DHAQANKA RUUXIGA AH EE SOOMAALIDA! Q-2AAD W/Q: Cabdinaasir Xiddig

DHAQANKA RUUXIGA AH EE SOOMAALIDA!

TIMAHA LAMA SHANLEEYO HABEENKII:

In timaha la shanleeyo habeenkii, waa arrin halis badan, waa sida dhaqan ruuxiyeedka Soomaalidu sheegayee, waxaa la sheegaa in haddii habeenkii timaha la shanleeyo uu qofkaasi noqonayo sabool fara maran, sidaas darteed, waa arrin caadi ka ah bulshada reer miyiga in ay kula diriraan haddii aad sidaas samayso.

HILIBKA SHIMBIRAHA MA CUNNO:

Waxaa jira cudur geela ku dhaca oo ay xoola dhaqatadu u yaqaannaan shimbir, waa xanuun xoolaha ka haleela dhanka madaxa, wuxuuna qalloociyaa daanka xoolaha, sidoo kalana, wuu ku dhacaa dadka. Dadka uu haleelo cudurkani waxa ay Soomaalidu u taqaannaa af-qallooc. Xanuunkani in-kastoo dunida casriga ihi ay qaab kale ula tacaalaan, Soomaalidu waxa ay dawayntiisa u maciinsadaan dad gaar ah oo cudurkaan daaweeya, dadkaas oo inta kab soo qaataan xoolaha ama dadka kaba. Cudurkaan daanka kala dhaca! Inta badan kabtaasi waxaa ku raysta oo fay ku dhaha neefka ama qofkii ka cabanayay xanuunka shimbirka ama af qallooca.

Haddaba, dadka aalaaba cudurkaan daaweeya waxaa ka reebban in ay cunaan hilibka Shimbiraha iyo waxkasta oo baalal leh, waxa ayna aaminsan yihiin: in haddii ay cunaan baalalayda ay ka guurayso kaaramadii ay ku dawaynayeen xanuunkaas shimbirka. Sidaas darteed, waxa ay dhashoodka kala dardaarmaan cunista hilibka Shimbiraha. Dhaqankani, waa dhaqan ka caan ah meela badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaanna reer miyiga raacatada ah.

GEEDAHA LAMA HOOS FADHIISTO HABEENKII:

Waa sida uu dhaqanku yahaye, waxaa Soomaalida qaar ka reebban oo ay iskaga digaan in ay habeenkii hoos fadhiistaan geedaha waawayn, gaar ahaa kuwa maalinkii la harsado ee aan habeenkii la dugsan karin. Haddii aan faahfaahiyo, waa geedka salka dheer leh korkana ku leh laamaha isku dhafan, waxaana geedahaan la harsadaa maalinkii, halka ay habeenkii yihiin meel cidlo ah oo ay dabayshu wayoomayso.

Soomaalidu marka ay diidayso hoos fadhiisadka geedaha caynkaas ah waxa ay qabaan oo ay geedahaas ka aaminsan yihiin in ay yihiin meel shaydaan fadhiyo, haddii uu qofi habeenkii hoos fadhiistana uu ka qaadayo shar iyo balaayo.

BARRIN BAHALEEDKA:

Bulshadeenna Soomaalidu, waxa ay aad uga cabsadaan waxa loo yaqaanno barrin bahaleedka oo ah meel yar oo aad mooddid in uu bahal fadhiistay oo ku saxarooday, waa meel aad looga garan og yahay dhulka intiisa kale, waxa ayna ka aaminsanyihiin in: shaydaan ama jinni dhax-fadhiyo. Qofkii ku dul istaaga ama ka tillaabsadana, waxa loo filaa in uu xanuunsado, waliba xanuun daran.

Inta badan qoysaska Soomaaliyeed ee reer guuraaga ihi ma degaan meelaha uu ka dhaw yahay barrin bahaleedku, waxa ayna ka doorbidaan meel aan lahayn barrin bahaleed. Haddii aad waydiiso dadka ku dhaqma dhaqankaas mid koodna kuuma sheegi karo waxa caddeyn kara in barrin bahaleedku yahay goob shaydaan fadhiyo, wuxuuse kaliya jawaab kaaga dhigayaa in uu awoowayaashiis ka soo gaaray.

SHIMBIRAHA LAMA DILO:

In aad shimbir ku hor dishid qof reer miyi ah waa dhaqan xun oo halis ah, waxa ay xoola-dhaqatada qaarkood aaminsan yihiin: in haddii Shimbiraha la dilo ay xooluhu baaba’ayaan, gaar ahaana ariga, geela iyo lo’da. Haddii dadka waayeelka ihi arkaan carruurta oo Shimbiraha tuuryeynaya ama dabin u dhigaya si ay u qabtaan, waxaa ku waajib ah in ay carruurtaas garaacaan oo xanjafiyaan, waa sida ay qabaane, shimbiruhu waa noole barakaysan oo la-ma-taabtaan ah reer miyiga dhaxdooda. Dhanka kalena dhaqankani waa mid saxan oo ay diinteennu waajib ka dhigtay inaan la dilin shimbiraha. Seddex noole oo waxaa jira Suubbanuhu (SCW) yiri: “Dilkoodu waa xaaraan, mana bannaanno in la dilo gebi ahaantoobda”. Seddaxdaas noole oo kala ah:

  1. Shimbiraha.
  2. Shinnida.
  3. Quraanshada/quraanjada/jarraaqada.

Diiniyan lagu sheegin in haddii shimbirta la dilo xooluhu idlaanayaan, balse, dila shimbiraha ayaa guud ahaan Nabigu (SCW) Mamnuucay, qeybtaan kalese Soomaalida ayaa ku daratay, taas oo iyana suurta-gal ah: ‘inay ku dhowrayeen ilaalinta shimbiraha, isla markaana ay u allifeen haddii shimbiraha la dilo waxa idlaanaya xoolaha’.

BIYAHA BADDA:

Magaaladda Muqdisho oo aan in-badan ku noolaa, waxyaabaha ka caadiga ah waxaa ka mid ah: in aad aragto guri iriddiisa ay ka lulato dhallo ay ku jiraan biyo badeed, waxaana loo cuskadaa caadadaas in biyaha baddu ay daawo iyo ka-hor-tag u yihiin sharta iyo illaacada. Dhanka reer miyagana waa la mid oo guri walba iyo beeraha ayaa la surtaa. Kolkii ay biyuhu inbadan dhallada ku jiraan waxa ka dhasha gufar cagaaran oo dhallada jiridda iyo geesaha uga meersama, ku waas oo ay keeneen, biyaha dhalladaas ku daahay. Halkaas ayaana sheeko kale laga sii abuuraa taas oo ah: “Gufarka cagaaran ee biyaha dhexdooda ku sameysmay, waa ishii aadanaha oo halkaas degtay”. Haddaba biyaha baddu waxay leeyhiin waxyaabo badan oo nolosha Soomaalida saameyn taban iyo toganba ku leh. Tusaale: Marka laga baqdo in qof ku illaaceysto waxa la yiraahdaa: “Isha baxarka”. Taas oo iyana sii xoojineysa aaminsanaanta biyaha badeed.

ILIGGA IYO DAMEERKA:

In-badan oo ka mid ah dadka Soomaalidu, waxay carruurtooda ku boorriyaan: in marka uu ilig ka dhaco ay iliggaas ka tuuraan labadooda lugood dhaxdooda, marka ay tuurayaanna ay iska ilaaliyaan in iliggaas uu dameer arko. Haddaba, haddii aad waydiiso dadkaas sababta ay qasab u tahay in sidaas la sameeyo, waxay kuugu warcelinayaan : in haddii aan sidaas la yeelin uu iliggaasi soo baxayn ama uu soo baxayo asaga oo aad u fool-xun.

HINDHISADA CARRUURTA IYO SHEEKADA:

Haddii adigoo qof hadal u sheegaya uu cunug yari hindhiso, waxay hindhisadaasi caddaynaysaa in hadalkaagu run yahay, waxayna Soomaalidu tiraahdaa: ” Saqiir baa u hindhisay”. Caadiyanna hindhisadu waa mid firfircooni jireed iyo nishaad uu qofka hindhisay ka helo, isla markaana uu duco ku kasbado haddii uu Alle ku xamdiyo.

MINDI MADAXA KA DHIGA:

Marka uu cunug yari dhasho, waxaa madaxiisa agtiisa lagu mudaa mindi, waxayna ka ilaalinaysaa bay leeyihiin shaydaanka!

HABEENKII MURAAYAD LA ISKUMA FIIRSHO:

Dadka qaar baa aad u aaminsan in aysan fiicnayn in habeenkii muraayad la isku fiiriyo, waxayna aaminsan yihiin in: qofkii habeen muraayad isku eegaa uu madax-xanuun ku habsandoono.

HABAARKA ILKO-CAANOOD LAHA:

Dadka waxaa jira qaar leh ilig ama laba ilig oo caano-nuug ah, yacni ka mid ah ilkihii uu hooyadiis caanaha uga nuugi jiray. Sida caadada ah qofkaas habaarkiisu wuu kacaa, waxaana dadka looga digaa: in ay ka xanaajiyaan ama ay dhibaato u gaystaan ilaa waa qofkaas Af-ku-leeblaha ahe!

CUSBADA IYO HABEENKA:

Qaar ka mid ah dadka reer magaalku, waxay aad u sharaystaan: in habeenkii qof la siiyo ama laga qaato cusbo, waxayna qabaan in arrinkaasi uu dhibaato iyo shar dhaxalsiin karo ciddii samaysa!

UGAARTU WAA XOOLO IBLIIS:

Qaar badan oo ka mid ah xoolo dhaqatada Soomaalidu, waxa ay qabaan in ugaarta jaadadkooda kala duwani ay yihiin xoolo ibliis, haddii baahi la’aan loo ugaarsadana uu ibliisku dhibaataynayo dadka iyo duunyadooda. Waxaana dhallin yarada looga digaa in ay ugaarsadaan. Waxaa jirto sheeko caan ah oo ay isla dhexmaraan ama isku tabiyaan reer miyigu, waxayna u dhacaysaa sidaan:

Waxaa la yiri: nin baa waxaa ka lumay hal uu geeliisa ugu jeclaa, waxaana ku dheeraaday baadi-goobkeedii. Ninkii oo goor habeen-bar ah iska lugaynaya ayaa wuxuu maqlay cod ula muuqday qof xoolo shubaya, deegaanka oo colaadi ka jirtay awgii buu ninkii soo taagtaagsaday oo u soo dhawaaday goobtii xoolaha lagu shubayay. Markii uu meeshii yimidna, waxa uu la kulmay ugaar kala duwan oo ceel biyo ka cabaysa, ayna shubayaan kuna heesayaan dad uusan u jeedin, uuse maqlayo codkooda iyo hees-hawleedkooda!

Waxaa la sheegaa in ninkii uu meeshii ka cararay oo uu naftiisa u baqay, halkaas ayey ku caddaatay bay dhahaan in ugaartu ay yihiin xoolo shaydaan ilaashado oo haddii lagu soohdin-dhaafo la gala kulmi karo dhibaato ka timaada ibliiska.

Waxaa la tabiyaa, in ninkii la waydiiyay bal in uu xasuusto erayada heestii uu shaydaanku Ugaarta u qaadayay, waxaana ninkii laga reebay oo sheegay in shaydaanku canaabta ceelka isku illawsiinayeen eraysaan soo socda:

  • Dhugdhug soo daa
  • Oo dhagdheer celi
  • Geesa waynaha
  • Geedka hore gee..!

DABSHIDKA/NAYRUUSKA:

Dabshidku, waa dhaqan guun ah oo ka mid ah dhaqamada Soomaalida, waa mid ka mid ah dhaqamada ugu caansan ee aanu leenahay, waana dhaqamada fara ku tiriska ah ee la ogyahay halka uu ka yimid. Caadiyan dabka waxaa la shidaa marka uu sannadku dhamaado, waana caado aan la wadaagto bulshooyin badan oo dunida ku dhaqan sida: Turkida, Kurdishka, Afqaanistaanta, Hindida, Beershiyaanka/ iiraan iyo qaar kale.

Dhaqankaas dabshidku, waxaa inta badan la isku raacsan yahay in uu ka soo jeedo diin ay haysteen Islaamka ka hor bulshooyinka aan kor ku soo xusay, waxaanse cidina intaan ogahay sheegi karin sida uu ku soo gaaray dadkeenna oo dhul ahaan aad uga fod dadyowgaas, diin ahaanna aan lagu tirin dadka aaminsanaa diimihii ka horreeyay Islaamka. Waxaanse laga yaabaa in qaar ka mid ah bulshadeennu ay diin ahaan u haysteen diinta laga soo minguuriyay ciyaarta dabshidka, Alle uun baase og runta.

Waxaa jirta hees caan ah oo ay wada qaadaan labada Hoobal ee aad ka loo jecelyahay: Xaliimo Khalif Cumar Magool iyo Maxamed Suleemaan Tubeec, heestaas oo lagu magacaabo NAYRUUS, waxaana erayadeeda ka mid ah:

  • Nayruusku waa ciid
  • Waa negi adduunyadu
  • Waa nuur kalgacalkuye…

IS-TUNKA:

Istunku waa ciyaar iyo isku-soo-bax sannadle ah oo caan ka ah deegaannada koonfureed ee dalkeenna, waana dhaqan aan ku koobnayn Soomaalida oo kaliya oo ay la qabaan qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka ku dhaqan aasiyada fog sida: Induniisiya iyo Malaysiya, waa dhaqan laga yaabo in uu diin ku abtirsado loo mase hubo sida dabshid ka oo kale.

BAD-GALKA:

Bad-galku, waa dhaqan asaguna caan ka ah deegaanada koonfurta, gaar ahaan xeebaha, waxaa u badan baa la yiraadaa dadka gibilcadda iyo kaluumaysata, waana dhaqan diimo hore ka soo jeeda. Diimaha laga haysto dalka Hindiya waxaa ka mid ah diin dadkeedu ay sannadkasta u xajiyaan oo ku dabaashaan wobi ay sheegaa in uu barakaysan yahay. U xajinta wobigaasna waxaa lagu tiriyaa in uu yahay isku imaatannada diimeed kuwooda sannadlaha ah ee ugu caansan. Waxaana laga yaabaa in xiriir ka dhaxeeyo wobi-galista Hindiya iyo bad-galka Soomaalida, Alle ayaase runta og.

ISXIIRIDDA:

Soomaalida in qofku madaxiisa wada xiiro oo uu is qurdo, waxa ay ka qabtaa dhaqan aan wanaagsanayn, waana dhaqan astaan u ah xil-kasnimo xumo, waxaana taas tusaale u ah maahmaahda dhahaysa:

“Nin xiiran, xil ma qabto” qofka basayuulka ah waxa ay Soomaalidu ka haysataa in uu yahay qof aan masuul noqon karin, gartana loo dhiiban karin.

SHARAYSIGA DUMARKA:

Dadka Soomaalida qaarkood waxay aamiinsan yihiin: in haddii markaad gurigaaga ka baxaysid ay kaa soo hor baxdo qof dumar ihi ay habboon tahay in aad gurigaaga dib ugu noqotid oo aadan socodka sii wadan. Waxaa dhici kara bay leeyihiin dhibaato iyo ayaandarro, waa haddii ninkaasi uu sii socdo ka dib marka ay ka soo hor baxdo qofkaasi dumarka ihi. Waa dhaqan aad u xun oo liidid iyo faquuq ku ah dumarka. Guud ahaan dhaqankani kama wada jiro goballada Soomaalida ee wuxuu ku kooban-yahay goballo gaar ah.

W/Q: Abwaan Cabdinaasir Xiddig

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN