Dhunkashadii dhur beeshay!Q1AAD Bashiir Cali Xuseen

Dhunkashadii dhur beeshay! Q1AAD

Waxey aheyd dhammaadkii toddobaatanaadkii ammin loo wada hayaamay in loo xoogsi tago dalka boqortooyada sacuudi carabiya. Waxey aheyd xilli ay soo caan baxeen magacyadii kala ahaa «Jannaale, xaajiyo qamsiin iyo kuwa la mid ah».
Xaaji xintir, oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee waddankaasi u xoogsi taga, wuxuu in mudda ah ka shaqeynayay shirkad ay howsheedu aheyd biya bixinta xaafadaha oo ku taallay magaalada Jidda, halkaas oo uu xaajigu lacag fara badan ka urursaday, wuxuuna xaaji xintir magaalada muqdisho gaar ahaan xaafadda shibis ka dhistay guri aad iyo aad u qurux badan.
Guriga intiisii badneyd wuxuu geliyay kiro dhinaca kalana wiilkiisa madiga ku ah ayaa ku noolaa, kaasi oo dugsiga sare ka baxay camal kalana aan hadda faraha ku heynin balse u diyaar garoobayay dhismaha jacayl curdan ah oo hanashadiisu ay ku adkaatay Nuura-bilan oo aan xaggiisa u soo jeedin awgeed.
Nuura-bilan waxey aheyd gabadha ugu firfircoon gabdhaha foodleyda ah ee xaafadda laga wada tilmaamo, waxeyse Nuura been cad kula dhaqmeysay oo ay si khiyaana ah ku la socotay Daahir yare oo ahaa wiilka xaaji xintir, kaasi oo lacagaha ay ka soo qaaddo ay u sii geyn jirtay wiil kale oo ay iyadu aad u jecleyd, kaasi oo lagu magacaabi jiray ( Cabdi-canjeex) oo isagu jacaylba aan shaqa ku laheyne ay dantiisu aheyd un inuu helo qarash iyo lacago uu ku balweeyo, wuxuuna ahaa nuuca ay gabdhuhu si aadka ah uga baqaan!.
Dhowr sano ka dib xaajigu wuxuu soo wacay wiilkiisa, wuxuuna u sheegay «inuu soo socdo oo uu maalmo ka dib muqdisho ka soo degi doono» wuxuuna xaajiga wiilka kula sii dardaarmay «in uu guriga sii banneeyo reerka kirada ugu jirana uu ka saaro, si uu ugu nasto uguna qaabilo martida iyo asxaabta faraha badan ee soo booqan doonta».
Xaaji xintir, wuxuu yimid Xamar, wuxuuna iska soo xaadiriyay xaafadda shibis iyo gurigiisii cusbaa oo ahaa mid uu dhex jooggiisa aad u xiiseynayay. Maalmo yar ka dib xaajiga wuxuu sheedda ka arkooday Nuura-bilan oo uu muuqaalkeeda ku qancay, wuxuuna markiiba la tashi la sameeyay saaxiibkii xaaji Barkhad, wuxuuna u sheegay « inuu lacag fara badan heysto, isla markaana uu doonayo in gabadha Nuura la yiraahdo loo doono».
«Xaaji gabadhu waa 18 jir adiguna 60 jir baa tahaye ma wiilkaada ayaad u rabtaa gabadha mise adigaaba doonaya» ayuu xaaji Barkhad saaxiibkii weydiiyay.
Xaaji Xintir, wuxuu ku war celiyay «Saaxib 60 jir haddaan ahay lacag baan wataa, gabadhana anigaa doonaya, maxaa yeelay wiilkeygu weli waa yar yahay oo arrintiisa dib baan u dhigay inuu waxbarashadiisa sii wato ayeyna dani ugu jirtaa».
«Waxaasi aniga ayaa soo dhameynayee ka seexo qidmada sharuurka ahna meel ii saar» ayuu xaaji Barkhad saaxibkii ku shaxaaday.
«Waa iga diyaar wax walba oo aan ku helaayo Nuura-bilan» ayuu si kal iyo laab ah u ballan qaaday xaaji Xintir, sidaa ayaa arrinkii lagu soo af xiray. Waa hagaag iyo howraarsan baana lagu kala dhaqaaqay.
Xaalku waa kalamaane Daahir yare ma oga waana ka maqal iyo dareen la’yahay damaca aabbihii galay iyo gabadha uu rabo ee loo raadinayo in ay tahay Nuuradii uu jeclaa ee uu muddada dheer soo sahansanayay la noolaashaheedana uu ka raja qabay!.
Toddobaad ka dib, xaaji Barkhad wuxuu Khaliif xargug oo ahaa Nuura aabbaheed ka soo dhameeyay arrinkii lagu wada ballamay, taas oo aad u farxad gelisay Xaaji Xintir oo aan isaga qudhiisa ka warheyn Nuura in ay aheyd gabar uu wiilkiisa jacel yahay!.
Khaliif Xargug oo ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel wuxuu gabadhiisii Nuura-bilan aheyd ku qasbay guurka odaygan shanta jeer dhali kara, wuxuuna isu daba dhigay «Duco iyo habaar mid iga qaado» hasa yeeshee Nuura ducadii ayey qaadatay, laakin waxeyna tiri «Aabbe meherkeygu waa ( 5,000$ ) shan kun oo doollar, aniga ayaana u madax bannaanaan doona ee taa ogow».
Khaliif xurgug intuu dhoolla caddeeyay buu yiri «Aabbe xaqaaga cidna kugu ma heysatee meesha ha igu ceebeynin ee ninkaa akhyaarka ah ee aan kuu dooray si sharaf leh iiga dhaqo».
Nuura oo ay siro badan u qarsan yihiin baa aabbaheed ku qancisay «Waa yahay aabbe, anigu warkaada ma diidi karo ee igu kalsoonow ». Sidaa ayey xaajo ku soo dhammaatay is afgarad buuxa ayaa halkaa ka dhacay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Daahir yare, arkay aabihii oo aad u faraxsan markaa ayuu ku yiri «Aabbe caawa farxaddaadu waa saa’ide maxaa kugu soo kordhay?».
«Wiilkeygiyow waa runtaa waan faraxsanahay adna markaada ayaad farxi doontaa inshaa allaah» ayuu yiri Xaaji Xintir, wuxuuna sii raaciyay «Aabbe goordhow ayaan rabaa inaan guursado oo aan aroos galo fasaxeyguna waa yar yahay ee sidaa la soco, markii hore waxaan u soo baxay inaan adiga kuu guuriyo laakin waxaan ka fekeray inaanay waxbarashadu kaa hallaabin oo aadan guur iyo jacayl ku habsaamin».
«Aabbe waa war farxad leh, laakin aan eeddadeey dadka bartee ma gabar baad guursaneysaa mise garoob?» ayuu Daahir yare aabbihii su’aalay.
«Wiilkeygiyow waxaan guursanayaa gabar adiga da’daada ah, waxaanan jeclahay adiga iyo iyada inuu xiriir waalidnimo oo aad iyo aad u wanaagsan inuu idin dhex maro» ayuu Xaaji Xintir wiilkiisa ku waaniyay.
«Aabbo qofka adiga aad soo guursato da’dey doontaba ha jirtee waalid bey ii tahay oo waa hooyadeey oo kale, ixtiraam dheeri ah ayeyna iga mudan tahay» ayuu Daahir yare ku war celiyay.

La soco Q-2aad
Bashiir Cali Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN