Dhanbaalkii gobannimada! W\Q. Guryasame Cabdi Maxamed

Dhanbaalkii gobannimada!

Cantuugadii u danbeeysay koob qaxwa ah oo saacad horyiillay markii uu kabbaday ayuu billaabay in uu qoro, wixii uu ka fekerayay. Qalinka ayuuna dhexda qabtay…Iga guddoon dhanbaalkaan, dhanbaal aanan marka kan jawaab kaaga rabin sidii kuwii ka horreeyay. Hortaa ma arag dilaa kaa xariifsan. Waaba haddii kelmaddaasi kugu filan-tahay. Alla maxaad gacan ku dhiigle qarsoon tahay. Bal arag sidaad u dooxday qalbigayga ee aad haddana daawyada magaalada ugu laafyoonaysid si nabad ah iyadoon cidna dareemin daqarradaad ii geysatay.

Dadku dibnaahaga waxa ka gaduudan rooseeto ayaay moodaan, alloowyaa u sheega, yaa u sheega in aad ku dhaashatay dhiiggii aad ka soo dhuratay wadnahaygii aan kugu ammaanaystay, yaa u sheega xinnaha gaduudan ee kubabka iyo gacmahaaga ku sibaaqan sidii sagal galbeed in aad ka soo dhiijisay halbowlaha jirkaygii aan kuu hibeeyay. Yaa u sheega inaad ku mayratid ilmada indhahayga kuu abaarsaday ka hibitiq leh, balse, taas ma ahan arrinka aan rabo inaan kuu sheego habeenkaan cajiibka ah.

Caawa waxaan gaaray go’aan masiiri ah, caawa ayaan qaatay go’aan aan ka shalaayi doono shan dharaarood, balse, aan ku sharafoobi doono idam Eebbe. Waxaan caawa madaxbannaanidaydii ka qaatay jacaylkaagii i gumaysanayay mudadda dheer. Caawa ayaan go’aansaday in aan iska rido heeryada jacaylkaaga aan ku kaliyoobay. Caawa ayaan ku kufriyay taliskaaga qalafsan ee qiimaha dadnimadayda qaayaha ka riday. Caawa ayaan ku dhawaaaqayaa goonigoosad ka dhan ah dowladaada gaboodfallada caashaqa ka gashay ruuxdayda u heelanneed la jirkeeda. Caawa ayaan dhulka dhigayaa calankaagii dulmiga iyo digashada astaanta u ahaa ee sannadaha badan ka dul babanayay carshiga qalbigayga iyo caalamka noloshayda. Caawa ayaan qasriga naftayda ka dul taagayaa calankii cisiga badnaa ee kelinnimada, calankii uu soo ciirsan jiray mid walba oo lagu soo ciqaabo dunida mucaashaqiinta ee quursiga iyo qalbijabka caanka ku ah. Caawa ayuu qaannuunka karaamadaydu ka sara maray kan kibirka iyo qabwaynidaada. Caawa ayaan cod dheer oo qalbigaada naxariista daran gilgila ku qaadayaa meerisyadii dahabiga ahaa ee Ina Suldaan Timacadde “aan sidow yahay eegee kaasna siib kanna saar” naftayduna u muraaqoon doontaa sida ay u muxuboodaan Soomaali xusaya maalinta gobanimadooda ee 1-da Luulyo.

Caawa ayaan iska casilay daba cararkaagii, caawa ayaan ka tanaasulay sugitaankaaga aan dhammaadka lahayn iyo maqnaashahaada aan imaatinka lahayn. Caawa kaddib jacaylkaaga niyad uma hayo, nacaybkaagana waqti uma hayo. Hakadka u dambeeya dhambaalkaygaan ayaa noqon doona isla hakadka u dambeeya xarriirkeenna”.. Warqadii ayuu kor u qaaday oo uu billaabay inuu dib u akhriyo wixii uu qoray isagoo qalinka madaxa ku gargaacaya. Markii uu dhameeyay akhriskii ayuu nafis dareemay oo madaxa u ruxay go’aankiisa. kadibna billabay in uu isu qoslo sidii nin jebiyay Tataarkii.

W\Q. Guryasame Cabdi Maxamed

SHEEKOOYIN