Dhagarta Xabashida iyo Dhug la’aanta Soomaalida. W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr

pizap.com14657708500121

Dhagarta Xabashida iyo Dhug la’aanta Soomaalida.

Maanta Soomaalidu waa aar libaax inta halgaadi ku dhacdey, dhibkii iyo dhaawacii gaadhay la dirgan waayey, ee xanuunno caabuqii dhaawacu dhaliyey dartood la miyirdoorsoomay, ka dibna dhammaan cayayaan iyo bahal oo dhami ku degeen, mid duula, mid gurguurta iyo mid farandulleeyaba.

Dhawaanahan waxaa soo if baxayey, in ciidanka LIYUU BOOLIIS oo loo carbiyey dhibaateynta iyo dibindaabyada bulshada Soomaaliyeed, oo tacaddiyo iyo tagrifal ka dhan ah dadka, deegaanka Soomaali Galbeed, weliba darafyada xadbeenaadka aynu Xabashida la leenahay.

Dadkeenna inta indho ku garaadlaha ah, waxaa la illowsiiyey magacyada deegaanka Soomaaliyeed ee SOOMAALI GALBEED, waxaana lagu indho sarcaadiyey, xayeysiis been oo loo raaciyey warbaahinta Xabashida u adeegta ee Jigjiga iyo kooxaha dabaqoodhiga ah, oo laba beerood iyo kanaal biyo xidheen ah, oo loogu talogalay, in lagu cunaqabateeyo xilliyada abaaraha socodka biyaha macaan ee webiyada dalkeenna dhexmara kana soo farcama deegaammada SOOMAALI GALBEED.

Dagaalka Xabashidu maaha mid dhinac keliya ah, waa mid dhinacyo badan, mid maskaxeed, mid cududeed iyo mid caalami, saddexdaasba waa ku soo qaaddey dalkeenna iyo dadkeenna, iyadoo weliba adeegsanaysa qaybo ka mid ah waxmagaratada iyo iimaan laa wayaal u adeega danaha gumeysiga madoow ee Xabashida.

Duullaanka Maskaxda;

Wuxuu soo billowdey markii ay aas aastay kooxo hubeysan, oo magac qabiil ku dagaallamaya, oo Jabhadaha kana soo horjeeday dowladdii RAJIIMka Maxamad Siyaad Marre, taasoo keentay, iney markii dambe ku guuleystaan inay dagaal hubeysan Jabhadihii Xabashidu samaysey, ee gacanta weyn ku lahayd ku qabsadaan guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Waxay Xabashidu duullaanka sii laba jibbaartey muddo aan dhaweyn, waxaana ay awoodda saartey ka la dilka iyo ka la fogeynta bulshada Soomaaliyeed, ka dib burburkii ku dhacay haykalkii dowladnimo, ee hortaagnaa. Waxaa laga yaabaa qaarkiin inaad u aragtaan inaan is ka qiiro hadlayo, balse, waan ku taabsiinayaa sida loo ka la dilay bulshada ilaa haddana loo wado in la kala dilo.

Billowgii duullaanka Maskaxda

Ka dib burburkii dowladda weli waxaa jirtey Jabhad iyo dad badan oo aad uga soo horjeeday Xabashiga kuna dhaqan deegaanka Soomaali Galbeed una dagaallamayey inay Soomaalidu noqoto sida dowladda Ereteriya dal madax bannaan. Ma aysan ahayn qasab, iney Soomaalida ku darsadaan, balse, waxay u halgamayeen inay u madax bannaanaadaan taladooda iyo tigaadooda, dowlad leh Calan oo adduunka laga aqoonsan yahayna noqdaan.

Markii Malezinaawihii dhintey arkay Soomaalidu, inay ku dhiirrantahay rabitaankooda ah, inay Itoobiya ka go’aan, wuxuu billaabay, inuu is ka hor keeno Soomaalida, wuxuuna soo dhaweystay kooxo, wuxuuna is ka fogeeyey oo cadaadis iyo cabudhis ku billaabay kuwii diidanaa ee aragtida Soomaalinimada qabay.

Arrintaas wuu ku guuleystay, haddaba kooxihii ka soo cararay ee nafta ka soo raadiyey deegaankii umadda Soomaaliyeed oo iyagana colaado beelaysi ah iyo dagaallo ka dhex oogan yihiin, ayuu intuu ka daba yimid wuxuu u tusay inuu yahay Soomaaliga dalkiisii joogaa inuu yahay nin dambiile ah oo ka soo baxsaday dowladda Itoobiya, wuxuuna kaga beddeshay dhaqaale iyo hub ay markaas u arkayeen inay xal u tahay, taasoo keentay in loo dhiibo nin walaal ah oo Soomaaliyeed cadowgii Xabashida.

Ninkii la dhiibey waxaa la barey walaalka Soomaaliyeed ee uu doonayo garabkana ka sugayo midka uu yahay! Nin cadow kuu dhiibay ee dheef ku dhaafsaday maaha walaalkaa waa hubaal, haddaba si uu isagana uga dhaadhiciyo inuu gefay oo dalkiisa waa Itoobiya gef ka galay, wuxuu isugu daray, cafis uu xabsiga ka sii daayey, magdhow intuu xidhnaa, jaggo hadduu rabay iyo hanti.

Ninkii rag ahi waa ogyahay xeesha iyo dhagarta xabashiyeed ninkii ciishoonaase wuxuu qaatay. Murtidii ahayd “Libaax ninka ganay iyo kan galladey ka la og“ oo wuxuu ku kadsoomay malastii loo daadiyey iyo siriqdii loo qooley wuxuuna cadowgiisa u arkay dadka degan Soomaaliya wuxuuna gacalkiisa u arkay dadka deggan Itoobiya. Duulaankaasi markuu hirgelay, wuxuu billaabay Xabashigu duullaankii labaad.

Duulaankii cududda

 Markii Xabashigu hantiyey deegaanka Soomaali Galbeed 85% ayuu wuxuu u soo tallaabay dhinaca Jamhuuriyada Soomaaliya, isagoo billaabay inuu hadba koox la safto awood ciidan, marka hubkii uu bixinayey keliya maaha ee waa in Xabashigu dagaalka ka qaybgalo. 1996 ayuu la soo saftay mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Cumar Xaaji Masalle, oo dagaalku dhexmaray gobolka Geddo isaga iyo koox diimeedka Al itixaad.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa u arkay arrintan inay tahay albaab xun oo nagu furmay kana digey, dhegse looma dhigin. Waxaa ku xigey, mar kale inay soo galaan Baydhabo iyagoo malleeshiyadii RRA garab siinaya, oo la safan lana dagaallamaya kuwii SNA ee markaas awood ku qabsaday Baydhabo iyo deegaammado badan oo koonfurta Soomaaliya ah.

Halkaas waxaa ka billowdey in beel weliba hiil u doonato, waxaa kale oo ay saamayn ku yeesheen taageerida iyo hubeynta hoggaamiye kooxeedyadii   guud ahaan geyiga Soomaaliyeed oo dhan.

Duullaanka Caalamiga ah

 Xabashidu markan waxay u wareegtay inay qaab cilmiyeysan u layso una gummaado bulshada Soomaaliyeed, waxay gabbaad ka soo dhigatay kooxihii danleyda ahaa ee   dowladdii Imbhagti hoggaaminayey, waxayna la gashay heshiis sharciyeed ah inay   awood ciidan ka taakuleeyaan, sidoo kale iney Xabashidu ka qayb qaaddato dib udejinta dalka Soomaaliya, waxaa kale oo arrintaas u suurageliyey   koox diimeedyadii „Wadaadadii waalnaa“ oo garan waayey ineysan sababin in dalka ay ciidamo shisheeye u gacan geliyaan, kuwaasoo ku baaqay dagaal ka dhan ah dunida oodhan taasina ay keentay inay 30 kun oo ciidan ah gudaha u galaan dalka Soomaaliya iyadoo adduunweynuhuna garab taagan yahay.

Arrintaasi waa tan keentay inay ugu dambayntii ka mid noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom?!   Tusaale:“Haddii aad ka soo baxsato nin kuu hanjabay oo ku yidhi waan ku dilayaa, ka dibna aad magan gasho koox kale, balse, kooxdii kale   kuu xerayso qol mugdi ah oo ay ku jiraan dhammaan inta cadow u ah dadka, Bahal iyo cayayaan oo ku cuni kara“ taasi malagu tilmaami karaan ammaan sugid iyo badbaadin Maya ee waa ka dhammeyn fudud, sida tan maanta dalkeena haysata.

Duullaanka qaawan ee maanta

 Waxaan sooyaalkaa hore uga soo sheekeeyey inaad xaqiiqsataan duullaanka qaawan ee soo noqnoqaya, labadii sanadoodee ugu dambeeyey, waxaa dagaallo ka dhaceen xad beenaadka gobolka Togdheer gaar ahaan degmada Buuhoodle, waxaana soo weeraray ciidanka Xabashida iyo kuwa dabaqoodhiga u ah ee LIYUU BOOLIIS, in kastoo dadku is ka caabbiyeen, haddana, waa duullaan qaawan oo aan cidina waxba ka odhan.

Waxaay Xabashidu sidoo kale xasuuqyo kala duwan ka geeysatay, xad beenaadka gobollada Gedo, Hiiraan, Galguduud, iyadoo weliba deegaanka Ceelgaabta ee Galguduud ay soo noqnoqotey.

Soo rogaalcelinta duullaanka maskaxeed.

 Xabashidu waxay billaabeen farsamo cusub iney maalin qolo deggan gudaha   Soomaali Galbeed iyo dhulka loo yaqaan (Reserve Area) ay duullaan ku qaadaan ciidamada Xabashida iyo kuwa Xabashi kalkaalka Liyuu Booliis laguna dabaqo duullaan beeleed, sidii dhacdooyinka dhacay toddobaadkan deegaamada ku xeeran magaalada Gaashaamo oo lagu gummaaday dad maato ah.

Hadda waxaa la gaadhay, maadaama dadkii hore ugu jirey xerada xabashida ee   gumeysiga madoow dul mawriirey laga dhaadhiciyey in cadowgooda koobaad yahay Soomaalida kale, hadda waxaa la gaadhay xiligii la barayey kuwa gudaha Soomaaliya jooga ama xad beenaadka degan ee aan xidhiidhka wanaagsan kala dhaxayn Soomaalida in iyagana la nacsiiyo, kuwa degan Galbeedka si aysan isugu gurman isuna garabsan.

Xabashidu waxay ku jirtaa siday u beddeli lahayd Khariirada Soomaaliya guud ahaan, hadda waxaa jira deegaamo badan oo ay sheegatey burburkii ka dib, taasoo ujeedkeedu yahay inay qalbiga umadda Soomaaliyeed ka tirto Hawd iyo Soomaali Galbeed oo layska ilaawo, taasoo u madax banneynaysa deegaanka Soomaali galbeed.

Ma jirto wax la yidhaahdo Dowlad deegaanka Soomaaliya(DDS)Dadka Soomaaliyeed ee la gumeysto ayaa jira(DSG)

Kooxihii shalay durbaanka u garaacayey Xabashida ee u dhiibayey dadka ay rabto, kooxihii shalay hubka ka soo qaadanayey, kooxihii shalay gacan saarka la lahaa, kooxihii shalay la dhacsanaa habdhaqankooda, kooxihii shalay la safnaa dhammaantood, maanta waxaa u muuqda halka ay u socoto xabashi.

Koonfur, waqooyi, bari iyo galbeed Xabashidu ma ka la jecla, waxaa maanta mareynaa inta maatideena la laayo inaan inagu raalligelin bixinno, Gumeysiga madoow ee Soomaali Galbeed iyo Soomaaliyaba dhibaatada ku haya, maynaan waayin saanad aynu is kag celinno, dhaqaale aynu ku la dagaallanno iyo awood aynu is kaga caabbinno ee waxaa ina saaran heeryo cabsiyeed waxaana noqonney dad nolosha dullinnimada ka jecel dhimashada gobonnimada ah.

Gunnaanad

Xasuuqa Xabashidu wuu soconaya inta aynu inagu ka la qaybsannahay, intey isu aragno cadow inteynu shisheeyaha u ka la dhuumanayno, waxaynuna ku sifoownney halkudheggii ahaa, saddexda Dibi.

Waxaan u sheegayaa kooxaha dhaantada iyo heesaha beenta ah ee Xabashi kalkaalka run u maleeyoow, daawo muuqaallada dhabta ah ee xabashiga iyo horumarka kooxda Liyuu Booliis iyo horjoogahooda Cabdi Ileey waa inay qofkay dilaan rasaastey ku dileenna la bixiyo dhulka meesha lagu aasayona laga iibsado.

Waa in dalkeenna nalagu cashuuro haddaan diidnona xitaa masaajiddada nalagu dhexdilo. Horumarku waa in kooxda Xabashi kalkaalku cidey doonan dilaan, dhacaan, kufsadaan, boobaan oo xasuuqaan cid ka hadli kartaana aysan jirin.Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa, gabaygii Abwaan Salaan Carrabeey Eebbe naxariistiisa janno ha ka waraabiyee, wuxuu yidhi:

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane

Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye

Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide

W/Q:Cabdiraxii Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN