Dhallinyarada: Ubaxa u nugul argoofka W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Dhallinyarada: Ubaxa u nugul argoofka
Dhallinyaradu waxa ay lafdhabar u yihiin bulsho waliba, hayeeshee soomaalida waxa ay kasii yihiin 70%, taasi waxaa sii dheer in ay dhallinyarada soomaaliyeed waayadii danbe u jaheeysteen dhinaca waxbarashada, curinta, hal abuurka iyo wax soo saarka dhaqaalaha, iyada oo muujisay yididiilo laga qabo jiilka soo koraya balse waxaa taasi dhinac soconaya arrimo ugub ah oo ay magliga xaajadeedu tahay dabargooynta, qixinta, beegsiga iyo niyad jabinta kawaadirta dhallinyarada.
dhacdooyinka qorsheeysan, fajacyada dahsoon iyo ficillida silsiladda ah ee xambaarsan uurkutaallada iyo urugada ciilka leh ayaa noqday kuwa saameynta ugu badan kuĀ  reeba dhallinyarada.
Ugaarsiga aan laheyn dabagalka, tacshiiradaha aan laga xisaabtamin oo ay wehliyaan dil wadareedka loo adeegsado qaraxyada ayaa u muuqanaya in ay khasaaraha ugu badan gaarsiinayaan dhllinyarada kuwaasi oo ay ku nafwaayeen dhallinyaro u badan aqoonyahano.
Dibindaabyada sii xoogeysaneysa ayaa ah mid ay kaabayaan siyaasado kale sida xadeeynta fursadaha shaqo iyo tan dhaqaale, waxa ay sidoo kale ku beegmeysaa isbedellada kale ee saameynaya guud ahaan dalka sida baratanka ay dowladaha iyo isbaheysiyada tunka weyni ugu jiraan danaha istiraatiiji iyo dhaqaale ee Gobolka geeska Africa kaasi oo u muuqanaya mid aan iminka ka ahmiyad yareyn bariga dhexe.
Ka hor inta aysan isbedelin mowjaddii siyaasadda ee Soomaaliya sannadkii 2006 waxaa dalka ka dhacay ugaarsi lagu beegsaday saraakiishii ciidanka iyo waxgaradkii dalka, taasi oo ay xigtay isbedel siyaasadeed iyo faragelin ciidan oo ka dhacay dalka, waxa aan shaki Ku jirin in beegsiga qayb mucayin ah ee ka tirsan bulshada ay tahay arrin wadada loogu xaarayo yool qarsoon iyo hadafyo dedan kuwaasi oo ay saameyntoodu noqon doonaan kuwa soo if baxa waayo danbe.
W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN