Dhacdo xanuun leh: Shan jir isaga iyo waalidkiis Aanno loo dilay W/Q:Yusuf Abukar Cusman (Buulalow)

Unknown

Dulmiga – Cudur ay Soomalida la nooshahay (Chronic Illness)

 

Maalin dheer oo shaqo badan kadib, Amran waxey soo shubatay koob shaah ah waxayna ag fariisatay hooyadeed.

Amran waa 23 jir, wexey la nooshahay hooyadeed, aabbeheed iyo walaaladeed, waxey haysataa wiil 5 jir ah, odaygeeda wuxuu ku noolyahay qurbaha, mana u suura galin inuu wali reerkiisa kaxeysto, wiilkiisa 5 jirka ah wuxuu ka tagay isagoon socodka gaarin oo weli garguuranaya

Xilliga wuxuu ahaa 10 ka habeenNimo waxaana la isku diyaarinaayay jiif, qolka Amran kan ku dhagan waxaa ku casheeynaayay Aabbeheed, labo wiiloo walaaleheed ah iyo wiil marti u ah oo ay walaalkeed oo dawaarle (Harqaanle) ahaa isla shaqyestaan.

Waxaa soo dhow ciidul fitriga oo 12 toban cisho ay ka harsantahay, sida caadadu tahayna xiligan oo kale shaqada wey ku badantahay dawaarlayaasha, dhowrki habeen ee lasoo dhaafay waxey seexan jireen labada wiil ee isla shaqeystaahi goobtooda shaqada, hase yeeshee habeenkaas guriga ayey usoo hooydeen, wiilka martida ah wuxuu daganaa xaafad shaqada ka fog, si subixii shaqada waqti hore loo bilaabo wuxuu la soo hooyday saaxibkiis ay shaqo wadaagta yihiin.

Aabbeheed wuxuu ahaa qof da’ ah, xoogaa madaxana wuu ka xanuun sanaa oo maalmo ka hor ayaa isbitaalka dhimirka ah laga soo saaray.

Iyadoo uu jawigu sidaas u daganayahay ayaa waxaa mar qura gurigooda xoog kusoo galay ciidamo hubeysan isla markaasna xiran dharka ciidanka ee dowladda, wexey guriga lasoo galeen handadaad, qeylo iyo sawaxan, reerki waxaa ku dhacay argagax, ciidanki waxey bilaabeen iney qol qol guriga u galaan, wiilashii midkii yaraa ee gabadha la dhashay darbiga ayuu ka booday oo waa uu baxsaday.

Waxaa soo haray gabadha aabbaheed, wiilka reeka u weyn, wiilkii martida ahaa, iyo wiilka yaraa ee 5 jirka ahaa, ciidamadii wexey durba xabad ku dhufteen Aabbeheed, reerki wexey dareemeen in ciidamadan ku labisan dharka dawladda aysan u socon howlgal dowladeed balse ay u socdaan dan gaar ah, wiilki reerka u weynaa wuxuu gadaal ka galay hooyadiis oo aheyd qof waayeela, nasiib xumase kuma badbaadine halkii ayaa lagu dilay, waxaa kaloo isna goobtuu ku casheynayey lagu dilay wiilki martida u ahaa reerka. Wey roonaan leheed haddii dhibka reerka ku dhacay intaas loogu ekeen lahaa, laakiin Amran ood mooddo anfariirka iyo baqdinta ka muuqda iney ku Alle baryeysay in wuxuba riyo uun noqdaan yaa mar qura illintii dhabanadeeda qoysay ku lammaanisay baroor iyo oohin qalbiga kasoo go’aysa oo deriska laga maqlay kaddib markii ciidamadi mid ka mid ahaa kuwi kale u sheegay in wiil yar qolka kale ku jiro, isla markaasna ay la tahay inuu dilo; Amran oo baroortii ku dareysa baryootan yaa ciidamadi intooda kale ka diiday kii kale inuu canuga yar dilo, wuxuuse ugu jawaabay: “waa isla reerkoo waxaa la arkaa inuu intuu soo koro berri aargudasho iyo eel danbe la yimaad” Amran oo dareentay in ninkan mooryaanka ah hadalkiisii u guuxeen saaxiibadii yaa wexeey af labadii kula qeylo dhaamineysay in wiilkeeda lala dilo, hase yeeshee qolkii ayaa xoog looga soo saaray iyadoo la jir dilayo, wiilkeedii yaraa oo sariirta ku dul fadhiya kuna soo nibdaaday sawaxanka iyo rasaasta ayaa sariirtiisii lagu kor dilay, xabad kaliyana laguma dhufan ee dhoor xabbadood ayaa qeybaha jirkoo dhan looga furay!

Waxaa laga yaabaa aqristoow inaad is weydiineyso dhacdadani tolow xaggeey ka dhacday? Dadka falka geeystayna iney muslim yihiin iyo inkale, ama xitaa bani aadam? Aqristow dhacdadani Falastiin kama dhicin, dadka dhibka geystayna Yuhuud ma ahan, dhacdadan wexey ka dhacday degmada Afgooye, 22ki June 2016 da, 17ki Ramadaan 1437.

Reerka dhibku ku dhacay shaqsiyan ayaan u garanaayaa, mana ahaan wax la iisoo tabiyay ama aan cidkale ka maqlay, mideeda kale meel lagu qoray ama saxaafad ka hadashay ma jirto falkaas foosha xun taasoo igu qasabtay inaan qalinka u qaato qormadaan.

Waxaa lagu fasiray dilkaan iney tahay aano qabiil, oo nimanka wax dilay nin reerkooda ah ayaa maalmo ka hor magaalada lagu dilay, dhibaatada jirtaa waxey tahay reerkan dhibka loo gaystay weligood hub ma qaadanin, dadka ay ka dhasheena maleeshiyo beeleed abaabulan malahan oo waa lawada garanaayaa, waxaa intaas kuusii dheer, ninka aanadiisa loo laayay dadkan dilkiisa waxaa sheegatay Al-Shabaab maalmo yar kadib.

Xitaa hadeynu kasoo qaadno in Al-Shabaab aysan sheeganin dilka, dulmi soow ma ahan qofki laga dilay iyaga cid aanan dilkiisa shaqo ku leheen tuhun qabiileed dartiis loo laayo?(iydoon weliba xitaa la hubin in gebi ahaan reerkaasu ka danbeeyeen aanada ay tirsanayeen) Haddii la dhaho Soomaaliya waa wax ka jiro in qof haddii la dilo qof aan shaqo ku leheyn loogu aar gudo, taas anigaaba usoo joogay dhowr dhacdo, maxaase lagu fasiri karaa in canug yar oo 5 jir ah oo wanaag ma ogiye waxkalaba adduunyada ka garaneyn in sariirtiisa lagu kor dilo saq dhexe? Weliba hooyadiis horteeda?!!

 

Saameynta dulmigu bulshadu ku leeyahay

Waxa Amran ku dhacay waa dulmi cad oo waliba aad u xanuun badan, qofkasto oo dhibic yar oo bani aadamnima ah qalbigiisa ku harsan tahayna wuu dareemi karaa murugada iyo uur ku taalada gabadhaas qalbigeeda ku abuuran.

Nasiib darrose dulmigu ma ahan mid Amran uun ku ege Soomaaliya oo dhan buu harqiyay, laakin waxaa la yaab leh in wax garadka Soomaaliyeed ee taxliiliya waxyaabaha uu waddanka la dagi la’yahay aysanba u xisaabsaneyn in dulmigu kow ka yahay.

Marka hore waxeynu nahay dad Muslin ah oo aminsan Alle iyo Rassuul (SCW) (Waa sida aan isku sifeeno haddaan Soomaali nahaye), jid walbana waxaa ka furan masjid, diintuna sida ay tahay waa hab dhaqan buuxa laakiin waxey mucjisadu tahay diinta Soomaalidu haysataahi ma ka muuqdaa dhaqankooda mise waa magac u yaal iyo dushaa sare uun?

Diinta islaamka ah een wada heysano waxyaabaha ugu weyn oo ay la timid waa cadaaladda bulshada ama (Social Justice), Nebi Muxammad (SCW) wuxuu yiri “dadku waxey u siman yihiin sida ilkaha shanlada oo kale”, dhaqankiisana sidaas ayuu ahaa, xadiis kalena wuxuu ahaa “qofkii seexda isagoo dhargan, deriskiisana baahanyahay nagama mid ahan!” ee micneheedu yahay ma fahamsana mabaadi’da asaasiga ah oo ay diintaan la timid (Qaalatil acaraabu aamannaa qul lam tu’minuu!)

Jiilkii hore ee muslimiinta markey hirgeliyeen mabaadi’daas asaasiga eh oo uu islaamku la yimid oo ay ugu horreyso cadaaladda bulshada ayey 20 sano gudohood ku noqdeen Dowlad laga heybeysto bacdamaa ey ahaayeen dad aan adduunyada laga tirsan (waa sidaan hadda nahaye!)

Tusaalle: Masar marki ay muslimintu la wareegeen waxaa ciidamada watay Camar ibnu Caas, isaga ayaana madax looga dhigay, maalin ayaa waxaa fardo ku tartamay Camar wiilkiisa iyo wiil bulshada kamid ah, wiilkii ayaa orodki badiyay, Camar ibnu Caas wiilkiisa wuxuu garaacay wiilki kale, wiilka dhibanaha haa wuxuu soo aaday Xaj, wexey Xajka ku kulmeen Cumar ibn Al khadaab oo markaas muslimiinta u madax ahaa, wuuna u dacwooday, Cumar wuxuu u yeeray Camar iyo wiilkiisa markaasuu ku dhahay: “Goormaad gumeysateen dadka iyagoo uu ilaahay xurnimo u dhaliyay?” wuxuuna amray inuu barxadda Xajka ku aar guto wiilka la garaacay oo uu garaaco Camar iyo wiilkiisaba!

Cawaaqibta dulmigu uu bulshada ku leeyahay aad ayuu islaamku uga faallooday, xadiis ayuu rasuulka SCW ku yiri: والله لتأمرن بالمعروف، ولتنهون عن المنكر، ولتأخذن على يد الظالم ولتأطرنه على الحق أطراً، ولتقصرنه على الحق قصراً، أو ليضربن اللَّه بقلوب بعضكم على بعض ثم ليلعنكم كما لعنهم

“Illaah ayaan ku dhaartaye, wanaagaad fareysaan, oo xumaantaad reebeysaan, waxaad qabaneysaan qofka gardaran gacantiisa oo aad xaqa usoo jiideysan si fudud ama si adag, ama hadii akle qalbiyadiin ayuu Alle isku dhufanaayaa markaasaa la idin lacnadaayaa sidii loo lacnaday banu israa’iil oo kale”.

Aayad qur’aan ah oo ka digeysa saameyna uu dulmiga bulshada ku leeyahay: “iska ilaaliya fitna aan ku dhici doonin kuwiina gardaran oo kaliya”, taasoo micneheedu yahay, dhibaatada iyo ciqaabta ka dhalaneysa dulmiga waxey saameeneysaa bulshada oo dhan kuwi dhib ka geeystay iyo kuwi ka aamusayba.

Raadka uu dulmiga reebo

Bulsho walboo adduunyada ku nool markuu dulmiga bato waxaa yaraata degenaanshaha ama (stability) qofki la dulmiyay xiiso kuma heeyso iney bulshada inteeda kale horumarto ama ay nabad ku noolaato, bulshada reer Afgooyana kama duwana bani’aadamka intiisa kale, wali mala is weydiiyay sababta ay Shabaabku ugu sahlanaato iney ka taliyaan degaanada ay hada joogaan iyagoo tiradoodu ay yartahay? wey fududahay! qofka aan hubeysneen ee deegaanadaas ku nool ma kala jecla cidii xoog ku kor joogta, waxaa u danah inaan la dilin, xoolihiisa la dhicin gabadhiisana la kufsan, intaba wuu ka helaayaa Shabaabka haddii uusan siyaasaddahooda galin.

Raadka kale uu dulimga reebaayo waxaa ka mid ah in dadka la dulmiyo (qaarkood) ay ku dhaqaaqaan kacdoon ama qalalaaso oo ay ku cabbiraayaan dareenkooda, waana wax cilmiyeysan oo Psychology ahaan jirta, tusaale: markii mareykanka dhowr qof oo madow ah ay boliisku si xaq daro ah ku dileen, wiil madow ahaa wuxuu dilay 5 qofood oo boliis ah 7 kalena waa uu dhaawacay, isagii waa la dilay laakin intuusan dhiman wuxuu yiri: “waxaan raadsanaayay dadka caddaanka ah ee waliba boliiska ah”, xagjirnamadaas waxaa ugxan u ah dulimga ka horreeyay ee muddo soo jireen ahaa.

Martin Luther King Jr. oo u ololeyn jiray xornimada iyo caddaaladda dadka madowga eh aa mareykanka wuxuu yiri: “We must learn to live together as brothers or perish together as fools“, waa inaan baranno inaan si walaaltinimo ah u wada noolaano ama aan isku dhammaano anagoo doqomo ah, waxaa filaayaa Soomaaliya hadda anagoo doqoma ah inaan isku dhammaaneynay 27ki sanee la soo dhaafay ay walina socoto.

Amran aabeheed, walaalkeed iyo wiilkeeda hal maalin ayaa la duugay, deriskooda wey ciideen, qofkasto adduunyadiisa ayuu raacay, iyada wali ilinteeda wey socotaa, wali qalbigey ka ooyneysaa, murugadeeda waxey leedahay:

إلــــى الديــــــان يوم الديـــــن نمضــي. . . وعنـــــد الله تجـــــتمع الخـــــصـــــومُ

من الملــــوم؟ ســـتعلم فــــي الحســــاب إذا التــقينـــا. . . غــدا عنـــد المليــــك

  • Alle agtiisaan aadeynaa maalinta qiyaamaha ….. Alle agtiiseyna ku kulmaan kuwa is heysta
  • Waxad ogaaneysaa markaan xisaabta Alle ku kalano …. berito Boqorka hortiis keenee eeda lah!

Waxaa jirta hal arrin oon la yaabo iga amakaagisa mar walba,in qofi qof kale ku gabbood falaahi waa wax banii’aadamka ka macquul ah laakiin kuwii ehelka u ahaa kan wax ku gabbood falay maxey u gabaan doorkooda ku aaddan wax ka qabashada dhibkaa dhacay? miyaaney laheyn damiir danqada? oo miyaaneey dareemi karin waxa qof kastaahi oo bani’aadaminimi ku danbeysaahi dareemi karo, miyaaneey xitaa doow u aheyn ineey waxa ugu yar ee ay ka qaban karaan dulmigaa dhacay u kacaan?

Akhristoow waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan Su,aalahan:- Haddeey Amran tahay walaashaa amaba qoyskaaga sidaa wuxuushnimada ah loo gumaaday xitaa shan jirkoodii uu yahay ehelkii dad kuugu dhawaa maxaad dareemi laheyd? amaba aan soo dhaweeyee haddii aad adiguba tahay Amran dhacdadaas kaddib noloshaadu sideey u ekaan laheyd? Dhanka kale kuwa wax dilay haddaad qaraabo la tahay maxaad ka yeeli lahey arrintaa?

 

W/Q:Yusuf Abukar Cusman (Buulalow)

SHEEKOOYIN