DHIG ama DHAQO! W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

DHIG ama DHAQO!

Ugbaad Waa haweenay 54 jir ah, laakiin daruufta iyo dandarada ka muuqato ayaa u ekeeysiiyay iney tahay mid 10 sano ka wayn faceeda.

Ugbaad waxay dhalatay sanad barwaaqo iyo bashbash cariga eebaheey ku shubay, Aalaaba xoolaha dhasho sanad aaran ah, waa kuwa si dhaqso ah, edega uga koro, Sidoo kale dadka dhasha xilligaa ayagaa iyaguna noqdo kuwa helo koriima fiican oo caqliyan iyo jismiyan ka wanaagsanaado kuwa kale ee dhasho xilliga abaarta ah sidaasi awgeed ayeey ugbaad ugu suuragashay ineey si dhaqso ah lafteedii boodo.

Markii la gaaray sanadihii hanaqaadka, Ugbaad waxay ahayd mid ka dhax muuqato hablihii eey isku da’da ahaayeen, Joogadheer iyo jamaalka eebahay kumanaystay ayaa ahaa mid uu hunguri ka helo nin kasto oo xiligaa ku haminayay guur, Waxaa la gaaray xilligii qaangaarka Ugbaadna waxay noqotay midii ugu hanaan iyo habsami wanaagsanayd hablihii la aqalgeeyay sanadkaas, Waxaana loo hooyay oo calaf u yeeshay nin qunyar socod ah, Si fiican ayaa Ugbaad loo galbiyay, taajkana loogu saaray sidaasna waxy ku noqotay oori, mustaqbal iyo horumar loo rajeeyay si fiicana waxaa ula dardaarmay hooyooyinkii iyo ayeeyooyinkii arooska ka soo qaybgalay. waxaa ka mid ahaa hadalaladoodii

Waxii jilcanba juruq sii
Layskuma jeclee ka joog
Ma joogto dariskay jirtaa
Layskuma jeclee ka joog!

Almuhiim Buraanburkii lagu aqalgaynayay waxaa lagu soo gooyanayay,
Jumladan xikmadeysan ee ah.

Oo yeey i soo gaarin tollow yaa ka guursan jiray!

Ugbaad waxay noqotay xillo fiican, Laakiin reerkeedii ayaa noqday mid dhuunta u galay ninkii qunyar socodka ahaa ee qabay, Ugbaad waxaa la dhashay wiilal iyo hablo kala aaba ah, Oo aan lahayn tala iyo towfiiq ka dhaxayso sidaasi daraadeed ayuu odagii qabay, subaxeedii danbe warqadeedii miiska u saaray isagoo aan muran iyo isjiid jiid galinin.

Ugbaad ma daahin ee isla sanadkiiba waxaa guursaday nin kale oo isagu dabeecad ahaan kii ka horeeyay ka duwan, Ugbaadna weey ku adkaatay la qabsashada dabeecadahan cusub ee uu la yimid ninkan labaad, Taasna waxaa ka dhalatay mugdi iyo madmadow saameeyay mustaqbalka Ugbaad taasoo eey qaar ka mid ah walaalaheed ka biyadiideen aakhirkiina sababtay in maalin cad dhabarka laga toogto saygii Ugbaad.

Ugbaad taasi waxay ku noqotay dhabar jab labaad, Intii eysan asaayga dhigina waxaa si xoog ah kula aqal galay nin sadaxaad oo isagu ka adadag labadii hore, Kagana jilis fiican xaga jaceeylka lamaanaha u dhaxeeyo.

Ninkii sadaxaad oo ahaa mid ka macangagsan labadii hore, Waxuu Ugbaad u diiday fursad eey kula sheekaysato walaalaheed, Xanibaad adagna waxuu saaray, Dardar galin iyo firfircooni dheerad ah oo eey Ugbaad horey u baranin ayuu ninkan sadaxaad la yimid, Ugbaadna waxaa uu guddoonsiiyay hadiyado kala cayncayn ah, Ubax qoyana waa loo lulayay taasoo qalbigeedii yar dareensiisay Xanaano iyo jaceyl eey wili soo marin.

Ninkan sadaxaad Ugbaad waxuu tusiyay jacayl xadhdhaaf ah, Waxuuna u muuqday mid ku dhagan, Ugbaadna muhiimada jaceylka ayeey ka raacday, oo waxy u noqotay mid u dhaganugul ninkan oo aan warbixin dheeraad ah ka gudbinin, Xitaa haddey gudbin lahayd ashtako iyo cabasho ma haysanin fursad oo waxay ahayd mid ku mashquulsan Durbaan tunka iyo ollalaha is dabajooga ah ee uu ninkan qabanqaabinayay, Habrihii warka u keeni jiray ama ka qaadi jiray waxuu ka dhigay, Kuwa isaga la shaqeeyo, Habeen iyo maalina Ugbaad ku mashquuliyo Ciyaar iyo cilaansaar.

Nin kasto oo ka dhaqdhaqaayay walaalahii faraha badnaa ee ugbaad, Waxaa la saaray Xayiraad qaarna waaba laga taqalusay, Almuhiin Ugbaad oo xilli ku dhamaanayay Ilmana ka waysay ninkan waxey fursad cabasho u dirtay wallaallahii kala bah bahda ahaa ee la dhashay, Aaqirkiina waxaa dhacday in ninkii Hilfaha loo qaado, Oo eey Ugbaad sidaa banaanka ugu soo dhacdo, Shir dagdag ah ayaa loogu yeelay, Oday afaraad waxaase diiday Wiilashii kala bahbahda ahaa oo ku tilmaamay Mid aan loo dhamayn.

Ugbaad odaga soo guursaday, Waxaa hor yimid xanibaadyo aad u adag adag, Waxaana lagala hortyimid afka hadal isku badalay gacan ka hadal lagu hoobtay, Umana suurtagalin odagii Afaraad inuu tago Aqalkii Ugbaad eey ku noleyd, Sidaasna waxaa ku fashilmay rajadii laga qabay in Ugbaad ninkan loo aqal geeyo.

Ninkan afaraad oo dadaal dheer galay, Wuxuu soorya ahaan u keenay lacag cusub uu uu doonayay inuu ku qanciyo kagana farxiyo, ragii faraha badnaa ee ugbaad la dhashay, Nasiib xumo lacagtaasi ma noqon mid eey calfadaan walaalaheed, Waana lagu kala tagay, Ugbaadna sidaas ayeey Geesxiran ku noqotay(Nin kalena uu guursan karin kii qabayna uusan dhaqan karin)

Iyadoo sidaasi u ah gees xiran muda dheerna aan madaxeeda biya lagu shubin, ayeey Ugbaad

La soco qaybta labaad.

W/Q; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN