Dhacdo dhaba: Xasna iyo habeenkii murugada 1978 W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

rape1

Dhacdo dhaba: Xasna iyo habeenkii murugada

Culusow waa gaashaan qaad marka ayuu madaxa la galay gu’gii shan iyo tobnaad, waana haasaawe bilaw, goor ku aadan 1978 ayuu ammin fiidnima ah soo fadhiistay Baar ay badanaa u soo sheeka tagaan ama u soo shaah doontaan Dhallinta da’adiisa ah iyo dadka kale ee xaafadaas deggan.

Baarka wuxuu ku yiilay jidka Wadnaha dhammaadkiisa, dhinaciisa Waqooyi Bari,waxaana loo yaqiin naaneys ah Baar “Maroodi”, laakin magaciisa Runta ah wuxuu ahaa “Baar Kasmo” , Iskuulka waa xirnaa, Dugsi Quraan waa ka qalin jebiyay ( Oo maalmahaan hawlihiisa gaar ahaaneed, waa yaraayeen, shaqo uu ku foognaana ma jirin, marka laga reebo, inuu reerka ka kalmeeyo hawlahaha qoyska maahine, Mar uu aabbihiis u raaco shaqadiisa iyo mar uu adeegyada guud wax ka qabto), Culusow barashada Quraanka si fiican ugama Aflixin, laakin wuxuu ahaa Wiil Edeb badan ,sina uga duwan dhanka dhaqanka dhallinta isaga la da’da ahaa oo xaafadaas ku soo hana qaaday, waxay mar mar mar ay dadka waaweyn ee Xaafada ugu yeeraan “Salaan Dheere”.

Faca Culusow iyo filkii ka dambeeyay ilaa 1990 iyo fac badan oo ka horreeyay waxay intooda badan ee magaala jooga ah ama ku dhashay ay dhaqan ahaan aad uga duwanaayeen jiilalki ka horreeyay 1972 kolki lagu dhawaaqay in dalka lagu maamuli doono Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan, waayo dalka gaar ahaan magaala madaxda dalka ee Muqadishu ,wixii goortaas ku aadanaa waxaa laga yagleelay goobo loogu yeero “Golaha Hanuuninta” oo ay la timid dowladi ciidanka ahayd ee Af-gambiga ku qabsatay maamulka dalka Soomaaliya 1969ki.

Golaha hanuuninta ayaa ahaa meel dhaxe oo laga maareeyo arrimaha hoose ee degmo walba, waxaa dadka u yaqiineen “Shentarka” ama “Oryantashan“,waxayna ahayd kulmiso, waxay lahayd xafiisyo, goob lagu dheelo kubbada Dambiilka ama Kolayga, waxay lahayd qolal heeso iyo maaweelooyin lagu baro oo lagu diyaariyo Ubaxa Kacaanka,isla markaasna hawla kale lagu baro kooxa loogu yeero, Guulwadayaal iyo dhallinyaro iyaga leh dhar u gaar ah oo lagu aqoonsado, oo iyaga isugu jiro rag iyo Dumar ,una shaqeeyo Qaab Askarinimo ama u dhaw iyo waxyaaba kale oo badan oo laga soo min guuriyay dhaqanki shuuciyada ee lagu dhaqi jiray dalki horay loo odhan jiray Midawga Sofiyeeti.

Culusow wuxuu habeenkaas baarka ugu yimid Laba kale oo mid isaga la da’a yahay, midka kalana uu saddex ama laba Sano ka weyn yahay, waxaana in yar marki ay fadhiyeen halkaas ,kana sheekaysanayaan ciyaar ay berri ku ballansanaayeen oo kubbada cagta ah sidi ay isu qaabeyn lahaayeen si ay uga badin lahaayeen kooxda kale oo laanta afaraad ee degmadaas kaga imaaneysay, iyagoo falanqadii iyo faalladii ciyaarta ku hawlan, ayaa waxaa hortooda soo martay Gabadh dheer oo hubqaad iyo hannaan dumar alle u dhammeeyey, sare joogeeda iyo jirkeeda aad moodo in laysku qorey, haaneedka talaabada iyo habsamida socodka isku dheelitirin aan mar qura laga jeesanayn.

Waxay ahayd gabar la fil ah ama la ayni ah, wiilashan oo gu’gii 14aad ama 15aad ku jirta, Wiilashi midki u weynaa ayaa isha la raacay kolki ay mareysay dhinacooda, kii kale ayaa isagana ku yiri widaaygiis “Saaxib xaggee naga aaday?” Jawaabtiisana waxay ahayd ,”Iska aamus , miyeysan arkay geenyadan horteena mareysa, ayaa dareenkayga jiidataye, qoftaan waa inaan ka war keena, waa nooca ugu fudud qabashada, hadday soo baxday, wax badan ma fahansana.

Intaas markuu yiri, ayuu haddana istaagay, wiilki weynaa oo isaga la yiraa Xasan, kii kalana waa ka daba istaagay oo isagana la yiraa Cali, Cali kolki uu istaagay ayuu wuxuu arkay Culusow oo aan isaga meeshiisa ka soo kicin, wuxuuna ku yiri, maxaa ku helay “na keen saaxib”, Culusow isaga ma fahansaneyn Damaca iyo ujeedada dhabta ah ee wiilashan iyo waxa ay gabadha ka doonayaan oo ay u daba galeen,sidiisana ama badanaa sooma fadhiisan jirin goobaha lagu caweeyo,maankiisana kuma jirin inuu halkaas kula kulmi karo arrinta sara kicisay wiilashi uu la fadhiyay.

Culusow waa istaagyay, waa daba galay saaxibadi uu mar dhaw la fadhiyay ,Xasan oo sheekadan hormood ka ahaa ,isagana wuxuu ka daba tegay Gabadhi,wuu salaamay,gabadhi uma jawaabin ,haddana waa ku celiyay salaanti ,gabadhi uma jawaab celin mar kale ,keddib wuxuu ku yiri “Nayaa maxaad isla waaleysaa ,ma ogid miyaa in aan nahay Boolis,waana ogahay dhibkaad soo geeysatay iyo waxaad samaysay oo anagaad naga baxsanaysaa” kolki uu arkay ama dareemay in wejigeeda ay ku yaaliin daqarro ama dhawr feer oo muuqdo si xoog lehna loogu dhuftay wejigeeda. Xasan ma sahlaneyn, sina waa u fududaa ,una fahma badnaa wuxuuna lahaa caqli u jilcan u adeegsiga waxyaabaha xun xun iyo shaydaanka.

Gabadhi waxaa galay baqdin iyo argagax ,waxay niyadda iska tiri “War jinnigan yaa u warramay iyo kuwa la socdo, xaafadi aad dhibkan kala kulantay miyay kaa soo raaceen” ,haddana dib ayey isugu noqotay ,caawa inti ay soo socotayna ma dareemin cid daba joogtay, laakin, haddana iyada oo sidaa niyadda iska leh ayey tiri ,’Adiga maxaad rabtay,maxaadna ahayd ? ,Xasan wuxuu ugu jawaabay ,sowtaan kuu sheegay waxaan nahay ,ugu dambeyn ma hadashay,caqli ayaad leeddahay kol haddii aad garatay in aan laguugu deyneyn dhibka aad soo gashay oo aad geysatay caawa.

Gabadhi way baqatay,waxaana ku dhacay indha baqaaq,waxaa galay welwel xoogan ,waxay soo xasuusatay sida ay caawa uga soo baxsatay dhurwaay dadeed kale ,waxayna tiri dhib ma gelin ee aniga ayaa layga galay haddii aad soo qabaneysaan wiilashi sidan ii galay, wallow aanan aniga haddeer dacwa ahayn ,kol haddii Allaha weyn iga soo badbaadiyay dhibaatadi ay wilashaas ii geysteen.

Gabadhan waxaa la yiraa Xasna,waxay ka timid xaafad aan ka fogeyn xaafadeeda oo ay qaraaba salaam ugu tagtay Haweeney ay qaraabo yihiin Hooyadeed oo marmar salaam ugu imaan jirtay gurigooda ,waxayna xaafadaas ,horay isugu barteen wiilal la deris ahaa haweeneydan ,waxayna ka heleen inay jilcan tahay kolki ay iyadaba niyada ka gashay mid ka mid ah wiilashaas inuu fiicnaa ,isagana uu yahay midka u geystay dhibka korkeeda ku yaal caawa, kolki uu sheekadi,is-barashadi iyo haasawihi u bedalay inuu isku dayo, inuu xooggo oo kufsado,oo gabarnimadeeda waxyeeleeyo si xoog ah,balsa way is difaacday inta ay is-difaaci karto oo karaankeeda ah ,waana ka soo baxsatay kolki dhawr feer lala helay,ayna garaacisteeda iyo dhaawacyada ku yaal isu kaashteen wiilka ay wanaaga ku tuhmeysay,nafteedana rabootay iyo wiilal kale oo isu ballansaday dhibkeeda.

La soco qaybta labaad.

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.