Dhacdo dhaba:Saaxiibkaan eersaday!! Q2AAD!! W/Q:Cismaan Qanyare

  1389731626749437765 Dhacdo dhaba:Saaxiibkaan eersaday!! Q2AAD   Liibaan oo indhihiisu dhulka eegayaan, oo aad moodo in loo soo sheegay geerida qofkuu adduunka ugu jeclaa, werwer iyo walaahoowna u dhammaaday, isagoo foorara kuna dheeygagsan hoostiisa aad una maleyso inuu qurub yar oo dahab ah oo dhulka ku dhacay indhaha ku biniininayo,balse, ujeedadiisu uun tahay inuu indhihiisa iyo indhaha Luul kala ilaaliyo iney isku dhacaan oo kaliya ayaa hadalkii bilaabey: “Luuleey gacaliso, aduunka wax kasta wey dhacaan, bini’aadamna waa khaldamaa,aniguna bini’aadam baan ahay, wana khaldamay maxaan sameeyaa oo aad ku qanceysaa, oo xal noqon kara ?” Luul codkii dhaadheeraa ee qeylada ahaa hoos ayay u dhigtay, iyadoo indhaheedana ay ilmadu ku soo joogsatay oo baararka qoysay, ayay hadalkii ku billowdey si qiiro calool xumo ku jirto. Iyadoo garnaqsanaysa, Liibaanoow ma xasuusata labadii wacad ama balan ee aad iga balanqaaday habeenkii ka horreeyay Meherkeena? Liibaan ayaa xusuustiisa dib u celiyay oo intuu qadar daqiiqado ah aamusay ku jawaabay HAA waan xasuustaa macaanto Luuley.Luul oo sugeysay jawaabta Liibaan, ayaa hadalkeedii sii wadatay mar alaale iyo markii uu Liibaan jawaabtii ay dooneysay siiyay.

Iyadoo marba dib u goconaysa kuna celcelinaysa weydiimo kale, waxay ugu dambayn carabka ku ballaarisay labadii qodob ee balanta u ahaa ku soo afjartey. Liibaan oo markaan ay wajigiisa iyo hadalkiisaba ka muuqato is badal iyo culeys ku aadan xaalada cakiran, ayaa bilaabay ka dhawaajinta labadii qodob ee uu wacadka iyo balanta uga qaadey xaaskiisa Luul habeenkii ka horreeyay meherkooda, isagoo ka jawaabaya isla markaasna dhibsanaya jawaabta ayuu hadalkii ku bilaabey sidan: “ Haa labadaas qodob waan xasuustaa waana dhab inaadan wax kale iga dalban mana ilaawin waxayna kala ahaayeeyn.Qodobka koowaad, ee wuxuu ahaa inaanan waligey naag kale kula guursaneyn haddey dhacdona aanan kaa qarineyn ee kuu sheegayo.Qodobka labaadna wuxuu ahaa inaanan kuu diideyn inaan ku furo oo aanan madax bannaanidaada kugu dhibayn haddey kaa soo go’do, oo aad iga dalbatid furriin ,adiga oo miyirkaada iyo ogaalkaaduba taam yahiin. Intaas marka ay afkiisa ka soo baxday, ayay Luul oo ilmadii indhaheeda buuxisay kusoo hoortay labadeeda dhaban, kuna hadleysa hadal iyo ooyin isku qasan, cod keeduna uusan fasiix aheyn ,awalna aheyd dadka xabeebta u dhashay, ayay ku hadal gooysay sidan: “Liibaan miyaan kugu filnaan waayay?”                                        

Liibaan ayaa ugu warceliyey: Maya  Maya  walaashay  waad igu filneyd  dhinac walba  dhib aan kaa sheeganayaana ma jiro. Luul ayaa hadal weydiintii sii wada waxayna tiri:”Liibaan, labadii balan ee salka u ahaa wada noolaanshaheena, qodobkii koowaad waad jabisay, oo waa adigaa naagta ila guursaday,aad ila guursatide, haddana waad iga sii qarisay, ilaa aan anigu ogaaday anigoo isku taxalujina kaana shakin gurigeyga hadalkii iigu yimid. Kaaga sii darane, saaxiibkii aad isaga ku qarsatay ee kula ogaa arrinka uu ii sheegay. Waxaan maanta , ama kuu tanaasuli lahaa ama kuu garaabi lahaa haddii aad adiga afkaada iiga sheegi laheyd, inta aanad falka sameynin ama in yar kaddib markii aad mehersatay naagta kale.Nasiib daro labadaba ma dhicin, qodobkii koowad ee balanti aad iga qaadey halkaasuu ku burburay.” Haddaba maanta , waxaan kaa rabaa qodobkii labaad ee balantii aad iga qaadey inad ii oofisid, taasoo ah inaad iska key furtid, maadaama aan kaa dalbanayo aniga oo ogaalkeygu taam yahay maskax ahaana caafimaad qaba. Hadii aad isku daydid inaad jabisid balanta qodobka labaad ee aan ku heshiinay lix sano ka hor, ogoow in aan aniguna wixii ila gudboonaada sameyn doono.

Liibaanoow, wan kaa aamin baxay, lagamana yabo inaan Luushii hore waligey kuu noqdo. Liibaan oo dareemay culeyska hadalka Luul, saameyna uu ku yeeshay, ayaa is ku dayay inuu maslaxo iyo sabaale isugu daro Luul, dhinacyo fara badan oo kala duwana uu wax ka tusaaleeyo, laakiin nasiib darro markii uu dhinac kasta ka maray Luul, wuu ka quustay inuu ku guuleysto raaligalinta iyo furfurista xaaladda cakiran, ugu danbeeyntiina, waxaa xalku ku soo biya shubtay in Luul la siiyo muddo 10 bari ah oo hadii ay sida ay hadDa taagan tahay , aaney kasoo dabcin madaxeeda la siiyo. Luul waxay u sheegtay inay iska dhaaf 10 maalmoode ,xitaa hadii 10 sano la siiyo aaney waxba ka badaleyn go’aanka ay qaadatay sidii ayaana lagu soo afmeeray arinkii maalintaas.

Hadal dhex mara oo nuxur leh wuu iska yaraa maalmihii xigay oo dhan, Luulna waxay difaac adag ka gashay in dood ama hadal ku saabsan arrinta ka dhaxeysay iyada iyo Liibaan la furo. Toban maalin ka bacdi, waxa la gaaray maalintii lagu balansanaa, in Luul ay mowqifkeeda ka fiirsato ,go’aan kama danbeys ahna qaadato. Liibaan wuxuu rajo ka qabaa in Luul mowqifkeeda wax ka badali doonto. Liibaan iyo Luul ,waxay kala seexiyeen carruurtii habeenkaas, waxaana ay shir ilbaabada u xiran yihiin ku galeen qolkii fadhiga. Liibaan ayaa hadalkii waano iyo wacdi ku bilaabey, wuxuuna ku nuuxnuuxsadey ahmiyadda iyo qiimaha qoyska wada nool oo carruurtooda si wada jir ah u korsada iyo saameynta wanaagsan ee ay carruurta u leedahay inay ku koraan nolol labadooda waalid wada nool yihiin, wacdiga iyo waanadii koobneyd ee caqli celinta u badneyd ee Liibaan markii ay soo dhammaatey ayuu weydiiyay xaaskiisii go’aanka ay gaartay ee kama danbeysta ah?  

La soco qaybaha dambe…….. W/Q Cismaan M. Qanyare

SHEEKOOYIN