Dhibaatada Masaajidda. W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

 

Dhibaatada Masaajidda.

Dhowr jeer ayaa waxaan arkay Dad Masaakiin ah oo ka istaaga Masaajiddada, ayaga oo wax waydiisanayaa walaalahooda Muslimiinta, dadkaas ayaa isugu jira dad ayaa daacad ka tahay dhibaatada ay sheeganayaan iyo dad ay u tahay Xirfad ay ku shaqaystaan, hadaba isku soo wada duub kulli, dadkaas waxaa ku kallifaya in ay dad hortooda soo istaagan waxna waydiistaan waa duruuf ku kalliftay macnaha loo kala yeelayo dadkaas haba kala duwanaadaan, hadana waxaa hubaal ah in ay dabooshay ama sababtay dhibaato ku kalliftay ficilkaas ay sameenayaan.
Marka aan wax ku cabir Caqligayga gaaban, waxaan dhihi lahaa dadkaas dhibaato ayaa haysata, loo baahan yahay in wax laga qabto.
Imaamada Masaajiddada qaarkooda qaabka ay ula dhaqmaan dadkaas baahan ee wax doonka ah ma ahan qaab ka tarjumaya tawaaducii looga baahmaa Hogaamada islaamka, micnaha ma ahan kuwa muujiya Naxariis, iyada oo mararka qaarkood ay ku gubaan indhaha, ama hadalo aan wanaagsanyn kula hadla dadka hortooda, ama mararkaa qaar ku qasba dadkaas masaakiinta ah in aysan sii wadan howlahooda wax waydiisiga ku salaysan ee ay walaalahooda kale la soo aadeen.
Hadaba soo ma wanaagsanaan lahayn in maamulada masaajiddada islaamka in ay arrintaas si hoose u eegaan waxna ka qabtaan.
Waan ogahay in dhibaatada baaxaddeeda ay wayntahay, hadana waxaan dhihi karaa waxaa jira wax badan oo la qaban lahaa oo la qaban,
Ma ahan in aan hadda doonayo in aan tilmaamo qaabkii dhibaatadaas loo xallin lahaa, balse waa in aan kicinayo Dareen ah, in dhibaatooyinkaas ay soo badanayaan.
Waan ogahay, waana ka dharagsanahay in masaajiddada ay yihiin Goob Cibaado, hadana yaan la hilmaamin in ay yihiin Goob Muslimiintu isku warsadaan oo isku dareensiiyaan xaaladahooda.
Masjidka naftiisa ayaa ku taagan Xoolaha Muslimiinta, sidaas si la mid ah waxaa wanaagsan in Misaaniyadda Masjidka lagu daro dadkaas tabaalaysan inta laga qaban karo, si bahdilka lagu suubiyo Masaakiintaas uu meesha uga baxo.
Xaqiiqdii waxaa la oran karaa meesha lagu arko Maskiin in ay tahay meel nimco ka muuqato oo dadka wax baxsha jaanis loogu siinayo in ay wax la baxaan, ka waran meelaha aan masaakiinta lagu arkin oo dadka doonayo in ay wax la baxaan aysan heli karin qof ay wax siiyaan.
Waxaan dareemayaa in dhibaato guud ay ka jirto Maamulada Masaajiddada oo dhan, ma oranayo maasjiddada Soomaalida oo kaliya waaye, waxaan soo arkay Waddamo badan oo kala duwam oo xaaladdan oo kale ay ka jirto.
Waxaa loo baahan yahay maadaama dhibaatooyinka ay sii badanayaa in uu baraaruguna sii bato, oo qaabka loola tacaalayo dhibaatooyinkan uu sii hormaro.
W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor
ekisyare@hotmail.comĀ 
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN