Maansada; “Dhulku waa dhulkeennee” Waxaa curiyey; Ayaan Shiekh “Nuxur”

sasa

Dhulku waa dhulkeennee

 

Dhibaatada dadkeygaa

Dhaaka faarka maansada

Igu dhalisay caawoo

Dhabtii iigu wacano

Dhinaceyga waayahyan

Dhulkii muusan qabad abid!

 

Dhibbadii astaantiyo

Dhaxalkii awoowyiyo

Ddulki way ka quusten

Dharabyada qaxootiga

Ayey dheef u doonteen

Wali way dhursugayaan!

 

Dhabbaheey qulqulayaan

Boqol boqol u dhoobten

Ku dhinteen badaha oo

Saxaraha ma dhaafaan

Dheecaankooda lama helo

Arladaaba dhuuqdoo

Dhuuxooda jiidata.

 

Dhulkii kuwa ku nooloo

Dhinacooda nabad iyo

Xasillooni aan dhigin

Dheefti la cuni laa

Aan dharaarta heysan

Dulka gees ka joogaan

Waa dhibaato weynee

Dhaayuhu miyey qaban?.

 

Dagaallada dhexdeenna

Dhibka waatan laga dheef

Dhurwayadu habeenkii

Hadba dhool na siibaan

Dhirta dhuxusha laga dhigay

Dhaqan guurka yaalloo

Dhallintii haleeloo

Kuulla dhuuqa kaba dhigay

 

Kolley waa dharbaaxee

Miyaad dhugan karaysaan?.

 

Dhulka wa dhulkeenne

Warabaha dhaqleeyiyo

Ha siinnina dhurwaayada

Dhoohaneey warkay maqal.

 

Dhexda mara ku dhuuqsada

Dhayal iyo ciyaar iyo

Yuu galin dhimaaloo

Gobollada dhammaantood

Cadaw iyo dhawr dulli.

 

Allahayow dhaarar qura

Dhulkoo noo nabdeeyoo

Dhibataada ha dhinac mari

Dheeftiisa noo badi

 

Aamiin

 

 

Ayaan Shiekh “Nuxur”

SHEEKOOYIN