DHAQANKA RUUXIGA AH EE SOOMAALIDA W/Q: Cabdinaasir Xiddig

DHAQANKA RUUXIGA AH EE SOOMAALIDA W/Q: Cabdinaasir Xiddig

Dhaqanka ruuxiga ihi, waa dhaqan ay bulshadu qabto oo ay ku dhaqanto, waa dhaqan oday ka-soo-gaar ah oo qofba qof u dhiibay, intiisa badanna lama yaqaanno halka uu ka yimid oo haddii aad dadka dhaqankaas aaminsan waydiiso way ku guuldarraysanayaan in ay kuu sheegaan ama si faahfaahsan ay kaaga dhaadhiciyaan. Dhaqamada caynkaas ihi, waxa ay aad ugu egyihiin ama u shabbahaan diimaha, waxayse uga duwan yihiin: Nabi iyo buug midna ma leh, taas ayaana ka saarreysa galka diimaha oo ku ekaynaysa xayndaabka dhaqanka.

Dhaqamadani waxa ay aad ugu badan yihiin dadka ku dhaqan qaaraddeenna Afrika, waxaana dhab ah in aysan jirin bulsho Afrikaan ah oo aan lahayn dhaqanka ruuxiga ah, haba ku kala duwanaadaane, inkastoo ay jiraan qodobbo ay ka siman yihiin bulshooyinka Afrikaanku dhanka dhaqan ruuxiyeedka. Haddii aan u soo weecdo dhanka Soomaalida, waxaa jira dhaqamo ciiddaas ka badan oo ay leeyihiin, kuwaasoo muran la’aan ay bulshadeennu ka siman yihiin, inkastoo ay dhaqamadaas shiiqisay oo saamayn wayn ku yeelatay diinteenna suubban ee Islaamku. Marka aad u kuurgasho dhaqamadaan waad ku wareeraysaa oo waxaa iskaga kaa qasmi kara dhaqamadaas iyo qisooyinka ku jira diinteenna, waxaadna ku qasbanaanaysaa in aad indho gorgor ku eegtid si aad u kala ogaatid. Haddaba, waxaan qormadaan ku dul istaagidoonaa in ka mid ah dhaqannadaas aan kor ku soo xusay, waxaana ka mid ah:

MAALINTA JIMCADA DHULKA LAMA XAAQO:

In-badan oo ka mid ah bulshada Soomaalida, waxay aaminsan yihiin in aan la xaaqin dhulka habeenka uu soo galayo Jimcuhu, waxa ayna la tahay in habeen kaas ay soo hoyanayaan ama guriga imaanayaan, dadkii xigtada ahaa ee geeriyooday sida: Awoowe, Ayeeyo ama qof dhalin yar oo dhintay. Waxay qabaan, in habeenkaas reer aakhiraadku reerka soo booqdaan, ayna tahay in loo aqriyo ducooyin, haddii la awoodana xoolo loo qalo. Dhaqanka caynkaas ihi, wuxuu aad ugu xooggan yahay miyiga, waxaana inta badan boorrin jiray wadaaddada suufiyada oo ah kuwa aad u qaddariya ruuxda iyo rooxaaniyadda. Waxaa inta badan la aqriyaa wixii qur’aan iyo ducooyin la yaqaanno, waxaana habeen kaas loo arkaa habeen ay guriga joogaan marti aad u qiimo badan oo mudan milgayn iyo maamuysid gaar ah.

MADAXA GACMAHA LAMA SAARTO:

In madaxa gacmaha la saarto waa astaan aad u shar badan Soomaalida dhaxdeeda, waa calaamad muujinaysa hoog iyo ba’, waxaana inta badan lagu barbaariyaa dhallaanka Soomaaliyeed in aysan sidaas samaynin. Wax yaabaha loo cugsado reebidda in madaxa gacmaha la saartana waxaa ka mid ah in haddii sidaas la sameeyo ay dhimanayaan waalidka qofkii sidaas sameeya, sidaasna uu ku noqon karo agoon ama rajay adduunka ku ciishooda.

IDAHA DHAGTA LAMA QABTO:

Dhaqankani, waa mid ashqaraar iyo yaab huwan, waana qodob ay inta badana iska ilaaliyaa reer miyigu, diin ahaanna, waa dhaqan aan qurxoonayn oo aad u silloon. Qaar badan oo dadkeenna ka mid ihi waxa ay qabaan: in haddii lax ama Wan dhagta la qabto uu soo dumi karo cirku, waxaana la oran jiray markii la arko qof idaha dhagta ka haya”war ka fuq cirka ha nagu soo dumine”.

ROOBKA FARAHA LAGUMA TAAGO:

Sida dadkeenna qaarkood ay qabaan, waxaa reebban in faraha lagu taago roobka, waxaana loo arkaa qofka sidaas sameeya qof aan raalli ka ahayn in uu roobku da’o oo ciddu barwaaqowdo. Haddii sidaas la sameeyo waxaa dadkeennu qabaan, in roobku qayoonayo ama uu dhan kale u leexanayo, taas ayaana mararka qaar keeni jirtay in nala qaraaco marka la arko annagoo faraha ku giiqayna roobka.
Marmarka qaarna si kas ah baan faraha ugu fiiqi jirnay roobka, maxaa yeelay aad baan u nebcayn roobka oo wuxuu naga qoyn jiray dharka, habeenkii uu da’ayana hurdadu nooma hagaagi jirin.

WARAABUHU JINKUU ARKAA:

Qaar badan oo ka mid ah bulshada Soomaalida waxa ay aaminsan yihiin in dhurwaagu/ waraabuhu uu yahay Jin arkaa, waxa ay qabaan in dhurwaagu uu si toos ah u arko jinka, jinkuna uu aad u neceb yahay oo uga baqo dhurwaaga. Waxaana marmarka qaar dhacda in dadka xanuunsan ee duulalka ama jinka lagu malaynayo loo keeno dhurwaa nool ama madaxa dhurwaaga, waxaana dhacda in qofkaasi uu qaylo iyo cabaad isku daro marka dhurwaaga la tusiyo, sidaasna uu jinkii uga baxo. Waa dhaqan duugoobay, inkastoo dad badan wali aaminsan yihiin, waxaanse ugu yaraan dabargo’ay ku dhaqanka dhaqankaas, waxaana adag in aad aragto maanta. Dhurwaagu waa bahal foolxun, wuxuuna astaan u yahay xumaanta sida: doqonnimada, cirwaynaanta, fulaynimada, qashin cunka iyo guuldarrada.

GACAN CUNCUNKA:

Haddii ay gacantu ku cuncunto ama dhulka lacagi kaaga dhacdo, waxaad noqonaysaa hantiile, sidaas waxaa qaba dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana la aaminsan qaar ka mid ah dadyawga afrikaanka, waa dhaqan aan ku arkay qaybo badan oo qaaradda ah iyo dad badan oo Afrikaan ah.

HADDII AY NAAGI GAARI KULA RAACDO DHAGAX AG-DHIG:

Waa caado aad caan uga ah magaalada, waa sheeko dhaqan ruuxiyeed aad iiga qoslisay markaan maqlay. Dhanka kale, waa sheeko xambaarsan sharaysi iyo baasaysi lagula kacayo dumarka. Dadka caadadaan ku dhaqmaa waxa ay qabaan: haddii qof dumar ihi kaligeed gaari raacdo, rakaabka kalana ay rag yihiin waa in kursiga ay fadhiso dhagax la dul saaraa, haddii aan sidaas la samayna waxaa dhacaya bay leeyihiin: in gaarigu hallaabayo ama shil galayo!

HADDII AAD HINDHISTO WAA LAGU XAMANAYAA:

Haddii aad hindhisto waxa ay qabaan in qofi ku xamanayo, hindhisaduna ay caddayn u tahay in qofkaas dareentay, waxayna u badan tahay waa sida ay qabaane in qofkaasi haddii uu dhagar kula maagganaa uu guuldarraystay. Tusaale, haddii aad ku ag hindhisto qof ka soo jeeda koonfur afrika waxaa laga yaabaa in uu kuu hambalyeeyo oo uu farxadda kula qaybsado, halka Soomaalida ay qabaan dhaqan u dhaw kaas.

YABARADA AMA MINGISKA:

Yabaradu, waxa ay caan ka tahay miyiga, gaar ahaan raacatada, halka uu mingisku ku badan yahay dhanka beeralayda iyo reer magaalka, labadooduna waa in la laaluusho shaydaan ama jinni ku jira qof xanuunsan. Waa yabaradee, waxaa la kariyaa shaax caraf badan iyo hilib cayilan, waxaana lala hadlaa jinka, asagoo laga codsanayo in uu qofkaan ka baxo, uuna taas baddalkeeda cabo shaaxa, hilibkana cuno. Mingisku waa ka yara duwan yahay Yabarada, waxaana la socota in loo heeso oo loo ciyaaro shaydaanka qofka ku jira loona ciyaaro dheel uu jecelyahay, ayadoo loo tumayo durbaan iyo sacab aad la is kula helay. Waxaa jiro heeso jinka u gaar ah oo ay qaadaan dadka mingiska ku xeesha dheer, waxaana heesahaas ugu caansan heesta: soo degeey, taas oo ay erayadeedu ka mid yihiin:

  • Soo degeey soo degeey
    Saarkii duleedoow soo degeey
    Soo degeey soo degeey
    Waa dabbaal deggaagee soo degeey
    Waxaan doonayaayeey
    Dahab iyo xariir baan doonayaa…

Heestaan waxaa ku luuqeeyay hooballo Soomaaliyeed oo kala duwan, waxaase ugu caansanaa: nin Talyaani ahaa oo heesi jiray, heestaamna ka qaadi jiray: qaar ka mid ah baararkii lagu cawayn jiray waayihii beri-samaadka xilligii taliskii Siyaad Barre.

CIDIYAHA GURIGA LA GUMA JARO:

In aad habeenkii cidiyahaaga ku jarto aqalka reer miyiga waa arrin xun oo halis ah, waa dhaqan aad looga digo in ay sameeyaan dhallaanku, waxa aananse ogayn dhibka dhacaya haddii la sameeyo falkaas. Caruurnimadaydii, waan aqaannay dhibka ka imaanaya ciddiyo ku jarid aqalka dhaxdiisa, gaar ahaan habeenkii. Waxaanse ogahay oo aan xusuustaa in cidiyuhu ay ka mid yihiin waxyaabaha ay adeegsadaan faaliyayaashu sixiroolayaashu. Waxaa la wariyaa: in haddii uu sixirooluhu rabo in uu qof falo ama sixro in uu taas samayn karin ilaa uu helo qofkaas cad ka mid ah cidiyihiisa ama timihiisa, waana tan keentay baan filayaa in reer miyigu diidaan in cidayaha la jaro habeenkii. Waxaa ka caadi ah reer miyiga dhexdooda in marka cidiyaha la jaro ay qasab tahay in la duugo oo god lagu xabaalo, taas oo suurtagalinaysa in sixiroolayaashu aysan meel cidlo ah si fudud uga helin cidiyaha ka dibna aysan sixrin qofkaas.

La soco Q-2AAD Haddii Alle idmo.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

Nagala soo xariir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.