Dhugasho kooban “GACAL IYO GAYAAN” W/Q:- Xuseen M. Cabdulle (Hussein Wadaad)

Dhugasho kooban “GACAL IYO GAYAAN”

Gacal iyo Gayaan, waa buug sheeko faneed ah oo runtii anigu aan wax badan ka bartay, dad badan oo sidayda ahina ay ka baran doonaan dhaqanka, hiddaha iyo hab nololeedka ummadeed ee waaya soo jiray iyo kuwa weli taagan, sidoo kale, tilmaamidda kuwa soo muuqdo. Gacal iyo Gayaan, waa sheeko leh bar billoow iyo mid dhammaadba, balse, inta aad sheekada magaca ku xusan daba socoto ayaad si dadban iyo si mararka qaarkoodba toos ah u baraneysaa wax kale oo ujeeddada kore aadba is leedahay waa ay ka dhumuc iyo lixaad weyn tahay.

Sida aad sheekada u daba joogto, ayaad cabsi iyo naxdin welwel sidataa kula soo gudboonaahee, kolkaasaad is leedahayba waa la murrugaye amaaba laysku yimid oo wuxu sheeka aqrinba ay ka badan tahay, waa kolka kulbeegga dareenkaagu raaco dhadhanka iyo qaab qoraaleedka iidaanka leh ee sheekada, waxa aad aqrineyso ayaa isu beddelaayo wax aad daawaneyso.

Sur iyo dhuunyaal iyo xiriirka dheddigowgu, waxay ka mid yihiin waxyaabaha igu cusbaa oo aan ka bartay sheeka faneedka GACAL IYO GAYAAN. Dhaqamada kala duwan ee habar dugaag oo dhan iyana wax badan baa iiga baxay. Cilmiga faalka iyo xiddigiska iyo kaalintii ama midda ay ku leeyihiin bulshooyinka miyiga, isticmaalka kala duwan ee nuucyada suugaanta iyo sida wax la isugu dedo oo haddana loo kala furfuro waa qaybo badan oo ku jira Qisada.

Dulucda guud iyo midda gaar ahaaneed ee sheekada, aqristaha ayaa laga rabaa inuu ka soo dhex miirto kadibna garto faa’iidada ballaaran oo uu ka helay.”

Aqoonyahan, barbaariye, halabuur suugaaneed, Qoraa:- Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN