Dhunkashadii dhur beeshay! Q2AAd.

Dhunkashadii dhur beeshay! Q-2aad.

 

156585_10150852611965878_341235953_n

 

 

 

 

 

 

 

Xaaji xintir oo wiilkiisa ku war geliyay inuu guursanayo gabar isaga la eg oo da’diisa ah, wuxuuna ku yiri «Wiilkeygiyow waxuu damac iga hayaa gabar facaa ah oo aad isku eyni tihiin, waxaanan jeclahay marka aan guriga keeno adiga iyo iyadu inuu xiriir waalidnimo oo dhaxalgal ah idin dhex maro».

«Aabbo qofka adiga aad soo guursato da’dey doontaba ha jirtee waalid bey aniga ii tahay oo waa hooyadeey oo kale, ixtiraam dheeri ah ayeyna iga mudan tahay» ayuu Daahir yare ku war celiyay.

«Wiilkeygiyow anigu waan kugu ogaa garashada iyo baarrinimada waana kuu duceeyay» intuu yiri buu sii raaciyay «Aabbo reerka aan la xididay baan salaan iyo is barasho ugu tagayaaye waa ku kaa haddee nabad alla ha ku yeelo iskana sii baashaal». Waa yahay aabbe iyo waa hagaag ayeyna isku sii sagootiyeen wiilka iyo aabbihii.

Booqashadii ugu horreysay ayuu Xaaji Xintir ku tagay guriga reer Khaliif Xargug, waxaana loo soo dhoweeyay si anshax iyo dhaqan xormeysan ah iyo weliba is barasho xanbaarsaneyd sooryeyn, marti gelin iyo ixtiraam gobeed leh, waxaana ugu danbeystii qolka fadhiga ah loo firaaqeeyay oo leysu faq daayay Xaaji Xintir iyo gabadha loo hibeeyay ee ah Nuura-bilan.

In cabbaar ah ayey Xaajiga iyo Nuura.bilan wada sheekeysteen ilaa xadna wey isu soo dhowaadeen oo is af garad bey wada gaareen, inkasta oo uu wada sheekeysigoodii uu kaftan yar soo yara dhex galay kaasi oo ahaa «Nuura oo dhowr jeer Xaajiga ku maamuustay erayga adeer iyo isaga oo arrinkaa ka biya diiday».

Nuura_bilan oo rabtay in ay Xaajiga qanciso ayaa su’aashay oo tiri «Adeer haddii aan ku iraa ma wax dhib ah ayaad u arkeysaa?».

«Maya dhib ma jiro, laakin sidaa waxaan ka jeclaan lahaa inaan xadatada qalbiga u soo yara dhowaanno» ayuu yiri Xaajiga oo dhoolla caddeyn yari ay wejigiisa ka muuqatay.

Nuura-bilan waxey mar kale tiri « Adeer inaan si aad ah kuu ixtiraamay ayaanba moodayee, ma si ka sii weyn baa jirta?».

«Maandhaay sow aabbahaa kuu ma sheegin inuu i kaa siiyay oo aad maalmo dhow marwo noqon doonto anna aan seygaada noqon doono» ayuu yiri Xaaji Xintir oo koob shaah sii kabbanayay.

«Aabbahey farriintaada wuu i soo gaarsiiyay anna waan ka oggolaaday, inaan ku soo dhoweeyo oo aan ooridaada noqdana diyaar baan u ahay ee maxaad rabtaa oo intaa ka sii badan oo aan kuu sameeyaa» ayey ku war celisay Nuura oo isku dayeysay in ay Xaajiga qanciso.

«Inta aad adeer i dhihi laheyd, waxaan ka jeclaan lahaa, marka aan abbaayo ku iraa inaad abboowe i tiraa, marka aan xabiibi ku dhahana inaad xayaati i dhahdo, marka aan macaanto ku iraa inaad macaane i tiraa» ayuu Xaajigu Nuura-bilan ku beer laxowsaday.

«Xaaji wax kasta oo aad i weydiisato diyaar baa kuula ahaye adiga horta aan wax ku su’aalee aniga ma i jeceshahay?. Codsiyadeyda ma fulin kartaa shuruudahaygase ma ka soo bixi kartaa?» ayey Nuura-bilan si xuja ah Xaajiga u hor dhigtay.

«Inta aan berri iyo saa danbe la gaarin haddaba i weydiiso waxa aad iiga baahan tahay, isla hadda ayaan kuu dhameynayaa» ayuu Xaajigu si ballan qaad aheyd u yiri, wuxuuna si faan ah u sii raaciyay « Qofka oorideyda xalaasha ah noqon doonta codsiyadeeda inaan fulin kari waayo wax dhici karaba maaha».

Nuura-bilan waxey ku fekertay inuu odaygu dabinka ugu jiro wax badanna ay ka dhameysan karto haddii ay u adeegsato ereyada uu daneynayo ee sida aadka ah u jilicsan waxeyna ku tiri «Abboowe macaane i dhageyso».

 

«Hee abbaayo alla beerka» Intuu la soo booday buu sii daba dhigay « Xabiibi maxaa erayadaasi mac macaanka ah kuu diiday?, mar danbe yaanan kaa maqlin adoo i leh adeer iyo wax la mid ah!».

«Macaane aniga waxaa i dhalay qoys dan yar ah, hooyadeey oo waayeel ahna wey joogtaa, sidaasi darteed gurigan cusub ee aad dooneyso in aan ku wada aqal galno reerkeenna u madax banneey oo halkaa aan soo wada degno wiilkaaga iskaabulada ahna guri u kiree, weliba codsigeyga intaas oo kaliya maahee waxaanba rabaa in aad guriga warqadihiisa igu wareejiso, si aan inta aad qurbaha ku maqan tahay guriga mas’uuliyaddiisa u sii hayo» ayey Nuura Xaajiga ka codsatay.

«Adaa reerka u taliya wax kasta oo aad iga codsatay sida aad u rabto ayey noqonayaan» ayuu Xaajiga ooridiisa qalbiga ugu qaboojiyay. Halkaana heshiis luqaafeysan baa ka dhacay sidaasaana leysku af gartay.

Nuura-bilan waxey ku guuleysatay dabinnadii ay dhigeysay qaarkood, waxaana u caddaatay in ay Xaajiga sida ay rabto ka yeeli karto oo ay weliba hantida kala wareegi karto wiilkiisa madiga ku ahna ay bahdili karto weliba isaga iyo dhaxalkiisaba ay  daaqadda ka saari karto. Waxey go’aansatay in iska fogeyso xiriirkii iyo aqoontii ay u laheyd Daahir yare, maadaama ay aabihii guursaneyso, waxeyna u dirtay farriin aan xal iyo dib isugu soo noqosho laheyn.

Isla habeenkaa maalintii ku xigtay Daahir yare waxaa soo gaartay warqaad ay ku qorneyd farriin aan naftiisa cajabin oo uu si aad ah uga naxay. Farriinta, waxaa u soo dirtay Nuura-bilan oo xaqiiqsatay in uu guursanayo Daahir aabbihii Xaaji xintir, waxeyna markaa ka dib go’aansatay in ay gebi ahaanba cagta mariso xiriir ku sheeggii khiyaanada ahaa ee kala dhaxeeyay Daahir yare. Haddaba warqaaddaasi dareen sidka aheyd, waxey u qorneyd sidatan soo socota:-

 

Salaan:

Salaan ka dib:

Walaal iga guddoon salaan si aanad jeleysan doonin uga soo go’day qalbi ay dabeecaddu murugeysay oo ay naxariistu ka guurtay, isla markaana guddoonsaday inuu dhabarka ku tuso oo uu xiriirkaada iyo barashadaadaba jaro. Salaantaa oo aan filayo in aanad mahadin doonin waa mid qalbi jab weyn ku gelin doonta!!!.

Intaa dib, abboowe macaane, aniga iyo adiga jacayl aan qaan gaar aheyn oo  yacyacood ah dhabtana ka fog baa na soo dhex maray inaan ka lib gaarnana waan ku guuleysan weynay, sidaa daraaddeed maanta laga billaabo soomaalidaa suuqa mareysa iiga ma duwanid oo iyaga ayaan kuu la simanahay ee ha igu tashan kuna qanac aayahaaga danbe iyo calafka dumar ee xagga rabbi kaaga qoran!.

Ugu danbeystii beryaha dhow oo innagu soo fool leh, waxey kuu noqon doonaan maalmo wada madow ah, waxaadna maqli doontaa akhbaar aan ku cajabin oo ku waxyeelleyn karta. Dhacdadaa kugu soo socota inaad adkeysi u yeelatana waan kuu rajeynayaa, aniga oo weliba kugu la talinaya inaad xaafaddaba isaga guurto si aanad ugu dhex ceeboobin!.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, abboowe kuma tala galin inaan qalbigaada dhaawaco, hasa yeeshee danteyda iyo damaca waalidkey ayaa isku si wax ii tusay, taasina waxey noqotay gar aan guddoonsaday oo labadeenna na kala dishay ee aniga sidaa iiga samir xilliga aad warqaaddan aqrineyso laga billaabana isma naqaan ee qalbiga sidaa u sheeg!. 

 

Nabad gelyo.

Nuura-bilan.

La soco  qaybaha dambe

Bashiir Cali Xuseen

Barbaariye@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN