Dhambaalkii Hawadu siday! W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge

Dhambaalkii Hawadu siday!

quotescover-JPG-19

Waan ku salaamay qaali:

Waa galab, goor ay cadceedu kulayl dhakada ku dhalaalinayso. Waa salaad casar ka dib, waxaan kodoloobaa gurigayaga hortiisa. Dabaylaha xiliyada jiilaashinka iyo hoohad marba soo dhacaya ayaa daqiiqadahaas nafluhu dareemayo xasilooni uu kaga yara nasayo, hurki iyo hanfigii kulaylka ka dib, markay lusho laamaha geedaha, ayaa iyadoo walfineysa warqad rooraysa afka iga soo galisay anigoo guriga hortiisii weli fadhiya. Waa furay, sidan ayay u qornayd;

“Waan hubaa inay warqadani ku soo gaadhi doonto, adigoo kali ah, oo cafimaad qaba, xaalad degganna ku jira, haddana way ku soo gaadhay adigoo sidii aan rabay ku jira, maadaama aad akhrinaysa ba. Waad ka cabsoon doontaa inaad kala furto warqadan, ka dib na aad akhrido, bal se isku day. Waxa kale oo aan ogahay inaad akhrisan doonto adigoo su’aalo badan madaxaagga yar ku celicelinaya rogrogooda, jawaabna aan u hayn. Aad baan uga dheragsanahay noloshaada. Inaad hadda da’adii dhallinyarnimo ku jirto. Dugsi ama jaammacad midkood inaad dhigato. Ma sheegi karo inaad nolol farxad badan ku jirto, oo faaliye ma ihi, bal se waan kuu rajaynayaa.

Haddaad warqadan la yaabto ama garanwaydo gabadha kuu soo qortay, taasi waxay caddaynaysaa inaanad wali la soo sheekaysan gabadh hore. Arinkaa daraadii ayaad isku waydiin doontaa anigu qofkaan ahay iyo waxa aan kaa doonayo. Runtii waa su’aal adag oo qofka dawakhinaysa, iga raalinoqo haddaan ku dhibay mar iyo laba ba. Magac waan leeyahay, bal se halkan inaan ku xuso ma jecli, waxaan se ahay mustaqbalkaagi!! Haa mustaqbalkaagi! Eraygaas kolkaad maqasho af-kala qaad ayaa kugu dhacaya, aniguba waan dareemi karaa waxa aad dareemayso, booskaaga haddaan joogi lahaa, bal se si kale oo aan kuugu sheego ayaannan garanayn. Isku qabo afka, dareenkaaganna ii soo yar celi aan xooggaa kuu sheekeeyee.

Anigaygan kula hadlaya ee mustaqbalkaaga sheeganayaa ma garanayo mustaqbalka aan warqada u qoroyo, mana garan karo xilli ay ku soo gaadhi doonto, qofka aad tahay ama aad noqon doontanna ma sheegi karo, dabeecadayda ayaa se ah wax kasta oo dhacaya inaan sida ugu wanaagsan u fisho, adna sidoo kale.

Galabtii aan qorayay warqada aad akhrisanayso roob ayaa da’ayay, jawi qurux badan ayaa lagu jiray, bal se inta aan fadhiisto, warqad iyo qalinna aan is dul qabto, oo adigoo mustaqbalkayga ah aan warqad kuu soo diro, waxa igula talisay naftayda, oo i tidhi u qor warqad mustaqbalkaaga galabta, ka dib hawada u raaci, wuu heli doonaaye. Maantanna mar haddaad akhrinayso waad heshay ayay ka dhigan tahay.

Mid ayaan kaaga digayaa, Ha isku dayin inaad aniga isoo raadiso, sababta oo ah kuma jecli anigu wakhtigan, adna sidoo kale, haddaad se isku daydo way kugu adkaan doontaa, jidh ahaan iyo maskax ahaanna waad u daali doontaa, mustaqbalkaaganna waad lumin doontaa, anigunna danbiile ayaan noqon doonaa, mustaqbalkaagii iyo kaygiiba ku ciyaartay.

Qoraalka xagga sare ayaan ku sheegay in aannan ku jeclayn hadda, haa waa runtay kuma jecli! Buuggayga xasuus qorka ayaan kaa jeclahay, waxbarashadayda ayaan kaa jeclahay, saaxiibaday ayaan kaa jeclahay, Khadar oo xidhiidh jacayl naga dhaxeeyo ayaan kaa jeclahay, wax kasta oo iiga kaa dhow ayaan kaa jeclahay. Hadda xilligan aan ku suganahay waxaan isticmaalaa Computer kii ugu danbeeyay, waannan jeclahay, lagama yaabo mid aan wali soo bixin, bal se soo baxaya inaan isku murjiyo, adna sidaas oo kale ayaad iila mid tahay, anna sidoo kale ayaan adiga kuu ahay, mustaqbalka se waan ku jeclaan doonaa intaad adigu I jeclaato, taasinna waa ballan.

Fadlan waxaan kaa codsanayaa, ka dib marka aad hesho warqadan inaad ii soo jawaabto, xoogaa jawiga aad ku sugan tahay iyo nooca aad iga filanayso inaad ila waddaagto. Ha ilaawin is-gaadhsiinteennu waa hawadda, adigoo indhaha isku haya warqada kor u tuur ka dibna dabaysha ii soo raaci, waan hubaa inaan heli doono.

Jacayl,

Mustaqbalkaagi.

W/Q: Cabdiraxmaan Warmooge

 

SHEEKOOYIN