Dhaqanka ka hor-imaashaha! (culture of dissent!)

photo

Dhaqanka ka hor-imaashaha! (culture of dissent!)

 

Dawladaha ma ilaaliyaan oo qur ah xaqa uu qofka uu leeyahay in uu wax ka horyimaado, ee waxay dhiirragaliyaan, dhawraan kuna abaabiyaan dhallaankooda inay si xoog leh u adeegsadaan xaquuqda qofku uu leeyhay oo dhan, waxaana ka mid ah xaqa loo yaqaan “XAQA KA HOR-IMAASHAHA” (THE RIGHT TO DISSENT).

Marka uu qof ka biyo-diidsan yahay qaab maamul, dhaqan, aragti, hab maareyn ama go’aan siyaasadeed ama wax kasto oo xriir la leh dhaqan-hawleed bulsho, nidaam meel ka jiro, ama hab-socodka dawladeed, qofka caynkaas waxaa lagu magacaabaa “DISSIDENT” oo ah qof wax diiddan. Marka uu qof dhaliilsan yahay xaqiiqo cilmiyeed, fikir falsafadeed ama hawl-suugaaneed waxaa loogu yeeraa qofka nuucaas ah naaqid ama “CRITIC”.

Ujeedkaygu ma ahan inaan sadaradan uga hadlo qofka naaqidka ah, balse waxaan doonayaa in Wax yar aan ka iraahdo midda hore, ee qusayda hab-dhaqanka qofku uga hor yimaado go’aammada ay qaataan dad ay hawli kala dhaxayso, ama inuu diiddan yahay siyaasadaha ay isticmaasho dawladda ka jirto waddanka qofkaas uu ku nool yahay.

Labo shay ayaa muhim ah in la kala saaro, midda hore waxay qusaysa ka hor imaasho ku dhisan waddaniyad, ilaalinta danaha waaween ee dalku leeyahay iyo in markasta laga hormariyo masxlaxadaha guud kuwa gaarka ah, ee ashaqaastu leeyihiin. Midda xigtana waa ka hor imaasho ku salaysan dhagar, khiyaano, dhabarjebin, doc-faroorid, qarrarid, doc-wareemid iyo burburinta danaha guud ee waddanka, si loo gaaro dano shaqsiyadeed oo gaar ah.

Dadku waxay ku cabbiraan cabashadooda qaab nabadeed, oo aan dhib u gaysanayn hantida guud iyo midda gaarka ah, hase yeeshee, Soomaalida waxaa caado ah marka uu qof diiddan yahay sida wax loo wado, waxa uu isku dayaa in uu cabto marka uu ka dhexwaayo waxa socda danahiisa ama danaha koox yaryar uu matalo (qabiil, koox diimeed shirkad ganacsi Iwm). Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in cabashadiisu gaarto heer gacan hadal ah yo fara qaad, taasoo sababi karto dhaawac iyo dhimashaba. Waxaan nolosha ka barannay in dadka Soomaaliyeed aysan ku wanaagsanayn in lala shaqeeyo hadday noqon lahaayeen kuwa leh hawlo gaar ah, ama ay madax ka yihiin xafiis dawladeed.

Dhaqanka wax ka horimaashaha waxa uu laga maarmaan u yahay horumarka bulsha kasta, sidaa daraaddeed, waxaa loo baahan yahay in la helo qaababkii kor loogu qaadi lahaa, loona qabadsiin lahaa bulshada gudbinta cabashada ama dhaliisha, iyaga oon xadgudub iyo samayn qarda-jeex, oo uu u noqon lahaa dhaqan mujtamacu ku dhaqmo had iyo goor.

Marka uu qof meel masuul ka yahay ama uu jago sare hayo, waxa uu la kulmayaa aragtiyo iyo fikrado ka duwan kuwiisa, sidaa darted, waxaa qasab ah inuu qofkaas leeyahay dulqaad uu ku dhagaysan karo ama uu ku aqbali karo aragtidaas ka duwan ama durayso hab-dhaqankiisa maamuleed, ee uu san u arkin qof kasta oo asaga ka fikir duwan inuu yahay qof duullaan ku ah mansabkiisa/jagadiisa. Laakiin, sida caadada u ah dawladaha saboolka ah ama kuwa kaligi-taliska ah, madaxdu wax ay jecelyihiin inay isku xayndaabaan dad aan hadal ku soo celinayn, oo namacleeyayaal ah ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Yes Men”, oo waxay jecelyihiin sida masuulku rabo in la sameeyo, oo aan fikirkiisa midaan ahayn uusan shaqayn, cidina aysan loollan la galin ama aan ra’yigiisa dood la galin. Waxaa muhim ah si loo gaaro yoolka la higsanayo, in qofka la shaqaynaysa masuul garawsto ahmiyadda ay leedahay kala saaridda labo arrimood:

– In uu u sheego qofka xilka hayo waxa uu u baahan yahay inuu maqlo, ee uusan u sheegin wax uu doonayo inuu maqlo. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in qofka masuulka ahi uu doonayo inuu maqlo ayadoo la ammaanayo oo dadku hadal yahaan magaciisa, wanaaggiisa, wax-qabadkiisa, xitaa hadduusan waxba qaban, maxaa yeelay, taasi waa mid ku beeran dadka oo waxa ay ka mid tahay dabeecadaha bini-aadamka.

– Qofka masuul la shaqaynayo waxa uu mudan yahay saddax walxood faliddooda: midda koobaad ninka mauulka xaq ayuu ku leeyahay in uu u sheego wax runta ah. Midda labaad damiirkiisu xaq ayuu ku leeyhay in uu mar walba la safto dhanka xaqa iyo xaqiiqadu jirto. Midda saddaxaad maadaama qofkan uu sheeganayo inuu yahay qof Muslim ah Ilaahay ayaa xaq ku leh in uu markasta ka cabsado.

Ninka la yiraahdo [Richard Haas] ayaa yiri, mar uu ka hadlayey muhimadda ay leedahay ka hor-imaashaha (dissent) “Wax inaad ka hor imaatid way adagtahay. Waxay u noqonaysaa tallan( walwal) dhab ah qofka wax khilaafsan”. Waxa uu kaloo leelyahay: “Haddaad rabtid inaad wax ka hor-imaaddo u diyaargarow inaad niyadjab la kulanto. Inaad runta u sheegto qof awood (mansab) haysta, waa nooc daacadnimada ka mid ah. Waa heerarka ugu wanaagasan, mararka qaarkoodna dammaanad qaadda in ay xukuumadi (ama mu’assas kasto) gaarto heerka wax-qabad ee ugu sarreeya.’

Haddii inta aad wax ka hor imaaddo(biyo-diiddo), fikirkaada iyo ra’yigaada la tixgalin waayo waa maxay tilaabooyinka mudan inaad qaado si aad u muujiso in aad diidddan qaabka ama hab-dhaqanka maamul ee jira?

Khayaaraadka waxaa ka mid ah in aad meesha joogto aad ugu yaraan isku daydo inaad wax saamayn ah ku yeelato qorshaynta iyo fulinta go’aannada aad ka biyo-diidday, adoo isla markaa doodaada ku caddaynaya meelaha laga yaabo in ay hadhaw qalad ka yimaado. Hase yeeshee, arrinkani waxa uu leeyahay khatarteeda taas oo ah: in ay ku jeedato ka agdhawaanshaha aad ka agdhawdahay dadka madaxda ah, lacagta iyo sharafka la xariira manaasibta dawladeed.

Waddada looga hortagi karo khatartaasi waa inaad iscasishid. [Haas] waxa uu leeyahay:

“In aad goobta ka tagto waa qaabka ugu qayaxan oo ka horimaasho loo sameeyo. Marka laga reebo iscasilidda la xariirta (caafimaad, dhaqaalaha ama qoyska), waxaa jirta laba sababood oo siyaasad xariir la leh oo la isu casilo , kuwaas oo aan ahayn dhaqanka iscasilidda dadka biritish ah oo ah in aad xilka ka tagto marka qalad dhaco adoo mas’uul ah, xataa hadduusan qaladkaasi kaada uusan ahayn, maxaa yeelay, in aad meesh sii joogtid wax ay samaynaysaa wanaag.

Sababta ugu horrays ee qofku isu casilayo waa in uu aad uga soo horjeedo go’aan weyn loo qaatay. Tusaale, markii uu madaxweyne Nixon go’aan ku qaatay inuu ballaariyo dagaalkii Viitnaam, dad badan oo golayaasha xukuumadda ku jiray ayaa xilalkoodii tiriyey.

Sabata kale ee qofku isu casilayo waa in ay jiraan go’aanno taas oo ku tusinayso in aad wax yar ama waxbaba la wadaagin dadka saaxiibbadaada ah ee aad wadashaqysaan”

Ugu dambeeyn, waa wax wanaagsan in dadka lagu ababiyo in ay bartaan hirgalyaanna xaquuqda ay leeyihiin oo dhan, si gaar ahna loogu dhiirrigaliyo in ay ka horimaadaan (dabcan si nabad iyo wax-wanaajini ku dheehantahay iyo ka taxadarka danaha guud ee dadk iyo dalka) waxa ay u arkaan in ay tahay wax qalad oo dhib u soo jiidaya dadka. Laakiin, inta ay jiraan dad hankoodu yahay in ay isku wareejiyaan dad ayaga u namcleeya, u sacab tuma, ee ka koobiya wax walba, oo waxa ay dhahaan aan dood iyo muran ka keenin, inta ay jiraan dad sidii birqabadka ugu dhagayo mansabka siyaasadeed, ama dhareerka u daadinayo sidii waxay cunaan u heli lahaayeen, ama u jeedkoodu noqday sidii ay jeebabka u buuxsan lahaayeen, inta ay jirto argtida ku salaysan in dawladda loo galo in lagu daangaaro oo qur ah, lagama yaabo in la helo dad awood u leh in ay gaaraan wax ay hiigsanayaan. Balse, waxaa lagama maarmaan ah in aan baadigoobno dhaqammada wanaagsan, si loo tirtiro kuwa xunxun ee dadka ragaadiyey.

 

W/Q: C/raxmaan Faarax Xaashi (Cawaale)

E mail: awale31@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.