Diihaalka colaadda iyo damqashadeyda! W/Q; Hodan Sheikh Cumar

qormo

Diihaalka colaadda iyo damqashadeyda!

 

Waxaan ka mid ahay da’yarta soo koreysa. Waxaan dhashay dagaalladii ahalka intii lagu gudajiray. Ma arag dalka Soomaaliyeed oo nabad ah, dowladna warkeedaba daa. Waxaa ii dheer intaas inaan ku dhashay dal shisheeye, kuna koray waliba. Xilligii aan garaadsaday, waxaan la kulmay ama se aan ku caqliyeeystay, Dalkeyga hooyo oo xabbaddu ka socoto, xabbaddaas oo ah mid xaqdarro ah, sidoo kale, waxaan indhaha ku kala qaaday dadkeyga soomaaliyeed oo xaqdarro lagu dilo saacad kasta iyo meel walba. Sidaas si la mid ah qaxooti ayey ku yihiin waddamada dariska ah iyo kuwa shishe intaba.

Waxaan qabay cuqdad, taas oo ah; waddan aan waddan keenna ahayn oo colaaddu ragaadisay, ama hab-saamisay ma jiro. Waxaan nafsaddeyda weeydiiyaa su’aalo badan, oo ay ka mid yihiin;

 

Toloow maxaan isku dilnaa?.

Maxaa asaaggeen naga reebay?.

Dagaalka miyaan dhaxal u leenahay?.

Soomaalidu miyaaney ahayn, dad isku hayb ah?.

Soomaalidu miyaaney ahayn, dad wada dhashay?.

Dhulka soomaali weyn miyuusan nagu filnayn?.

 

Su’aalahaas iyo kuwa kalaba uma helin wax jawaabo ah, haddana, igama dhammaado fikirka aan ka qabo dalkeyga, ee ah in mar uun soomaaliya nabad noqoto.

Sidoo kale  ma daayo suugaanta aan kula hadlo dadkeeyga soomaaliyeed, taas oo si damiir waddaninimo ku dheehan tahay qal-bigeyga uga soo maaxata. Waxaan dareen xanuun leh ku iri;

 

“Dhaxal miyaan u leenahay

Dhimashadiyo, dhaawaca?

Had ba qaraxa dhacayiyo,

Miino laysku dhigayaba ,

Goormay dhammaanee?

Dhaqan gali xornimadoo

Kolleey waanu dhacannaye,

Isma dhaan tayahay hooy,

Dhoohan soomaaliyeey,

Dhibaatada yaa ku saaray?”

 

Dowlad kasta oo ka dhalata dalkeyga soomaaliya, waan ku farxaa, xaqiiqdii waxaan is kula hadlaa, iskuna qanciyaa, waa middii aan ku nasan lahayn, dalkuna maanta ayuu ka baxay bur-burkii muddada dheer ragaadiyay, haddana, hammigeyga kuma guuleeysto runtii, oo dhibaatadu waa sii daba dheeraataa, xanuunka i haya ima daayo, kaas oo ah dowlad la’aanta,  waana mid joogto ah. Ma aaminsani inaan daawo u helayo aan ka ahayn dowladnimo, kala dambayn iyo daganaansho ii ku af-laxa dalkayga hooyo.

Taariikhda soomaalia, oo ah mid anigu aanan u soo joogin, markii aan gadaal  u eego, markaan aqristo qormooyin laga qoray xornimadii iyo halgankii gobannimo, markaan dhageysto ama aan daawado codad ama muuqaallo ka turjumaya dowladdii iyo sharaftii dalku lahaa, waxaan ka dhaxlaa murugo, waxaan is weeydiiyaa; toloow xilligaas soomaalidii joogtay, annagu farac ka farcamay miyaannaan ahayn? Oo soomaalidii hore maxaan uga duwan nahay?

Intaas kaliya kuma koobin, ee qaab suugaaneed waxaan ku iri;

 

“Dabkuu shiday cadaawuhu,

Dagaalladii shisheeyaha,

Gumeeysiga la dirirkii,

Soomaalidii dorraadee

Iska diidday waa hore

Ayahooda daafacay

Iyo duulka maantaa

Miyaaney dad kaliyiyo

Duul qura ahaynoo

Dadnimiyo ogaal iyo

Diir iyo dareen iyo

Ku midoobin diintana?”.

 

Dareenka waddaninimo waa mid Allaah igu mannaystay, jacaylka dowlad iyo maamul loo dhan yahay ee ka af-laxa soomaaliya aan u qabana waa mid aan dhammaan, colaadaha, qaxa iyo bur-burka dalkeyga la haray na waa mid qaddar Allah ku dhacay.

Waxaan ku raja weynahay in aan mar uun arko, gayigeenna oo nabad ah, kama quusanayo naxariista Eebe weyne, intaas ba aniga oo hadda ku sugan ama aaminsan  ayaan la joogaa dal shisheeye!

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.