Diinta iyo Qabyaaladda. W/Q: Faysal Xuseen

 
Diinta iyo Qabyaaladda.
 
Qofku in uu reer ku faano waxa keenaya shaqsiga oo bulshada iska dhex waaya, habnolaleedkeenna bulsho is waaga shaqsiga ah ayaa ku badan. Dhaqan ahaan guriga soomaaliga ah ilmaha yari iskama dhex arko, bulsha ahaanna “Qof” ma jiro. Qaanuun ahaan ruuxu marka uu qaangaadho ayuu noqdaa qof masuul ah oo cid walba ka madaxbannaan, xitaa waalidkii. Soomaaliguse sidaa waa uu ka duwanyahay, isaga oo soddon jir ah hadduu qalad sameeyo waxa la yiraahdaa “aabbahaa noo keen ama qof kaa masuul ah.” Qofku marka uu masuul noqdo ee masuuliyadda naftiisa qaaddo waxa uu ka xoroobaa nooc walba oo addoonsi ah oo ay ugu horrayso in uu reer ama koox addoon u noqdo oo ay iska yeeshaan oo uu iyaga ku go’aan qaato.
 
Diinta islaamku waxa ay ku dhisantahay tiirka wadajirka iyo ummadnimada, waxa ayna ka soo horjeeddaa kooxaysiga iyo kala tagsanaanta. Dhanka lale dhaqanka soomaaliga ah waxaa bud-dhig u ah Reernimada iyo kala qobqobnaanta bulshada, waa dhaqan ka fog dowladnimada iyo wax wada lahaanshaha, labadaa oo ah waxa ummadaha mideeya. Dhaqankeenna reernimada ku dhisan waxaa ku biiray diintii oo iyana kooxo ah, kooxo u qaabaysan sida reeraha soomaalida oo col iyo cadow isu ah. Halkaa waxaa ka soo baxay dhaqankii qabaliga ahaa iyo diintii kooxaha laga dhigay oo meelo badan iska yeeshay ka dibna isku dhex qasmay oo dan wadaag noqday.
 
Maanta koox walba oo diineed waxa ay ku xoog badantahay halka horjoogayaasha kooxdaa reerkoodu degganyahay ama reeraha deegaanka oo dantooda ka dhex arka koox diimeedka sidaana ugu oggalaada in ay kooxdu deegaankeeda ka shaqayso ama degto. Waxaa tusaale ah dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Alshabaab, Shabaab deegaanno badan oo ay maanta joogaan Beelaha deggan ayaa dantooda sidaa u arkay, maalinka danta Beeluhu is badalaan waxaa dhacda in Shabaab deegaankaa isaga baxdo ama Beesha deegaanka dagaal dhexmaro. Waa sababtaa ta marar badan loo maqlo Alshabaab iyo Beel dagaal dhex maray. Sidoo kale urur diimeed kasta oo dalka ka jira Beel ayaa u badan, Beeshaa cid aan ahaynna ma qaban karto hoggaanka ururka.
 
Diintu waa halka qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta looga bixi karo, waxa ayna ahayd dariiqa ugu dhawaa ee beelaha soomaalida ee kala tagsan lagu midayn karay, badowdii carbeed diinta ayaa ilbax ka dhigtay oo hoggaamiyayaal ummadeed ka soo saartay, badownimada carab haysay waxa ugu weynayd qabyaaladda. Ma jirto jaahilnimo ka weyn reernimada, iyo isu kala gurka isirka. Bulsho bodow ah oo aan reero u qaybsanayn in ay midowdo oo ilbax noqoto waa ay fududdahay, bulsho aan badow ahayn balse reero u kala fadhida in ay ilbaxnimo iyo dowladnimo u banbaxdo waa ay adagtahay. Diintu waa halka badownimada looga baxi karo ee bulshada wax weyn oo mideeya ku jihayn karta, innagase diintu badownimadii iyo kala tagsanaantii ayay qayb ka noqotay oo qabyaaladdii la doonayay in ay innaga saarto ayay sii xoojisay, sababtoo ah, wadaaddadii diinta ee midnimada iyo ilbaxnimada laga sugayay ayaa noqday bodow qabyaaladdu quluubtooda ku weyntahay oo shirarka reeraha iyo halka bulshada lagu kala qaybinayo horboodayaal ka noqday.
 
Maanta, Diinta iyo Qabiilka waa labada wax ee ay soomaalidu si weyn u rumaysantahay. Ma jiro mid labadaa soo seddaxeeya oo ay sidaa u aaminsantahay, waa laba isku maran oo aan kala harin soomaalida agteeda, isku marnaanta labadaasi waa mid ka mid ah sababaha ay qabyaaladdu ugu sii ballaaranayso quluubta soomaalida. Haddaad diinta raadcayso waxa aad ugu tagaysaa golayaasha qabyaaladda iyo guriga ugaaska, haddaad qabiilka doondoontana waxa aad ka helaysaa majlisyada wadaaddada iyo masaajidda. Waxa lagu doodi karaa in qofka soomaaliga ah qabyaaladda uu ka xoroobo marka uu diinta ka baxo ee uu mulxid noqdo ama diin kale qaato, sababtoo ah labadaasi soomaalida god kaliya ayay ka wada duulaan. Qofku markuu diinta ka baxo ayuu reerkana ka baxaa ama laga saaraa, sidaa darteed ma jirto meel soomaalinimo ka hoosaysa oo uu u sii daadago.
 
Taariikhda waddaniyadda soomaalida dadkii figta sare ku jiray ayay ka mid ahaayeen Soomaalida aan muslimka ahayn ee halgankii gobannimada ka soo qayb qaatay. Sidoo kale casrigii waddaniyadda soomaalidu cirka maraysay ma ay jirin Diin kooxo ah iyo wadaaddo diimeed oo reero ah sida maanta jirta. Soomaalida hadda joogta ee aan islaamka ahayn iyana waxaa la dhihi karaa ilaa xad waa ay ka waddanisanyihiin soomaalida kale. Cilmaaniga marka la barbardhigo wadaadka wahaabiga ah daljacaylka iyo waddaniyaddu dhanka cilmaaniga ayuu ku badanyahay, halka dhanka wadaadka tacasubka kooxda iyo reerka ka hormariyo dalka. Dadkaa wax badan oo bulshadeena ka qaldan waa laga la doodi kartaa, taa oo ay adagtahay in aad kala dooddo soomaaliga koox diimeedka iyo reerka ku tiirsan, sababtoo ah waa laba arrimood oo agtiisa muqaddas ka ah maadaama aanay jirin wax kale oo weyn oo uu rumaysanyahay. Tan macnaheedu ma aha in aan ammaanayo soomaalida diinta ka baxday ama aan dafirayo in la heli karo soomaali diintiisa iyo dalkiisa jecel oo aan sawirkaa weyn sawirro yar yar uga sokeyn. 
 
Dunida ma jirto ummad aan reero ahayn iyo qof aan qabiil ka dhalan oo aan qaraabo lahayn, waxaase jira wax reernimada ka weyn oo dadka ka dhaxeeye oo ah Qarannimo. Aqoonta iyo ilbaxnimada aadanaha waa ku ceeb qof weyn oo reernimo ku faana in la arko, iska daa wadaad diimeed oo reernimo la soo shirtagee. Innagana reernimo ku faanku waa ilbaxnimo iyo diin.
 
Mushkiladda maanta soomaalida haysata ee ay la kici la dahay waxaa ugu weyn qabyaaladda, taa weynu isla ogalnahay. Haddaba, halka ugu dhow ee ummad ahaan looga bixi karay waxa ay ahayd Diinta, maadaama soomaalidu tahay ummad Diinta aad u jecel. Nasiibdarro, raggii diintu waxay diintii la dhex dageen reerahii la rabay in ay burburiyaan, waxa ayna qayb ka noqdeen wixii la rabay in aanay qayb ka noqon. Maanta ma jiro wadaad reerkiisa xumaanta ka reebi kara, taa badalkeeda waxaa la soo helayaa wadaad xumaanta reerka diinta qiil uga raadiya oo masaajidka ka difaaca.
Sidaa daraaddeed, waa in wadaadka iyo reerka la kala saaraa, waa in la helo wadaad aan reerka u tirsanayn ee bulshada u tirsan, wadaad waddani ah oo weerar ku qaada xumaanta reerka, wadaad reerka qabyaaladda ka soo kaxeen kara oo qarannimo ugu yeeri kara. Hadduu wadaadku sidan uu maanta reerka u hoos fadhiyo sii ahaado, ama jiilka Diinta u soo kacaya ay waddada macallinkooda raacaan waa ay adkaan doontaa in mushkiladda weyn ee mujtamaceenna la hartay la xalliyo. Qabyaalad iyo diin wada fadhiya in laga guulaysto oo wax wada lahaansho iyo dowladnimo loo baxo iyana waa arrin aan fududayn.
 
 
Faisal Hussein.
 
 
 
 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.