DHIBTII IGA GAADHAY REER AAL-SACUUD W/Q: Cabdisamad Baashe

unnamedDHIBTII IGA GAADHAY REER AAL-SACUUD

 

Waxa aan la soconay gaadhi Taxi ah oo ka dhex shaqaysta caasimadda Riyad, shan qof ayaanu ku saaranahay. Soomaali ayaan wada nahay dhammaantayo, habeenkii aalaaba waanu soo wada carawnaa shantayaduba marka shaqooyinka aanu soo dhammayno. Caawa xilli hore ayaanu jidka u dhexeeya xaafaddayada iyo suuqa maraynaa, shaqada oo iska yarayd awgeed. Waddadu waa cidhiidhi oo gaadhiyaashu isma dhaafi karaan in ay is daba socdaan mooyaane, gaadhi madaw oo landcrusier ah ayaa kolba hoonka xaggayaga danbe ka tumaya si uu noo dhaafo oo raba in aanu u bannayno, balse aanay suurto gal ahayn.

Waxoogaa ayaanu haadkayagii haysanay isna hoonkii naga daba tumayay, waddaduna jaam u ahayd, in yar kaddib waxa aanu helnay fursad aanu gaadhiga naga danbeeya u bannayno si uu noo dhaafo. Inta uu na dhaafay markii aanu u bannaynay,ayuu gaadhigii nagu hor jaray,kaddibna ay ka soo daadageen afar madmadaw oo jidh ahaan xoogganaa iyo gabadh timaheedu qaawanaayeen oo haaf iyo shaadh xidhan sida reer galbeedka. Waxa ay nagu noqotay filanwaa iyo u qaadanwaa! Waayo hore ugu maanu dhex arag Sucuudiga gabadh sidan u qaawan, marbaan ka shakiyay inaanu Sucuudiga joogno iyo inkale.

Inta ay gaadhigii xoog nagaga soo daadajiyeen afartii cabiid, ayay gabadhii na soo hor joojiyeen. Cay, aflagaado iyo hanjabaad ayay noogu tirisay, hal mar ayuun bay kalmadda “Istaxyay calaa Mar’a” “Isku xishood gabadhyahay” afkayga ka soo baxday, inta ay cadhootay awalba way cadhaysnayde ayay afartii mid kamida tidhi gaadhiga la raac oo isoo daba gala. Gaadhiga yar ee Taxi-ga ahaa isaga oo awalba cidhiidhi nagu ahaa ayuu isna nagu soo biiray, waxa uu na waydiiyay “Taarika lanbarka Landcruiserka ku dhejisan inaanu garanayno” anakuna in aanaan garanayn ayaannu ugu war celinay. Gaadhiga lanbarka noocan wata waxa iska leh reer boqor (Aal Sacuud) waddada marka ay marayaana waa loo banneeeyaa, ee idinku yaad tihiinna? Waxa aanu nahay Soomaali ayaanu ugu jawaabnay. Haah, gabadhu waxa ay idin moodaysay inaad tihiin Soodaani, garanayana gaadhigeeda, ee aniga ayaa u soo sheegaya marka aynu dagno inaydaan waxba ogayn.

Gaadhigii naga horeeyay ee ay la socotay Ina-boqor ayaa waxa uu hor istaagay Isteyshinka Booliska, kaddib waxa hal mar ka soo dareeray dhawr ciidan ah oo baruur iyo calool la ordi kari la’a, kuna leh maxaanu kuu qabanaa qabanaa qabanaa.. iyaka oo hak-hako baqdini u yeeshay. Farta ayay dhinacayagii u soo fiiqday, Intii ergadii naga timi ku sii socotay gabadha reer boqor ayaa mid kaayaba lug iyo dhinac inta la xafuujiyay loo jiitay dhinacaa iyo saldhiga. Markii uu utagay ayuu u sheegay in aanu nahay Soomaali balse aananu ahayn Soodaani, walibana aan aqoon u lahayn Taarika-lanbarka reer boqor. Kuwii oo nasii wandaafinaya ayay ku tidhi “Soo celiya”, horteeda ayaa nala soo joojiyay anaka oo xoriyad doon ah! Ma waxaanan afkii aan ku lahaa “Isku xishood gabadhyahay” ku odhan baa “raali naga ahaw boqoradayadiiyeey” anaka oo lugaha iyo gacmaha mar ka wada dhunkanayna.

F.G Sheekadan nin oday ah oo in badan ku noolaa sucuudiga kadibna ka yimi ayaa maalin anakoo bas saarnayn nooga sheekeeyay aniga iyo intii u dhawaaba.

Sharcigu inta reer boqor ma qabto, se inta kale ee ay adoomaysteen ayuu qabtaa iyo in Soomaalidu ka duwantahay Afrikaanka kale oo la adoomaysan karin ayaan ka fahmay sheekadan, ee adigu akhriste maxaad ka fahantay?

W/Q: Cabdisamad Baashe

SHEEKOOYIN