Dhiggaa ugu sharaf badnaaw! W/Q: Ikraan Daahir Cabdirixmaan

Dhiggaa ugu sharaf badnaaw! W/Q: Ikraan Daahir Cabdirixmaan

Dhulku kama maarmo cadceed ifisa, sida aanu cirku uga maarmin xiddigo bilicdiisa muujiya. Shaki kama taagna in ay quruxda keymaha ay soo saaraan geedaha cagaaran iyo noolayasha kala jaad ka ah ee ku dhex nool is biirsigooda.  Waxaa hubanti ah ashqaraarka baddu in ay muujinayaan hirarka laacdamaya  iyo uumiyaha ku dhaqan. Horaa Soomaali u tiri: “hadal nin badshay ma wada oran, nin yareeyana kama wada tagin”.

Waxaan  uga golleeyahay arartaas ama biyadhaca hadalkaygu yahay;  kaama maarmi karo. Ma doonayo in aan ku waayo. Maxaa yeelay, waxa aad dhex degtay qalbigeyga. Hubaal dunida sida qorraxdu u iftiimiso maalintii ayaad aniganu  har iyo habeen ileys iigu tahay oo aad ii iftiimisaa. Sida dhool da’ay, dhul ka oo cagaaran ama dhallaan laba jir ah laga negi yahay ayaad iiga dhigan tahay. Miyaanan mudneyn in aan ku dhowr taa?  Waan aqriyay qormooyin kaaga mase kaa fileyn carrab dab leh. Ma moodeyn in aad i xaqiri doonto, horta, ma wixii aad hore iigu sheegtay ayaa been ahaa mise waxa haatan aad qoreyso?!

Adiga oo dhinaceyga fadhiya sowtaad afkaaga iga laheyd; arxan iyo abaal baad ii gashay, anna aan ku lahaa in ka badan ayaad iga mudan tahay. Ax! Hadalkaaga hortiisa afeef baa la dhigtaa aqal kaaga hortiina ood baa la dhigtaa. Haddaba anigu sidii shalay aan kuu lahaa in ka badan ayaad iga mudan tahay, had iyo goorna kuula diyaar ahay. Haatan erayadii qiraalka ahaa ma waxaa beddelay kuwii Axmed Yaasiin Digfeer una dhacayay sida tan:

  • Garashadooda naagaha
  • Haween gebi ahaantood
  • Hooyaday gadasheed
  • Kama helin gargaar kalee
  • Hadana hayga goostaan.

Ma oggolaan karo in aad aniga dartay u dafirto wanaaggi ay kuu gashay walaashaa macaan iyo dhammaan dhediggii kuu geystay wanaagga. Waxa aan rajeynayaa  in aad intaa ka wacan tahay wax kastana aad hagaajin doonto. Jaceylku waa fursad wanaagsan una baahan ka faa’ideysi iyo is fahan. Waan ogahay Galladoow, dareenka aan kuu hayaa in uu aad u sarreeyo adna kaama dahsoona. Sidaa darteed, miyaad iigu ribeyneysaa, ma qasadkaaga ayaa intaan ku ekaa?! Maxaad heer kan ii gaarsiineysay, haddii aan sidaan kaaga sahlanahay marna kuuma quuro in aan ku iraahdo na kala dir, iga fogow, fasax baad iga tahay iyo wixii la halmaala, sideed adigu ii tiraah; waxaan kaa aadayaa dunidii maqnaashaha iyo maahsanaanta ma qaadan karo berrina marka uu jawigaagu is beddelo ma waxa aad i oran doontaa saddex baad ku furan tahay ah?

Iga daa ma xammili karo dhaqanka ceyn kaas ah. Dibnahaaga ha barin wax yaabaha qaarkood. Kuma lihi malaa’ig baan ahay iyo ma qaldamo intaba hase ahaatee, kuuma quuro gurracantan oo kale. Anigu, kama baqo in ay dunida oo idil iga hortimaad hase ahaatee, waxa aan ka baqaa in aan adiga ku waayo; taa ayaa gudcur iiga dhigan. Weli waxa aan ku leeyahay, anigu, weli sidii baan soo dhawow ku leeyahay!

Anigu wali sidii baan sacabka kuugu tumayaa, waxa aan filayaa in aan gutay waajibkii i saarnaa kuuna muujiyay xurmo iyo heerka aad iga jooto. Ugu dambeyn, haddii aad waanadeyda hareer marto waxa aan ku leeyahay ruux laga dhiman jiray geeri waa yaqaan ee “Dhiggaa ugu sharaf badnaaw”.

W/Q: Ikraan Daahir Cabdirixmaan

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN