“Dhagax dixeed” MaansadII 5AAD ee Silsiladda “MIDNIMO”

Untitled

Maansada Dhagax dixeed

Maansadani waa Maansadii 5aad ee Silsiladda Midnimo. Maansadan ayaa waxay Jawaab u tahay Maansadii uu curiyey Bashiir M. Xersi, ee ee mahaceedu ahaa “Midnimo” billow iyo iyana u ahayd daahful silsiladdan.

Maansadan ayaa ka warcelinaysa weydiimaha ku jiray maansadaa, sidoo kalana aragti guud ka bixinaysa midnimada, sida ay la tahay curiyaha, maadaama ay u  furan taahy Hal abuurrada oo dhan. Maansadii oo billaabatay na waxay tiri;

Maansada Dhagax dixeed;

Macnadaran adduunyada

Meer-meer wareegtada

Kolba meel ku hoyatada

Dhan markaad ka moostaba

Dhan kaleey u mirataa

Muuqaal aragti mooyee

Berri dambe midday noqon

Aadmigu malayn waa

Anna miinka maansada

Iyo miraha suugaan

Markaan soo afmeeraba

Ragbaa mooshin kale fura

Oo miiska soo dhiga

Arrin iga mahduullayd.

 

Markaasbaan masaafada

Taariikh ma guurtada

Dib u soo mirkiciyaa

Oo su’aasha igu mudan

Jawaab miiggan siiyaa

Maantana masraxa gabay

Iyo masalaheennaan

Ninba meeris dhigayaye

Aan madeeyo aniguna

Abwaannada midoobiyo

Miinleeyda curatiyo

Golaheenna madashoow

Marka hore salaan midig

Marka xigana mahadcelin

Aan soo mariyey meeraha

Mitirbaanka hirarkiyo

Qadka maylka faysbuug

Iga hooya mudanayaal

Marka xigana maansada

Aan u boxo middaydii

Bashiiroow(1) masuulow

Ina Maxamad mudanow

Anigoo madluunkiyo

Walaal murugta kula qaba

Anigoo mashaqadiyo

Masiibooyinkii dhacay

Wixii mayd is garabyiil

Wixii maato kala qaxay

Wixii belo la soo maray

Muuqaallo daawaday

Anoo meehannaw carar

Marar badan musaafiray

Anigoo madaluunkiyo

Ciil manuunsi gocashiyo

Muusannawga soo maray

Wax kastood la maagtaba

Anoo kaaga marag kacay

Aan mitiriyo miinleey

Masuulow haddaa tiri

Soomaalidu mar uun qura

Midig iyo inay bidix

Isu gayso muruqyada

Mid ahaato madax siman

Midka diidayeen rabin

Muraadkiisa iisheeg?

Waa maanlaawe liitiyo

Mooge aan waxgaranayn

Waa mooryac kalitalis

Iyo ina maqaarsaar

Waa danayste macangaga

Iyo urur madaahime

Huwda mara qabiiliga

Waa colaadda maalaha

Masiibada ku naaxoo

Markii uu madfaca rido

Oo boqol ku mayd go’o

Ka macaasha dhiigoo

Mishin iyo shirqoollada

Ka masruufta reeraha.

 

Waa mid magaca soomaal

Iyo maamul qarannimo

Wuxuu maalin quutiyo

Maal adduun ku doorsada.

 

Waa malxiis gumaystaha

U mashaxarad sacbinayoo

Uu madiidin dhaansado

Waana madax ku sheegyada

Iyo muhdi siyaasiya.

 

Afartaas marriin iyo

Madanaha ku jiidoo

Hubaal soo min guurshaye

Aan u galo mes’alo kale.

 

Badda meersan dunidiyo

Ciidda gogol makaan dhigan

Iyo miraha geedaha

Qof miisaamay lama arag

Macnihiyo ujeeddada

Milgodaranta soomali

Waxay belo milaashiyo

Waxay miratay meel baas

Waxay xumi maleegtiyo

Waxay ceeb mardaadiday

Waxay marinhabawdiyo

Waxay mudatay maantadan

Meeshaad ka eegtaba

Dhaliilaha ku wada mudan

Ficil muuqda mooyee

Maanso laguma sixi karo

Sasabtiyo macnuhu waa

Maskax caaro maartiyo

Dhego malaxu buuxisey

Caqli maan gurrucan iyo

Xis malaasan oo dedan

Muuqaal damiir maqan

Mukul maqane joogtaa

Oo lagu meteli karo

Mooyiyo Makaab geed

Iyo dhagax madoobaha

Ma waxbaa ka dhaadhaca?!

 

Macnihiyo ujeeddada

Inta maan ku dhiigluhu

Maayar reer magaal yahay

Oo mici ku dhiigluhu

Maamulaha gobol yahay

Oo maskax ku dhiigluhu

Wasiir maal hayeen yahay

Oo maro ku dhiigluhu

Xildhibaanka mudan yahay

Oo midig ku dhiigluhu

Mijir taliye gaas yahay

Oo muruq ku dhiigluhu

Maareeye guud yahay

Oo mooge madax yahay

Caaqilkuna martida yahay

Malayn maayo MAANDEEQ

Inaan maali doonoo

Nabad aan ku mirannee

Maqaraaruf moogaay

Mid aan idin su’aalee

Mar hadday sidaas tahay

Maxaa nala gudbood talo?.

 

Mid labaad waxay tahay

Inta runi maxbuus tahay

Beentuna mashruuc tahay

Inta daacad maqan tahay

Dulmiguna mehered yahay

Inta xaqu masaxan yahay

Magriguna melmelan yahay

Inta wanaag mamnuuc yahay

Xumaantuna maslaxad tahay

Inta doodi maya tahay

Marooqsina bannaan yahay

Inta maqalku dhuun yahay

Aragguna marleef yahay

Inta madaxu hoos jiro

Majuhuna sarreeyaan

Inta malo xaqiiq tahay

Mid la hubo inkiris tahay

Masabbidad gar leeyahay

Masiibadu ku farax tahay

Musuqmaasuq guul yahay

Mu’aamarad ku faan tahay

Ninba ay markiis tahay

Malayn maayo MAANDEEQ

Inaan maali doonoo

Nabad aan ku mirannee

Maqaraaruf moogaay

Mid aan idin su’aalee

Mar hadday sidaas tahay

Maxaan kula gudboon talo?!

 

Midda kale waxay tahay

Miis la wada fariistiyo

Maskax laysku miiriyo

Caqli laga minguuriyo

Maslaxaad la gaariyo

Laga gudub munaaqosho

Muxaadaradu waa dhaar

Mowduucu waa dilid

Muruq waa garsooraha

Madfac waa marqaatiga

Minhaaj waa qabiillada

Marjac waa gumaystaha

Mushaar bixintu waa maar

Iyo gumacyo maadhiin

Intaasoo mas’aladood

Inta lala mutuxan yahay

Murtidiyo miraha gabay

Madadaalo mooyee

Macne keeni maysee

Talo maxaanu yeelnaa?!

 

Afartaas mideeyoo

Mabda’ jira tilmaamoo

Xaqiiq labo milaalaye

Aan mahmaayo guud maro

Mahmaah hore ayaa tiri;

“Hal macluul u meeltaal

Oo dhaxal milkiyihii

Saynta kaga maluugsaday

Ma kacdaa la oran jirey!”

Mid kalaa misana tiri;

“Meel aad u madax tahay

Majaheed layskama dhigo!”

Mid kalaa misana tiri;

“Aannu maalka qalannee

Middiyaha inoo qari

Wax macquula may ahan”

Mid kalaa misana tiri;

“Noloshaan milgo lahayn

Maxay maydka dhaantaa?”

 

Macnihiyo ujeeddada

Waxay maanta joogtaa

Yaa sidigta MAANDEEQ

Iyo madida lala tegay

Waryaa maali jirayeey?!

 

Afartaas marriin iyo

Madanaha ku jiidoo

Hubaal soo min guurshaye

Aan u galo mes’alo kale.

 

Mid kalaan xusuustaye

Miinleeyda curatiyo

Maansadaan silsiladeed

Waxaa loogu magaca daray

Baadi iga maqnaydoo

Muddo aan iswaynaye

Magacaa i kiciyoo

Midnimadaan ku toosoo

Meelbay damqaysee

Waa muhiim su’aaliye

Ma MIDNIMAAD is aragten?

Haddaad maya tiraahdaan

Meesha ay ku sugan tahay

Iyo waddada loo maro

Ma malayn karaysaan?

Ma mareegta cirirkiyo

Xidigtaas mariiqiyo

Masaabiixda qamarkiyo

Milicday la socotaa?

Ma badda mililiglaysiyo

Hirka maanyo boodiyo

Meermeerto xiintiyo

Mowjadday muquurtaa?

Ma buuraha maluugiyo

Marinnada hantaaqdiyo

Booraan madowdiyo

Loolliday ku mirataa?

Ma howdka Miir Libaaxliyo

Kaymahaas mareerroo

Maroodigu ku maatay

Geed ku miiga xiran tahay?

Ma dhulkay mushaaxdaa?

Ma ciidday ku milan tahay?

Mase ceel mataan iyo

Mool hoos u qodan iyo

Ma magay bay dhextaallaa?

Magaceeda maqalnoo

Muuqeed ma aragnee

MIDNIMO xaggee loo maraa?!

 

Afartaas marriin iyo

Madanaha ku jiidoo

Hubaal soo min guurshaye

Aan u galo mes’alo kale.

 

Midnimooy macaaneey

Miski iyo udgooneey

Musbaax laabtu mohatiyo

Ubax iyo magooleey

Sida miraha deegaan

Midab qurux wanaageey

Nabad mooradeed iyo

Qaran maamadiiseey

Masallihii waddanigiyo

Minankii xorriyaddaay

Muddo badan ku goobnoo

Midnimooy ku waynaye

Aan mar qura ku aragnee

Xaggeen kuu marnaa?!

 

 

(1) Bashiir M. Xersi, oo curiyey maansada; “MIDNIMO” ahna maansada daahfurka u ahayd silsiladda “MIDNIMO”.

Curiye;

Maxamed Xuseen Faarax

 

SHEEKOOYIN