Dhaxalkii dhallaannimo Q1AAD W/Q: Nuxur Sheekh

Dhaxalkii dhaLlaannimo QAAD

Magaceygu waa Warda Warfaa. Waxaan ku dhashay miyiga waana ku barbaaray kuna soo kacaamey , gu’gii 13aad ayaan ku jiraa, waxaanan ka dhashay qoys reer miyi ah oo xoola raacato ah. Qoys walba oo xoolo dhaqata ah qof weliba wuxuu leeyahay hawl maalmeed maalinta aad gaarto 6 gu’ ayaad ka mid noqonaysaa xoogga reerka, waxaana laguu yeelayaa hawl maalmeed kuu gaar ah.

Anigu waxaan ka mid ahay dadka hawsha maalinle ah oo reerka ku foogan waxaanan wax ka qabtaa hawl kasta oo guriga iyo xoolaha ku saabsan, Raacis, Ilaalin, Aroorin, Lisid, Karin, Xaabo guris iwm.

Waxaa ila dhashay  labo wiil oo da’ ahaan mid iga wayn yahay midna iga yar yahay. Midka iga wayni aabbe ayuu geela la raaca oo waa maqanyihiin inta badan. Midka yarna dugsi qur’aan buu dhigtaa duleedka beesha macalin dugsi uga oodan yahay, degaan weliba iyo beel walba oo reer guuraa ah waxaa jira qof ka mid ah oo laga diin qaato ubadkana ku barbaariya diinta barana quraanka.

Waxaan xasuustaa Hooyaday axado waxay ahayd qof aad u naxariis badan oo ubad jecel, diin jecel oo xoola jecel, waxa ay ahayd qof hawlkar ah oo aan dhihi  karo dhismaha reerkuba iyadaa u ahayd isku xir, dhammaan agabka wax lagu cuno iyo midka wax lagu liso, kan lagu kaydiyo iyo kan guriga lagu dhisaba iyadaa sameyn jirtey, hawl kastana qayb ayay ka ahayd, waa qofka ugu xilka ugu culus qoyskayaga, hawl la’aan iyo dan la’aan weligay ma arag iyadoo meel u fadhida.

Maalinta jimcaha ah ayaa iyada iyo marwooyinka kale ee beeshu waxa ay isu raaci jireen  geed qurac ah oo la yiraahdo “LAAN IJAABO” waxa uu ahaa geed ay ku kulmaan kuna eebbe tuugaan maalintaas, sidoo kale wuxuu ahaa kulan laysaga warhayo, midka buka iyo midkii arrin kale soo foodsaarto, maalintaas layskama tegi jirin meesha ee qof weliba jimcihii hore wixii uu balan qaaday ayuu keeni jirey, Sonkor iyo caleen, Bun ama qaxwo, Digir, Galeey, Qaloon iyo Salool, Timir, Caano iyo Subag wixii kale ee la awoodo.

Haweenka Alle bariga iskugu yimaaday mid ka mid ah baa u qidmeeyneysaa oo u sii karineysa wixii ay la imaadeen. Waxey qaadi jireen digri, wey isku wacdiin jireen, qofkii dano leh waa loo duceyn jirey ugu dambeyna waa  faatixeysan jireen.

Halkaasa ubadka iyo barbaarta, kureyda ahi isugu iman jireen oo hooyooyinkood, iyo haweenka, eeddooyinka, habaryaraha iyo ayeeyooyinka u ah  waxa ay karsadeen bay wax kala cuni jireen, lama cayrin jirin lamana kahan jirey ubadkaas ee  waa la soo dhaweyn jirey.

Marka casar la tukado ayaa hooyo weliba waxay aadi jirtey gurigeeda iyadoo raynrayn ka muuqato, Hooyaday Axado marka ka timaaddo  kulanka haweenka ee jimcaha ayay toos u abbaari jirtey  xooluhu halkii ay saaka ku soofeen ama ku foofeen

Waxaa la cabi jiray shaah, caanbulo iyo saloolna waa la cuni jiray, waxey ku qatimi jireen duco. Hooyo waxey u dhaqaaqi jirtay halkii xooluhu saaka u soofeyn, si ay u hubiso in ay soo rogaal celiyeen oo ay nabad ku soo cidgaleen.

La soco qaybta xigta;

W/Q: Nuxur Sheekh

SHEEKOOYIN