ujeeddo waxgal ah ku fadhiyin iyo socdaal dibadda ah oo aan lahayn hiigsi iyo majiire dhab ah,macana sidoo kale in diyaarado gaar ah loo kireeyo dad aan wax hawl qaran haynin ,Lacagahaa qaabka micno darada ah lagu bixi nayo waxa ay baahi tiri lahayd boqolaal qof oo shacab ah waa hadii dhanka saxda ah loo weecin lahaa

3.Xatooyo

Xatooyadu waa dhaca ugu badan ee hantida guud ay la kulanto haba ugu darnaato lacagaha caddaanka ah .

Lacagahaas oo laga soo qaado goobaha danta guud sida : Gegada diyaaradaha, dakaddaha iyo IWM.  lagacahaas ayaa la lunsadaa ayadoon soo gaarin goobihii loogu tala galay in lagu ilaaliyo sida bangiyada oo kale, qaarkoodka waxaa laga bixiyaa bangiga ayadoon looga bixinayn sifo sharci ah loona isticmaaliyo waddo aan sharci ahayn oo lagu lunsanayo.

Lacagaha la xado waxaa ka mid ah lacagaha ay bixiyaan dawladdaha iyo hay ado ajnabi ah oo ay ubixiyaan dayn ahaan ama deeq , ayadoon gaarin shacabkii lacagahaas la daymiyay oo hadhaw gudideeda laga rabo ayaa la leexsadaa xatooyadu kuma eka lacagta cad, sidoo kale waxaa boob la kulma ,dhulkii danta guud , sida goobihii waxbarashada  iyo goobaha caafimaadka IWM.

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

SHEEKOOYIN