Dhugasho dhiganaha GODOB iyo GALLAD. W/Q: Cali M. Diini

Dhugasho dhiganaha GODOB iyo GALLAD. W/Q: Cali M. Diini

Waxaan akhriyay Buugga GODOB IYO GALLAD ee uu qoray Qoraa, Bare, Xuseen M. Cabdulle (Hussein Wadaad). Ugu horrayn waxaan u mahadcelinayaa qoraa Xuseen Wadaad oo dalka Iswiidhan iiga soo dhiibay Godob iyo Gallad iyo bugaag kale. Waxaan ku leeyahay waad mahadsan tahay macallin. Intaas ka dib waxaan rabaa in aan inyar ka iraahdo waxa iiga baxay oo aan kala dheehday Godob iyo Gallad akhris ka dib.

Godob iyo Gallad waa dhigane warinaya sheeko xiiso iyo murugo isku dhafan. Sheekadu waa curis balse tilmaamaysa sidii uu ahaa habnololeedkii bulshada Soomaaliyeed ee waqti hore. Sheekada dhiganaha Godob iyo Gallad warinayo waxa ay si gaar ah diiradda u saaraysaa dhinacyada caddaaladda, dhaqaalaha iyo xalaadda nololeed ee bulshadii waqtigaas.

Buugga Godob iyo Gallad waxa uu ka kooban yahay 396 bog oo ee A5 ah guud ahaan. Waxaa laga yaabaa in aad is dhahdid “bisinkee sheekadu tiro badanaa?” Balse marka aad Godob iyo Gallad baalashiisa kala rogtid ee aad akhris ku bilowdid ayaad go’aansanaysaa in aad ogaatid halka ay ku dhamaato. Sidaas darteed balaashii tirada badnaa waxa aad uga laacaysaa muddo yar. Shakhsi ahaan anigu marka aan akhrinayo buug sheeko ah sida Godob iyo Gallad oo kale waxa aan xiisaha sheekada ku ogaadaa akhriska aan ku bilaababa waxaa igu adkaata in aan joojiyo sheekada ilaa aan ka salgaaro halka ay ku dhamaato sheekadu.

Sheekada dhiganaha Godob iyo Gallad na waa mid ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ee aan akhriyo.

Sheekadu waxaa saldhig u ah ‘miskiin lagu maadanayo’, horay baa loo yiri “miskiinaa misko lagu fuulo leh.” Gaboodfal dhacay ayaa dambiilihii gaystay la rabaa in miskiin kale oo minanakiisa jooga dusha laga saaro si dambilihii gaboodfalka gaystay aan caddaaladdu u qaban. Sidoo kale dan laga ma leh dhibbanihii lagu gaboodfalay ee waxa kaliya ee loo dig iyo dam leeyahay waa in dambilihii la difaaco oo nidaamkii iyo xeerarkii ummaddu ku heshiisay intii la majarahabaabiyo lagu difaaco dambile halkii xeerku difaaci lahaa dhibbanaha iyo kan tabarta daran.

Dhiganaha Godob iyo Gallad waxa kale ee sheekada ku qorani tabinaysa oo aad la tacajabaysaa sida guud ahaanba aan khaladka uga fahamnay oo u majarahabaaninnay nidaamka dawliga ah iyo dawladnimadaba oo halkii xeerarka iyo awoodda dawladda lagu tabantaabin lahaa kan tabarta yar u na noqon lahaa mid lagu ilaaliyo sharafta, xuquuqda iyo qofnimada muwaadinka ayaan dhanka kale u caynwareejinnay oo ka dhignay mid kan maalintaas xafiiska hayaa ku tumaatiyo inta tabarta yar ee bulshada.

Godob iyo Gallad waxa uu warinayaa wiil reer miyi ah oo noloshii miyiga inta nacay magaalo u dalaabay si uu uga helo nolosha miyiga mid ka roon balse nasiibdarro markii uu baladkii galayba ciidankii qaranku la booday oo xabsi bartanka u dhigay asaga oo aan aqoon waxa xabbisay iyo sababta loo xabbisay toona. Xataa macnaha xabsi wiilka miyiga ka soo haajitay ma garanayo.
Kaaga sii darane xabsigii loogu sii daray jirdil iyo gaboodfal ayadoo kuwa sidaas falaya ay ogyihiin in wiilkaasi uusan wax dambi lahayn, balse, dambi looga dhigay maxaa adiga oo reer miyi ah magaalada u soo gashay? Ayaga qudhooda ayaaba miyiga ka yimide sidee taas dambiga uga dhigi karaan? Haddee maxay ku maageen miskiinka? Godob iyo Gallad ayaad ka ogaanaysaa sababta.

Waxaa intaas dheer ee ayaduna muhiimka ah ee Godob iyo Gallad tabinayo waa sida qoraagu hodanka ugu yahay afka hooyo si heersare ahna sheekada Godob iyo Gallad ugu haaneedinayo. Sideedaba sheekadu waxa ugu muhiimsan ee akhristuhu ka barto waa AFKA ay sheekadu ku qoran tahay oo akhristuhu ka barto. Godob iyo Gallad na waa runtii qofkii akhriyaa uu si mug leh uga baran karo afka hooyo ee Soomaaliga.

Intaas kuma koobna aqoonta iyo ogaalka dhexceegaaga Godob iyo Gallad ee waa buug si dadban u tabinaya sooyaal iyo dhexdooyinkii shalay berri dhigaal u ah jiilasha soo socda.

Haddii Godob iyo Gallad yahay buug inta aan sheegay iyo in aan ilduufayba koobay sow markaas waajib nagu ma ah in aan u mahadnaqno Qoraaga kansho iyo kisba galiyay Godob iyo Gallad si uu dhigaal iyo dhaxal uga tago ummadda Soomaaliyeed? Alleylehe haa! Waa uu naga mudan yahay.

Qof aan dadka u mahadcelin Rabbina u ma naqee macallin Xuseenow waa mahadsan tahay.

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN