WAA DAWO EE KUMA JECLI UN DHEH?
Ragga kolka jacaylku gaadho, ee gabadhi qalbigiisa degto, wadnihiisa fadhiisato, laabtiisa bannaysato, ee indhihiisa xado, jidhkiisa iyo naftiisa ba yeellato, jilicsanaa, itaal daranaa, awood yaraa, deeqsisannaa, dulqaad badanaa, samir oggaa, qalbi fududaa, go’aan bed-beddel badanaa, qanisanaa, lacag badanaa, raxlayn oggaa, riyo badanaa, garasho yaraa, garaad wanaagsanaa, oo fududaa sida baalka shimbirta, jilicsanaa sida xuubka caarada.
Wali goor aan habeen ahayn, oo maalin ahayn dareen caashaq oo ganan wadnaha juq ma kaa yidhi sida fallaadha. Nin ba dumar mida uu calmado iyadaa adduunka u gu qurux badane, noocii qalbiga aad ku haysay waliba qaybta danbe indhuhu sida iftiin iyo halacda muuqeeda ma ku ashqaraareen?. Tin illaa cidhib,. Geed dheer iyo geed gaaban ba ma u kortay sidii aad galab un ula haasaawi lahayd, fiid un ula cawayn lahayd, habeen un ula seexan lahayd, dhaxanta uga dugsan lahayd, cadowga u gu wiirsan lahayn, nolosha kula mataanoobi lahayn, lammaane u noqon lahaydeen ka dib ay carruur kuugu dhali lahayd adna aad u ciyaarsiin lahayd.
Durraamasho kasta iyada ma ku dartaa sidii Eebbe gacantaada u soo galin lahaa. Dadaal badan oo aad la timi iyo oggolaansho Eebbe dabadii yartii wadnahaaga agtiisa ma dhigtay, jacayl ma waddaagteen?
Xidhiidhada bini’aadamka dhex maraa wuu badan yihiin, balse waxa u gu xiiso iyo xalad badan ka jacaylka. Isagaa u gu xamaasad iyo dareen kicin badan. Isagaa kolba nooc kaa dhiga. Isagaa farxada, kalgacaylka, naxariista, dulqaadka, rayn-raynta, degganaanshaha, iyo kalsoonida adduunka taala oo dhan hortaada keena, marna isagaa xasillooni darada, itaal-darida, nasiib xumada, murugada, cabsida, dulqaad yarida, walbahaarka, walaaca, ciilka, coon’nimada, qaaya-darida iyo qiima la’aanta kuugu wacan, oo hortaada ku soo shiriya.
Dhimbiil waa saaxiibkay, marna waa walaalkay, marna bahwadaag fasal ayaanu muddo siddeed sanno ah ba ahayn. Xaggaagii ka hor ayuun bay ahayd kolkii uu Layla caashaqiisa u sheegtay, iyanna ay aqbashay. Intaa wixii ka danbeeyay intaan ka war hayo iyagaa Aabbo iyo Hooyo isu noqday, cidlada iyo dhaxanta iyagaa wehel iskaga noqday, sheeko kasta oo uu ka sheekeeyo Layli way ku jirtaa, shay kastuu amaanana iyaduu ka sarraysiiyaa. Iyagoo isku faraxsan, midhka Bariisana afka ku kala goosta ayaa iigu danbaysay. Kolkii aan soo-xaggaa noqonay, saddex bilood ka dib, isagu isagii muu ahayn. Wuu noolaa une waanu dhiman. Hadduu kal hore jacaylku soo dhoweeyay oo boggiisa wanaagsan uu ku raaxaysanayay, hadda boggiisi ragga dulinnimada u horseedi jiray ayuu ku sugan yahay. Nin dhisan oo laf iyo jiidh leh ayuu ahaa, maanta se waa qalfoof iyo indho god fog kaaga soo fiirinaya si awood darran.
Xaaladiisa ayaan ka warraystay, isna xogtiisa oo dhan ayuu i siiyay. Inaanu fayoobayn, oo caafimaadku ku yar yahay is ba waa iska war hayaa, oo loogama waramayo. Dhibku ba waa Layla oo ku keliyeysay lammaanaheeda kalgacaylkiina cidlana kaga dhaqaajisay iyo xanuunkii jacaylka oo isaga ay ku reebtay. Cunto ma cuno, biyo iyo sharaab na ma cabbo, ee xasuusteeda ayuu ku nool yahay. Dhaxan ma ogga, kulayl na ma darreemo, bal se maqnaanshaha Layla iyo booskii ay bannaysay ayuu habeen iyo maalin ka fikirayaa, oo dareemayaa. Waraysi xasaasiya iyo u fiirfiirsasho badan ka dib waxaan oggaaday xanuunka hayaa ba inuu yahay jacayl xumaaday. Ninkii saaxiibkay ahaa jacayl baa ku xumaaday, oo ku saqiiray. Daawadiisunna waa Layla oo loo keeno, oo waan ku jeclay intay tidhaahda, taabata ama dhunkata oo u raacisa iga raali noqo xabiibi. “Oo maxay u odhan iga raali noqo xabiibi? Ma iyadaa khaldan mise isaga? Ugu horrayn waa in taa la oggaado.” Dib intaan u soo jaleecay isagii ayaan ku yidhi, “Saaxiib gabadha aad sidii aan oggaa isu jeclaydeen, maxaa idin kala fogeeyay?” wuxuu ii sheegay dhibku inuu xaggeeda yahay, dayacaadunna xaggeeda ka timi, jacaylkiina ay darajo laga dalaco ka dhigtay, kuna tidhi; horaan u socday oo dad kalaan hadda la jaanqaadee adna is-beddel samee oday!
Intaa markaan maqlay ayay cadho iyo ciil i madax mareen; waanigaa durtaba niyada farriimo canaan ah uga direy:bal qoftaa la jeclaaday eega? Hadday kan abaal u gali waydo, ma cid kalay ka neefinaysaa, kan ay hadda raacdayna saw bari ka dalacimayso. Anigoo Cir iyo Dhul meel aan jooga baa an is garanayn ayaan ku yidhi; “Hadda maxaan kuu qabtaa?”, wuxuu iigu jawaabay; bal orodoo iyada soo warrayso, oo warkayga gaadhsii, jacayl iyo nacayb na mid uun iiga soo qaad, ama nolol raaxo leh ayaan la noolaan, ama nolol bilaa fikir ah oo ay ka maqan tahay ayaan isku dayiye. “Haye.”, intaan yidhi ayaan halkay joogay bartilmaameedsaday.
Layla waan helay warkii saaxiibkay na waan gaadhsiiyay, arrinkiisu halkuu marayo waan u sheegay, si kasta waan u gu calaacalay, dhib kastoo dhacay na in xal loo helayo ayaan u sheegay, balse warkaygii igamay hoos qaadin, ee intay dhabarka i soo aadisay ayay tidhi; “Waan ka xumahay xanuunka saaxiibkaa ku dhacay, si kastoo ay noqoto se caafimaad baan u rajaynayaa.” Warkaygu ba kumuu dhaadhicin yarta. Daqiiqado ay aamusnayd ayaan niyadda iska yidhi; tollow ma ka dhoohanaan baa mise waa ka dhaga’adayg sidani. Dhagaxsanaa dumarka marka la jeclaado, oo qalbi adagaa. Iyadaa hadalkii sii wadatay; I dhagayso Cabdow, wixii aan aan odhan lahaa horraan u yidhi anigu, haddan fursad uma hayo saaxiibkaa, sababta oo ah xidhiidhkayagii wuu dhammaaday, anigaa na go’aansaday inuu halkaa ku go’o, wakhti xaadirkana gabadh la qabaan ahay oo xaas leh, ee Dhimbiil iska illow Layla ku dheh.
Xaas kolkaan maqlay ayay dhaguhu I ballaadheen, gabadha ba show intaan magaalada ka maqnaa ayaa la guursaday, oo lala aqal galay, waar ninkan Dhimbiil dhaga adagaa ma il Kalluun buu liqay, gabadh la qabo ayuu ba jecel yahay, oo naftu u gu baxaysaa, illeyn anagaa balaayo aragnay.
Hadda maxaan sameeyaa? Saaxiibkay maxaan kula noqdaa? iyada se maxaan ku yidhaa? maxaa se xal noqonaya? Anigoo Dhaka faarsan ayaan xasuustay hadalkii ahaa’ “Orodoo Layla jacayl iyo nacayb mid uun iiga soo qaad” dib intaan Layla u gu soo jeestay ayaan ku yidhi; “Hal axsaan maad ii samayn walaal?”, “Haye ee maxaan sameeyaa ayay igu tidhi; waxaan ku yidhi si aanu dhex u gu dhiman maskiinku oo aanu kuu sugin “Kuma Jecli ku dheh Laylaay” sidii ayay samaysay Layli, inkastuu isaga wadnaha xanuun iyo qalbi jab wayn ku keenay haddana wuu quustay, oo qalbigaa ku samray. Maalmihii iigu danbeeyay wuu caafimaad qabay, bal se dushiisa iyo diirkiisa ba waa laga dareemayay xanuunka jacaylka. Eebbe ayaan ka magangalnay xanuunnada noocaas oo kale ah.
Waxaa igu soo dhacay, murti badan oo jacaylka ka hadasha iyo weliba markuu qofka ku keliyeysta, sida erayadii Abwaankii weynaa ee Xuseen Aw faarax ee uu ku xareedin jirey Boqorkii codka Maxamed Saleebaan tubeec.
- Inkastoo nin geesiya
- Raggu geed adayg yahay
- Haddaan garabka lala qaban
- Guri oodi maayo
Saaxiibkay kuma qaldanayn inuu jeclaado, gabadh asaagiis ah, ee waxaa ka hiiliyey calafka iyo nasiibka, haddaba a su’aale Calafka iyo Jacaylka haddii uu calafku guuleysto, miyaanay ahayn arrinkuu heestii Goroyooy Gabal kuu dhac ee Xasan Aadan Samatar ku xareedin jirey ee ahayd.
- Caashaqani muxuu gabay
- Laba guusha wada jecel
- God muxuu ku kala riday
- Laba guur isku ogaa
- Geerida mid yidhi hoo
- Geedi dheer muxuu calaf
- Gacal ooman kala raray
- Misna geed ku kala xidhay
- Maxaa samirka gaaxdaa
- Nasiib gaabiyaa dilay
- Misna gaadhi waayaa.
- Godob qaaday waayuhu
- Anna gooni may dhigay
- Gabaahiir ma igu furey
- Geeriyaad maku ambadaye.
- Sawma ihi gediidii
- Goroyoow gabal kuu dhac.
W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge