Dhaqanku waa waxa naga dhiga waxa aan nahay W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

laashin

Dhaqanku waa waxa naga dhiga waxa aan nahay

 

Qiyamku waa waxa qofka hoggaamiyo wax uu yahayne soo muujiyo, mar walbaane qimyamku waxay ku xiran yihiin barbaarintasan, ee qofkaasi uu marka hore helay. Waa xirmooyin dhaqan, hidde, aragtiyo, fekrado, xigmado iyo qaabab nololeedka bulsho ama qawmiyad ay ku dhaqmaan, yaanba la is la qaadan ma la is ku afgarane.

Sidaa awgeed, bulsho walbaa waxay leedahay qiyam ka duwan midda kale, mar liddi ku ah, mar lammane la ah, marna la ligan, oo hareersocda. Is diidka, is ku dabcinoqoshada iyo is daleel orodka ka sokow, waxay bulshoyoonka marar badan ka la amaahdaan waxyaabo kaabaya, oo bilcinaya.

Tusaale, haddii aad aragto qof ama neef biyo ku dhacay, marka hore, waxaad isku dayeysaa inaad badbaadiso qofka, maxaa yeelay, qofka iyo neefka waxaa intifaac badan qofka, haddii aad ku hormarto neefka qiyaamkaagu maahan qiyam dhisan, maxaa yeelay, qiyamku waa inay kuu sheegaan cidda mudan badbaadinta.

Waxaa suurtagala in dadka qaar yiraahdaan jaceyl ma laysku dillaa?

Taasi wax ka jiro ma lahan, waayo, qofka bani Aadamkaa waxa ugu muhiimasan waa naftiisa iyo ilaalinteeda marka haddii uu naftii ugu muhiimsaneed ilaalin waayo, jaceyl maxuu yahay kolka haddiiba naftii ugu muhiimsaneed illaalin waayo qiyamki waa kan qofka ku hoggaamiyo inuu waxsan qabto iyo wax xunba.

Qiyamku waa waxa qofka qaabeeya, oo naqshadeeya. Waa waxa ina tusiya inaguna aan ku go’aanqaadanno. Waa ka la saaraha dadnimada iyo dugaagnida.

 

W/Q: Kaahiye Cismaan Xaashi

SHEEKOOYIN