DIBINDAABYO W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Mid ka mid ah sheekooyinka duugga ah ee kusoo arooray suugaanta laga tixgliyo bartamaha yurub ayaa tibaaxeysa in maalin maalmaha ka mid ah fursad shaqo lagaga dhawaaqay gudaha keynta, duur jooggana looga baahanyahay shaqadaas ayaa lagu sheegay “waa in uu noqdaa bakayle”. Kolkii muddo la naadinayey booska shaqada ayaa waxaa ugu danbeyntii soo gudbistay (maroodi), isaga oo sheeganaya inuu yahay bakayle aan biyo is marin, maroodigii ayaana sidaas ku galay booskii shaqo ee bakaylanimada ee la naadinayey amminka dheer.

Muddo kadib ayuu maroodigii la kulmay bakayle ka shaqeeya gudaha keynta kaasi oo ku shaqeysanaya (inuu yahay maroodi), maroodigii oo arrinkaasi aad uga carooday ayaa dacwad ka gudbiyey bakaylihii, golaha sare ee keynta ayaa durbaba baaritaanka arrinkaasi u saaray guddi shabeello ah si ay usoo kala cadeeyaan muranka hareeyey shaqooyinkii keynta. Guddigii shabeellada ahaa ayaa dib u eegis ku sameeyey waraaqihii iyo tixraacyadii ay soo kala gudbiyeen bakaylaha iyo maroodiga, waxa ayna ugu danbeyntii soo saareen go’aan qeexaya inuu bakayluhu yahay maroodi sax ah islamarkaana uu heysto waraaqo cadeeynaya arrinkaasi, sidaas aawgeedna uu ugu qalmo shaqada uu keynta ka hayo ee maroodinimo.

Maroodigii oo laga filayey inuu dafiri doono islamarkaana uu racfaan ka qaadan doono go’aanka ay soo saareen guddiga shabeellada ah ayaa waxa uu ugu danbeyntii aqbalay go’aankii waxa uuna sheegay in uu ku qancay go’aanka. Kolkii la weydiiyey sababta uu kaga dhiidhin waayey go’aanka gurracan ee guddiga shabeelladu soo saareen ayaa waxa uu yiri: “guddigaan loo saaray arrinka ee lagu sheegay shabeellada iyaga naftoodu ma ahan shabeello, balse, waa dameero warqadahooda uun ay cadeynayaan in ay yihiin shabeello”.

Kolka la eego gunta fog ee sheeka suugaaneedka waxa ay daaha ka qaadeysaa habka magaca iyo shaarka qurxoon loogu geliyo kuwa aan ahalka u aheyn, imisa guddiyo odayaal ah oo arrin loo saaray ayaa noqday owdayaal sii owday irdihii nabadda, imisa (wadani) ayaa lagala kulmay waabaanyo iyo wax aan la filaneyn, imisa ayey bulshadu xalka ka sugataa kuwa aan waxba xeeri aqoon, imisaad garaneysaa dad leh maamuus xileed ahse xeero maran, ha ugu dagmin maamuus waliba sida loogu magac daray.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN