DHAXALKA QALINKA W/Q: Shamis Mahad Tahliil “Shamis Hiil-aqoon”

DHAXALKA QALINKA

Qoraalku waa hab adeegsada summado la isla gartay (kalmado, xarfo iyo calaamado sida: (.!, iwm ), si loogu gudbiyo farriimo, fikiro ama aragtiyo si hab la akhrin karo leh. Waxa jira habab badan oo dunida loo adeegsado qoraalka. Waxase ugu weyn ama ay dhammaan hoos imanayaan shan qaybood. Waxaana lagu kala magacaabaa: Logographic, Syllabic, alphabetic, Featural, and ideographic (Symbols for ideas). Shantaan koox ayey dadyowga dunidu u isticmaalaan qoraalkooda si ay is kula fahmaan. Innagu waxaan ka mid nahay bulshada isticmaasha nooca loo yaqaanno: Alphabetic. Waana nooca adeegsada summadaha sida: A, B, C…. ( Shaqal iyo Shibbane).

SIDEE AYUU QORAALKU U SAMAYSMAA?

Qoraal waxa sameeya xarfo si nidaamsan  loo habeeyay oo macno iyo ujeeddo gudbinaya. Waxa loo isticmaalayo in lagu gudbiyo ama lugu keydiyo farriin, warbixin, aqoon iyo akhbaar. Wax-qoridu waxay ka mid tahay isgaarsiinta dadka, taasi oo ka turjunta luuqadda, dareenka iyo macluumaadka dadka ku gadaaman. Sida caadiga ah, qoraalku waa laan ka mid ah afarta laamood ee hadalka, waana sababta qoraalka hadal loogu beddeli karo ama hadalka qoraal looga dhigi karo.

Qoraalku waa astaamo la mideeyay oo ka  dhisma xarfo isku keen ah, taas oo bulsho ama dad isku luqad ahi isla taqaan oo isku fahanto. Tusaale Af-Soomaaligu wuxuu leeyahay hab qoris u gaar ah; taasi oo ka billaabata alifbeet, xarfo iyo ereyo la isku xidhay oo macno gudbinaya.

WAA MAXAY QORAALKU?

Qoraalku  waa dhito, waa dhigaal, waana keyd anfac iyo aayo reeb leh. Qalinku ma dhinto, qoraalkuna ma duugoobo ee markasta wuu xuub dhacsadaa, waana la cusboonaysiiyaa oo kolba jiil ayuu la jaanqaadaa, kolba jaadna waa loo dhigaa. Tusaale: waxaad arkaysa qoraa qarniyo hore noolaa oo ilaa maanta buug cusub laga soo saarayo ama kiisii hore dib loo jadiidinayo. Taasi waxay ku tusaysaa in kolba jiilka soo  koraa masuul ka yahay jiheynta dhigaalka qoran ee dhaxalka u ah ummadda.

Qoraalku da’ ma laha. Tusaale wanaagsan waxa u ah kitaabka Qurʹaanka kariimka ah in uu yahay mid qoran oo ilaa maanta manfaciisa aan aragno, muuqiisuna cusub yahay markasta. Si dhaxal loo reebo oo arrimaha jira iyo fikiradaha bulshada ka dhex billaabma loo keydiyo ayaa qalinka Rabbi SWT usoo dejiyay Aadanaha, si arrinimahaasi berri ka maalin xasuus iyo cibro qaadasho ugu noqdaan jiilba jiilka ka sii dambeeya.

Markaad dib ugu noqoto sababtii keentay in qur’aanka la qoro, waxay ahayd in  Abuu Bakar Saddiiq (RC) oo magiciisa rasmiga ah la yiraahdo: “Cabdullaahi Cismaan” uu goʹaamiyay aruurinta qurʹaanka iyo qoristiisa. Markii Cabdullaahi Cismaan (Abuu Bakar) Alle ha ka raalli noqdee goʹaankaan qaadanaayay waxay aheyd markii ay shahiideen asxaab badan oo qurʹaanka dusha ka xifdisanaa, kadibna uu ka baqay in inta dhimmana ay hoydaan, halkaasna farriintii qur’aanku siday ku dhammaato. Si taas looga gudbo ayaa la qoray oo si fiican loo ilaaliyay.Waana tan ilaa iyo hadda keentay in aan ka faa’idaysanno oo aan guri kasta ku akhrisanno.

Qoraalku waa dhaxal aan wada leennahay, waa ma guurto. Waxaan ku ilaalinnaa taariikhdeenna, sooyaalkeenna, dhaqankeenna, hiddaheenna iyo afkeenna. Haddii aan wax la qorin, waxa lumaya intaa aan kor ku soo sheegnay. Waxa jirta falsafad tiraahda: “ Bulsho aan qoraal iyo dhigaal midna laheyn, ma sii waarto ee way baaba’daa” sidaa darteed qoraalku waa muraayadda laga dhex arko wax kasta oo bulsho ka midaysan tahay, waana dhaxalka kaliya ee ummadda ka hara haddii si fiican loo dhiteeyo.

FAA’IIDADA QORAALKA LAGA DHAXLO:

  1. Waa furaha ilbaxnimada iyo aqoonta bulshada:

Bulsho waxa lagu gartaa heerka xaddaaraddeeda inta maktabadood ee ay leedahay. Waxa halkaas ka cad, haddii bulshadaasi maktabado iyo madxafyo badan leedahay, waa bulsho horumarsan oo qaadday jidka guusha. Adduunka maanta waxa lagu tartamayaa si loo dhiso garaadka bulshada, sidaa darteed maktabado ayaa laga sammeeyaa meelkasta oo la iskugu yimaad, tani waxay dhalinaysaa in ay soo baxaan bulsho garaad cabbir fiican oo wanaagga iyo waxtarka si fiican uga qayb qaata, fahansan horumarka iyo wax wada qabsiga. Haddii aan bulshada laga dhisin maanka oo aan garaadkooda la jiheyn, ma noqon karaan bulsho ilbaxda oo dadyowga adduunka la jaanqaada, aragti fogna yeelata ama aayahooda si nabdoon uga talisa.

  1. Waxa uu sahlaa is fahanka bulshada iyo isu dulqaadashada iyada oo la kala fakir duwan yahay:

Qoraalku waa aaladda kaliya ee bulsho kala duwan ku xiriiri karto, isku fahmi karto, iskula macaamili karto oo wax ku wada qaybsan karto. Tusaale fiican waxa u ah: ururka qaramada midoobay waxa ku jira 194 dal oo badankoodu kala luqad yihiin, balse, waxay ku wada xiriiraan dhigane (qoraal). Sidoo kale waxa jira dad maqalka naafo ka ah oo  aan awood u laheyn in ay hadal kugu fahmaan, ku waasi habka kaliya ee aan kula xiriiri karnaa waa qoraalka. Maalaayiin qof oo dhego la’ ayaa maanta dunida guudkeeda ina la jooga, haddana madal kasta iyo meelkasta waan ku wada xiriirnaa, waxana taas innoo fududeeyay qoraalka.

  1. Wuxuu keydiyaa dhaxal ma guurto ah:

Qoraalku waa sida dhitada caanaha oo kale. Waxa lagu weeleeyaa dhaxalka ummadda ka dhaxeeya. Sida taariikhda, suugaanta, afka iyo hiddaha. Tusaale fiican waxa innoo ah: Qaamuuska Af-soomaaliga. Waa dhigaal aan ka dhex heli karno dhammaan kalmadaha Af-soomaaliga kuwa cusub iyo kuwa goor hore jirayba. Haddii aan la keydin lahayn, ma suuro gasheen in afku sii hormaro, waxana soo dhawaan lahayd in la waayo kalmado badan oo asalka afka hooyo ka soo jeeda. Taas tu la mid ah, qoraalku waa dhigaal kagu xafido taariikhda nolosha bulshada, siyaasadaha dawladda, heshiisyada iyo is dhexgalka bulshooyinka kala duwan. Qoraalku waa dar aan ku dhuranno waxkasta oo tegay, balse, timaadada anfac u leh.

  1. Wuxuu kula wadaagaa aqoon iyo khibrad dad hore ay la haayeen:

Qoraalku wuxu kor u qaadaa waayo aragnimadaada, wuxuuna durkiyaa heerka fahamka noloshaada. Wuxuu ku baraa bulsho aanad ab iyo isir u lahayn oo carro-edeg cidhifkeeda ku nool, haddana wax baad ka barataa oo noloshooda ka fahamtaa. Qoraalku waa macallin ku edbiya, ku tarbiyeeya, ku tababbara, kugu shuba aqoon iyo aragti kaa dhinneyd. Waa walax haddii aad la qabsato kaa dhiga indheergarad aragti cabbir fog leh.

  1. Waxa uu kobciyaa garaadka maskaxeed ee qofka:

Qoraalku wuxuu dhaliyaa firfircoonida jidhka iyo maskaxda. Markasta oo aad qalinka iyo waraaqda is dul saarto, waxa xaadir noqda unugyada maskaxda ee fikirka maala. Waxa kor u kaca heerka awoodda falcelinta maskaxda iyo jawaabaha ay bixiso. Waa jimicsi ay maskaxdu u baahan tahay, waana maan godlin garaadka dhisa oo kobciya falcinta toolmoon ee dhimirka. Waa shay mudan in la joogteeyo si maskaxdaadu u korto u barbaarto oo maankaagu u maaxdo si fog oo hilaadin cabbir leh.

  1. Waxa uu toosiyaa hab xidhiidhka bulshada:

Qoraalku waa aalad la isku xiriiriyo. Waxaan maalin kasta u adeegsannaa sidii aan farriimo xafiis ama kuwa gaar ah iskugu gudbin lahayn. la’aantiina waxa hubaal ah in ay adag tahay in la xalliyo mashaakil, la gaaro guulo waaweyn, la hirgeliyo mashruucyo, lana hormariyo arrimaha bulshada. Waa shayga isku xira laba shaqo oo kala fog, kana dhiga kuwa hal xafiis ka wada socda. Tusaale fiican waxa u ah: maanta dunida guudkeeda, qoraalka waxa lagu xalliyaa arrimaha caafimaada. Qof scan laga saaray cisbitaal digfeer ayaa jawaabtiisa laga soo dirayaa dalka Turkiga ka dib, marka la akhristo qoraalka scanka. Jawaabtaas ayaa dib loo akhrinayaa, kadibna lagu dawaynayaa bukaankii.

  1. Waxa lagu dhigaa dastuur ama xeer bulsho ama dawlado kala hagga:

Sida aan ka war hayno, dastuurku waa heshiis bulsho ama xeer is afgarad oo lagu dhaqo bulsho meel ku wada nool. Waa xeer kala saara xaqa iyo baaddilka, haga bulshada oo iftiimiya hoggaanka iyo hillinka bulshadu ku socoto. Haddii aan xeerkaa la qoran lahayn, waxa dhici lahayd in aan maanta la arkeyn dawlahada waaweyn ama nidaamka caalamiga ah ee maanta bulshooyinka caalamku ku wada nool yihiin. Sidaa darteed, qoraalku waa aaladda kaliya ee badbaadisay dhismaha dawladnimada casriga ah. Fiiri; dhamaan wasaaradaha iyo xafiisyada dawladaha waxa yaalla oo lagaga shaqeeyaa faylal ay ku qoran yihiin shaqooyinka socda iyo kuwa dhammaaday. Kuwaas ayaa qoloba qolo u sii gudbisaa, halkaas ayaana giraanta dawladnimada laga sii ambaqaadaa.

Ugu dambeyn dhaxalka qoraalka lama soo koobi karo, waa bad, waana arrin la’aanteed aynaan maanta maqaalkan ku wada xiriirneen innagoo kala maqan oo aan iska joogin.

W/Q: Shamis Mahad Tahliil

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.