Dhiganha Gardaadiye W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Dhiganha Gardaadiye

Gardaadintu waa ababin carruurta lagu tababbaro, si loogu carbiyo nolosha qaraarka iyo macaankaba leh ee ku soo foolka leh haddii Eebbe tabar geliyo. Gardaadinta carruurtu waa afar qeyb oo kala duwan. Afartaas qeyb waa ay kala muhiimsan yihiin, balse, afartooduba waa hab ay ku gardaadin jireen waalidku carruurtooda.

BALLEYS

Soo balleyntu waa midda ugu horreysa, canuggu marka uu dhasho ee xuddunta hooyadii laga jaro, qofka ugu horreeya ee arka, ayaa waxaa la yiraahdaa: ”Balleys” taas oo ah: qofkii koobaad ee arkay canuggaas. Dhaqankii hore ee soomaalidu wuxuu aaminsanaa qofkaas soo balleeyay canugga ee noqday qofkii ugu horreeyay ee la kulmey, markii uu caloosha hooyadiis ka soo baxay, in canuggu uu wax uun ka hidda raacayo hab dhaqanka qofkaas. Dhaqankaas oo ahaa: mid aad loo aaminsanaa. Macnaha balleysku waa qof asiga oo mooge ah ama aan u yimad hooyada umushay. Kolkaas ayaa waxa la yiraahdaa: Balleys.

ANQARIS

Anqarisku waa canuggu marka uu dhasho ee uu naaska hooyada caanaha ugu horreeya ee dambarka ah afka loogu liso ama loo nuujiyo, ka dib ayaa waxaa la siiyaa caano loo yaqaan: ”Anqaris” ku waas oo ah: in canugga loo caana kabboodo. Haddii uu wiil yahay canugga dhashay markaas: waxaa u caana kabbooda ninka ragga ah ee markaas la jooga. Haddii uu gabar yahayna waa la mid oo isla sidaas ayaa la yeelaa. U caana kabbooshadaan anqariska ah lafteeda soomaalidu waxay aaminsanaayeen, inuu canuggu wax uun uu ka hidda raaco qofka u caano kabbooday. Waana dhaqan aad loo aaminsanaa.

BARABIXIS

Barabixiska dhowr si ama magac ayaa loo yaqaanna ku waas oo ay ka mid yihiin: “Barabixis, bannaanbixis, sinsaar, daandihis, gardaadin”. Barabixisku, waa halka ay ka billaabato gardaadinta rasmiga ah. Canugga marka ay hooyadu kala baxdo maalmaha umusha oo ah: afartanka maalmood, ka dib ayaa hooyadu, waxay u raadisaa ilmahaas qof wanaag iyo sammaan lagu ogyahay oo aan dadka dulmin, geesina ah oo dhan walba ku wanaagsan. Haddii canuggu uu wiil yahay: nin ayaa loo raadiyaa, haddii uu gabar yahayna waxaa loo raadiyaa qof dumar ah, balse, markaan ay barabixiska tahay, waalidku wuxuu aad uga fikiraa canuggaas qofkii barabixin lahaa qof kastana looma dhiibo.

Qofka barabixinaya ama gardaadinaya canuggaas marka hore intuu boodbootiyo laba jeer ayuu sinta saaranayaa, ka dibna, intuu labada gacan ka qabto ayuu isku dayayaa inuu socodsiiyo asiga oo ku luqeynaya:

  • Saan yeelo yeel
  • Saanteyda qaad
  • Suubbane ahaaw
  • Samma nabad ku joog
  • Rabbi saad habboon
  • Ha ku siiyo nolol
  • Anna waa sidaan
  • Kuu socodiyee
  • Suubbane ahaaw
  • Saanteyda qaad.

Haddaba canuggaas qofka sidaas u barabixiya waxaa la yiraahdaa: “Waa qofka ugu dhaw ee canuggaasu uu meela badan uga ekaado qofkaas dabeecadihiisa, haddii uusanba la mid noqon. Waana gardaadinta ama barabixiska ugu awoodda badan.

Markii ay soomaalidu adduunka ku kala firirtay, sidoo kalena, ay dhaqammo shisheeye la falgaleen, habdhaqankii dadkuna uu is beddelay oo carruurta soomaalidu intooda badan maanta ay isbitaal ku dhashaan oo hooyadii dhaqtar umulinayo, labada sare ee kala ah: “Balleyn iyo anqaris” meesha waa ay ka baxeen oo waa laga daldoorsaday, balse, barabixisku waa mid weli nool oo aan ha ba yaraatee marnaba aysan soomaalidu ka tegin dal iyo dibadba. Waxaana sababtay awoodda uu hore u lahaa dhaqankaasu, kaas oo islaamkuna oggolyahay, dadyowga kale ee duniduna ay qabaan dhaqankaas.

GARDAADIN MASKAXEED

Sawir ka mid ah sawirrada buugga GARDAADIYE

Habkaan afaraad waa ababinta canugga, waana tan ugu amminka dheer, uguna mudan. Waa in canugga loo carbiyo nolosha iyo waayaha, taas oo ka billaabata marka canugga la barayo: dhinac u gaddoonka, fadhiisiga, istaagga, tallaab qaadka, socodka, af baridda, tarbiyeynta diineed, dhaqameed, aqooneed, jireed, maskaxeed IWM. Waa hab waalidku uu ku ababiyo carruurta ilaa uu canuggaas xilkiisu ka degayo waalidka, taas oo ah marka uu tabaraabo oo uu qaangaaro. Canuggu haddii uu qaangaaro, waalidka xilkiisii waajibka ahaa wuu ka haray, balse, waxaa weli u taagan kii waalidnimo kaas oo aan meelna ku hareyn.

Haddaba afartaas xilli ee aan soo tilmaamey, sheekadaan: “GARDAADIYE” waxay ku saabsan tahay; qeybtaan afaraad. Taas oo ah: toosinta iyo ababinta carruurta. Carruurtu inay caloosha iyo carjawda/jirka ka koraan, waxaa uga wanaagsan inay cindiga ama caqliga ka koraan. Haddii aad barto waxyaaba noloshiisa iyo garaadkiisa bilaya, aadna mar walba uga sheekeyso waxyaabo uu caqli iyo aqoon ka kororsanayo. Koritaankiisa ayey u noqon doonaan sahaay iyo jiscin uu keydka maankiisa ku qaato.

Sheekadaan GARDAADIYE waxay u qoran tahay hab fudud oo la fahmi karo, waalidkuna uusan ku dhibtooneyn kolka uu carruurtiisa u aqrinayo. Sidoo kale, waxaa la socda, sawirro muuqaalka tayadooda aan aad ugu dadaalay, kana turjumaya hadba sheekada ay la socdaan. Sheeko walba dhowr sawir ayaa la socda, taas oo ilmaha fursad u siineysa inay sawirkaas ku mashquulaan inta aad u sheekeyneyso.

Carruurtaada oo aad u sheekeysaa: “Adigana waa kuu xil gudasho iyo xusuus, iyagana waa u wacyi gelin iyo dhaqan barsho”.

Bidhaaminta sheeko carruureedka GARDAADIYE

Waxaad ka dalban kartaa: laashin77@gmail.com ama cuute23@hotmail.com

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.