Dheemmantii la dhibay! W/Q: Fadli Bashiir Diiriye

13871833_1092543044159277_1075494092_n

Dheemmantii la dhibay!

Badi muslimiinta ku dhaqan magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Barri,waxa ay soo tukadeen salaaaddii casar.Anigu wax aan dib ugu laabtay gurigaygii ;si aan mar kale isugu diyaariyo suuqa. Wakhti aan ku qiyaasay in uu ahaa labaatan daqiiqo, oo igaga baxay qubays,is-diyaarin iyo macasalaamaynta dadkii xafadda joogay ka dib ,waxa aan u anba baxay xaggaas iyo suuqii.

‘’Qorraxdu kululaa,galabtayba u sii daran tahay! kollay way is dhaami lahayd hadday sii joogto’’, erayadaas iyo kuwa kaloo badani waxay ahaayeen kuwa aan nafsaddayda kula sheekaysanayay,ugana dan lahaa in aan isku ilowsiiyo socodka. Wuxuu wakhtigu is guraba waanigan taagan goob basaska laga raaco. ’TAGAAYOOW,TAGAAYOOW,KORA,KORA!Basku cidhiidh badnaa ,oo wuuba buuxaaye muu dhaqaaqo ,meesha ku gubanaye’ waxaa is waydaarsaday rakaabkii saarnaa baska.

Aniga oo ku fooraraa mobilkayga gacanta,ayaan ku warhelay ‘ka durug gabadhaas’,inkastay cidhiidhi ahayd haddana waxa aan ogsoonahay in goobta aan ku degaya ay dhowdahay oo dan kamaba galine waanigan durkay.Alla wuxu wanaagsana oo tolow magaalada maahee xaggay ka timi? Oo adigu ma magaaladaad koobtay? Tolow ma Yamantii timidbaa?maayee waataa Soomaaliga ku hadlaysa.Waydiimahaasi waxa ay ahaayeen kuwo mar qura maskaxdayda ku kulmay si amar la’aan ah na aan uga war celinayay.

Tolow malla hadashaa? Oo faduul badnidaa.mayee iska warayso haba ku caydee wuxu wax laga aamusi karo maahee. I dareentay in aan iyada maagganahay ,cabsanayana,’boowe maxaan kuu qabtaa’, ‘Alla wuxu quruxda cod bayba ku darsataye’,baa aan mar kale isku qanciyey. ‘Walaal waxba ee in aan isbaranno uun baan jeclaystay maddaama aad tahay gabadh Soomaaliyeed’. Intaan wado hadalkayga indhahaygu waxa ay ku howllan yihiin eegmada gabadha oo ah mid alla bilic u dhammeeyay waxaadba moodda in wakhti lay qabtayoo hadba dhinac baan u boodayaa aniga oo aan ka bogan kii hore indhaha,suunniyaha madowga ah,dibnahan yara hilibsaday haddana siman,sanqaroorka dheer; intaan ku maqnaa daawashada waxay I wayddiinaysay wayddiimo hadda se ma xasuusto waxan ugu jawaabayay.Ma nin maqan baa wax xasuusta!

Waa anigan waydiiyay magaceedi,walaal magacaaga ma ii sheegi kartaa? Haa iyo maya midna layma orane ‘Nimco ‘ayaa laygu warceliyay.Aniga oo sii wada waydiimahaygii an kala go’a lahayn ee an Nimca waydiinayay ayaan iri ‘’illaa xaggee baa aad ku dagaysaa?’’ Walaal Gaaca. Mansha Allah isku meel ayaynuba ku dagaynaaye aniga raaciyay intaaas..

Beryihii hore markaan soo raaco baska wakhtigaan tirin jiray oo daahsan jiray goobtaan u socdo maanta se sheekadu beddelan oo waakan gaarigu ila dheeraynayoo,yaa soo bilaaba waddada,’jidkan baas awalba waa kii xidhmi jiree muu xidhmo’..ayaan in badan maskaxdayda kula sheekaystaa.Waa halkii Hadraawi ka lahaa heeskii Beledwayn ee uu kuluuqeeyo Xasan Aadan ee ahaa :

  • ’Biri may xumaato ,
  • Batroolka daadshoo,
  • Kan wadaa bukoodo.’

Anigu maanta halkiisii baan taagnahoo waxa aan jeclaysanayaa la fadhiga iyo hadba jalleecada dareenka wadata ee an xaggeeda daymoonayo. Intuba inta ka dhakhsa lehe waakan wadihii gaadhigu nagu amray in aan degno maadaama la joogo halkaan rabnay.Aniga oo aad mooddo in aan maqnahay si xowliyana uu u shaqaynayo garaaca wadnahaygu ayaan ka soo dagey gaarigii. Wali se ma raja-gabin maddaama ay qalanjadii wali ila socato!Waatane maxa aad ku tiraahda walaal waan kaa helay?Mayee waxa ay ku oran ‘iga heli ogidaa’ . Adigu ma iyadibaad tahay bal horta dheh.waxan horay u sii qaadnay waddaadii aniga oo iloobayba halkaan ku jihaysnaa una raacay inanta jihadeedi isla kolkaasna hoosta ka qaadaya.

  • ‘Joogiyo dhererkiyo lexaadka,
  • Dheehiyo midabkiyo dhalaalka,
  • Dhawaaq hadalkiyo oraahda,
  • Hab-dhaqan milga iyo xishoodka,
  • Nimcayahay waxad tahay mid dhowr san,
  • Lamana dhalin ruux ku dhaama,
  • Dhiiga iyo dhuuxiyo laftayda ,
  • Dhex qaadaye hay dhantaalin.

Walaal xaggee ku socataa? Walaal meel aan fogayn ayaan ku socdaa oo an ku iibiyo qaad!Qaad AAAAA. Ha wayddiin lahaydaa eraygaasi markuu afkeeda ka soo baxay waxaa dumay fooq(dabaq) uu dhismihiisu soo bilowday galabta. Waxaan u jiriricooday oo haddana u naxay sidii qof hurday oo biya qaboow si arxan darra ah loogaga naxsaday,waxaa gaabis noqday dhammaan xubnahaygii ay cabbaaradanba ka muuqdeen rayn rayntu iyo farxadda anan garanayn cidda sababtay. Mayee adigay kugu ciyaaraysaa. Oo maxay kawaddaa?! Maya ma qofta saas u qurux badan baa Qaad iibin karta ma jirto.

Walaal dhabtaan kaala hadlayaa anigaa ku celiyay. Boowe waa san kuu sheegay bay si tartiib ah iigu warcelisay. Ninkaygii awal inanta la socodkeeda ku raaxaysanayay hadda xooga gaabis baan noqday,wali se ma quusan oo dareen wadayaashu waxa ay I leeyihiin Qaadku waa shaqee xuurul caytan yar maanta hasii dayn. ‘’Walaal maxa kugu kallifay adigoo quruxdaas leh inaad meeshaas foosha xun Qaad ku gadid?’’ ‘’Boowe waxan dhammeeyay dugsiga sare ee Iimaamu Shaafici ka dib na jaamacaddaan galay ,aniga oo ay meel fiican ii marayso ayaan isla haasownay wiil ka mida ardayda jaamacadda ka dibna wuu I soo doonay.Waa lay diiday markii hore ;laakiin aniga ayaa ku dhegay oo xafaddayadii ku amray,intaas taas kadib ayaa lay siiyay. Anigu agoon baan ahay oo jaamacadda adeerkay baa iga baxsha mudda aan badnayn markaannu wiilki isla noolaynna waannu kala tagnay.

Waxa na kala ka xeeyay waxa uu ahaa khilaaf aan sii buurnayn.Anigu se wakhtigaas uur baan lahaa ,haddana gabadh baan haystaa wax barashadii sidii baan kaga hadhay.Kaalma kalana ma helin sababta oo ah waalidkay waatan horay ugu gacan saydhay.Sidaas ban u doorbiday inan raadsho shaqo aan gabdhayda biilkeeda kusoo dhiciyo.’’Halkaas markay maraysay ayay ilmaysay,runtii anna waan samirsiiyay una sheegay in aysan nolosha ka quusan walina ay tahay gabadh qurxoon oo rajaddii ay nolosha ka lahayd ay gaadhi karto.

Ugu danbayn waxan imid xaafadayda aniga oo aysan iga muuqan farxadi aan kaga baxay galabta casarkii habeenkaasi wuxuu ii ahaa habeen murugo. Abbaare kowdii (1:00) habeennimo ayaan qorayaa maqaalkan .Ujeeddadaydu waa in aynnu ogaanno ina ragoow habluhu in ay yihiin cawro loo baahan yahay in la asturo. Nin walba gabdho way la dhasheen,dhaleen,udhaxaan(udhixidoonan),dhalay dhali doonaa) waxaad mar walba la jeceshahay intaas la jeclow hablaha kalena waa sheeko aad ii taabatay ku tusinaysana tacadiyada ay la kulmaan habluhu.Waxaa an jeclaystay in aad adna ila dareento walalkayoow/walaashayeey.

W/Q: Fadli bashiir Diiriye

Iimayl: najaxiitainanfadli@gamil.com

Facebook: https://www.facebook.com/fadliga99

 

SHEEKOOYIN