Dhibka Soomaaliya waxaa Masuul ka ah Aqoonyahan “Ismood” & Siyaasi “Af Miishaar”.

Dhibka Soomaaliya waxaa Masuul ka ah Aqoonyahan “Ismood” iyo Siyaasi “Af Miishaar”.

images

Waxaan jecleestay Inaan idiin soo bandhigo qormo gaaban oo aan uga hadlaayo Dhibka Soomaaliya cidda Masuulka ka ah.

Qormadaan ayaa waxaa ku soo koobay Aqoonyahanka maadiga bartay iyo Siyaasiga kor ka soo dhacay ee aan la dooran, Aniga oo og inaan qormo kaliya lagu soo koobi karin haddana waxaan jeclestay Inaan wax yar idinkaga iftiinsho aan u arko in labadooda ay yihiin indhaha bulshada.Qofka guleeysto waxa uu mar waliba Jecel yahay in dadka dhan ay wada guleystaan, halka qofka guuldareeysto uu jecelyahay in dadka dhan ay wada guuldareystaan.

Muqaalka Sawirka ee hoos inkaga muuqdo waa “Dr Xabeeb” oo kamida aqoonyahanada fara ku tiriska ah ee dalka aanan dibadda uga bixin aqoontiisa yartaana bulshada wax ugu taray ilaa haddana ugu adeegga waxa uu ka howl galaa xarumo ku kala yaalo Caasimadda iyo Gobollada dalka oo lagu xannaaneeyo dadka dhimirka la’ ee dibadda iyo gudaha laga kala keeno, waxaana u soo qaatay tusaalaha aqoonyahanka dhabta ah.

Dadka Soomaaliyeed waxa dib u dhaca ku riday  waa “Aqoonyahayan_ismood iyo #Siyaasi_Af_mishaara”.

Aqoonyahan(ismood)

Aqoonyahan”Ismood” bartay maadiga qabiilkiisa iyo calooshiisa xor kama ahan,canshuurti dadka iyo dalka uu wax ku bartay una bartay uma abaal gudin, dalkii waa hore uu ka tagay asagoo dalkii uu tagayna in uu ka shaqeeysto u tagay.

Dalkiisi hooyo waligiis waxa u bartay uguma shaqeeyn hadadna waxa uu ismooda aqoonyahan dhaafay aqoon yahan, waliba aqoon yahanada dalka joogo oo kumannaanka kun soo saaray ama xirfadooda ugu adeegog ayago oo awooday inay dalka ka tagaan sidiisa oo kale uma arko aqoon yahan waloow ay jiraan kuwa aad u yar oo inta dalka ku soo laabtay wax badan bulshada u taray, Hadana waxaa muunad beel ku riday kuwa muqaalkooda iyo maankooda uu kala duwan yahay oo bulshada majara habaabiyay.

Siyaasi_Af_Miishaara

Siyaasiga “Af miishaarka” ah marka uu dadka soo hor istaago waxa uu ku hadlaa hadalo Qurux badan,wuxuu qaadda ballan aanu fulineyn,  Laakiin markii ay timaaado go’aan qaaddasho ama ficil sameeyn uu fashilmaa.

Waxaa dhaqan u ah in uusan ogeyn waxa uu shalay ku hadlay,(Laba codleyn) Waxa uu iska dhigaa waddani, Markii uu dareemo in isla xisaabtan uu jiro waxa uu la so baxa kaar Qabiil oo Qabyaaladeesan, Markii uu xilka waqtigiisa ka dhammaan rabo ama laga qaado jagada uu haayay uu qeyla dhaan billaaba uma maleeyo in ay bulshada wax u qaban karto cid aana asaga aheyn.

Haddaan ug uda galo u jeedadka qormada waa oraahda #Dr_Xabeeb ee ah “DALKU UMA BAAHNO KA HORTAG WAXU U BAHAN YAHAY KA DABA TAG ” Dalka iyo Dadkaba uma baahno dumin iyo dib u dhac ama ka hortag, Dhaliil aan Dhammaan oo xalkeedu u yahay haddaan iska waayo waxa dhan waa waxba kama jiraan ee hala quusto.

Dalka iyo Dadkaba waxuu u baahan yahay ka daba tag, Rajo iyo Daliil wax toosiso, Talo wax ku ool ah iyo Samir.

Gabo gabadii iyo gunaanadkii waxa aan dhihi lahaay Soomaaliyeey
Halaga gudbo in shaqsi qabiil lagu jeclaado ama lagu naco (Mabda’ ku diid)
Haloo gudbo in fikir wax lagu Jeclaado laguna naco.(Mabda ku taageer)
F.G. Waa fikirkayga waxaa laga yaaba inaad igu ra’yi tahay ama iga ra’yi duwan tahay igu tixgali , Mar waliba waxaan diyaar u ahay inaan kaga kugu tixgaliyo fikirkaada iyo ra’yigaada Mahadsanid.

————————————————————

W/Q: Abdikadir Kassim Mohamed

SHEEKOOYIN