DILAAGA AAMUSAN [DHIIG-KARKA] W/D; Health officer: Maxmed Cali Axmed

DILAAGA AAMUSAN  [DHIIG-KARKA]

 

MAXAAD KA TAQAANNAA CUDURKA DILAAGA AAMUSAN { KILLER SILIENT}

 

Sharaxa Dhiig-Karka:

 

Waddankan Ingriiska (U.K) waxa lagu qiyaasay in uu sedexdii qoba hal qof uu hayo cudurka loo yaqaanno DHIIG-KARKA. Ururka U.K Blood Pressure Association (BPA) waxa uu ku qiyaasay in uu cudurkani ku dhaco dad ku dhow ilaa 16 Mallyuun oo ah daka da’doodu ay ka weyntahay 30 jir, oo weliba intooda badan aysan ogeyn.

Cudurka DHIIG-KARKA waxa hadda loo yaqaannaa “The Silent Killer”. Waayoo waxaa inta badan uu dadka ugu soo boodaa si kadis ah, wax astaamo ah oo lagu gartana  malaha, ilaa qofku gaaro xaalad xun mooyee. In kastoo dhimashada la xiriira DHIIG-KARKA lagu qiyaaso ilaa SADDAX KUN sanadkii. Haddana waxa kaloo uu sababaa cudurada la xiriira wadne xanuunka oo ay dhimashadooda dhakhtarradu ku qiyaaseen ilaa boqolkun oo qof sanadkii.

 

Waa maxay DHIIG-KARKA?

DHIIG-KARKU (Blood Pressure) asalkiisu waa quwadda (amaba pressure ka) ka dhexdhacda xididada dhiigga qaada, marka uu Wadnuhu dhiigga ku tuuro jirka intiisa kale.  Waa Bereesharka ama quwadda uu Wadnuhu xiddidada ugu cadaadiyo dhiigga si uu u gaarsiiyo jirka oo dhan.

 

Waa maxay astaamaha Dhiig-Karku ?

Sidii aynu horeba u soo sheegnay cudurka DHIIG-KARKA waxa loo yaqaannaa “The Silent Killer” (DILAAGA AAMUSAN!) tani waxa ay ka dhigan tahay in uu yahay xanuun aan astaan lahayn. Haddaba arriinta ugu muhiimsan ee ay Dhakhtarradu ina farayaan waa muhiimadda ay leedahay DHIIG CABBIRKU. Waayo sida badanaaba dhacda waxa laga yaabaa in aanu qofku ogaan in uu DHIIG-KARKA qabo ilaa xanuunku soo rito oo uu dhib weynna uu geysto mooyee. Sidaa daraaddeed waxa aad u mihiima ah in qofkii ka weyn 30 jir amaba ka mid ah dadka halista u ah in uu DHIIG-KARKA ku dhaco ay had iyo jeer Dhiiggooda cabbiraan.

 

DHIIG-KARKA aadka u daran calaamadaha uu keeno waxa ka mida:

· Madax xanuun badan

· Hurdo badan

· Dawakhaad

· Iyo Kooma

 

QAYBAHA DHIIG-KARKA EE DADKA KA WEYN 18 SANO

Qaybaha

DHIIG-KARKA

Numberka hore,

ee loo yaqaan

(Systolic)

Numberka hoose ee

Loo yaqaan (Diastolic)

Normal (Caadi) Wixii ka hooseeya 120 Wixii ka hooseeya 80
DHIIG-KARKAyar 120-139 80-89
DHIIG-KARKA    
Xaalada 1 140-159 90-99
Xaalada 2 160 ama ka badan 100 ama ka badan
     

 

Cadaadiska Dhiigga waxa lagu qiyaasaa labo tiro. Cadaadiska Dhiiggu ee loo baahan yahay waa 120/80mmHg.

ü  Tirada hore ee (120) waa heerka ugu sarreeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu soo ururo ee uu garaacayo si uu dibadda ugu saaro Dhiigga oo jirka u gaarsiiyo. (Systolic blood pressure)

ü  Tirada labaad ee (80) waa heerka ugu hooseeya ee cadaadiska Halbowleyaasha marka Wadnuhu is debciyo, si Dhiiggu u soo galo Wadnaha. (Diastolic blood pressure)

Heerka caadiga ah ee cadaadiska Dhiigga marka la cabbiro halbeeggu akhriyaa

waa 120/80mmHg.

Haddaba waxa la dhihi karaa qofku waxa uu DHIIG-KARKA qabaa marka uu qiyaasta “Qquwadda” Dhiiggiisu ay ka badan tahay 120/80mmHg (millimeters of mercury).

Haddii aad ka weyn tahay da’da 30 jir ama aadan xusuusan karin markii u dambaysay ee aad iska baarto DHIIG-KARKA, waxaad ka mid noqon kartaa16 Malyuun ee DHIIG-KARKA qaba. Dhakhtarradu waxay caadiyan isctimaalaan kalmadda “hypertension” oo ay ku fasireen xaalad sababi karta in qofku muddo sanado badan wax xanuun ah dareemin laakin keeni karta jah wereer qawaacid ah oo ay kamid yihiin Wadna xanuun iyo Daal fara badan.

 

Yaa halis u ah Dhiig Karka?

 

Dhakhaatiirtu waxa ay badanaa yiraahdaan mar kasta oo ay qofka da’diisu sii korayso waxayu horseedi karta inuu ku dhaco DHIIG-KARKA. Laakiin waxa ay u badan tahay in aad DHIIG-KARKA  yeelato haddii:

  • Hiddo aad u leedahay (Waa haddii Waalidkaa, Waalidkii, iyo Walaaladaa qabaan ama qabeen DHIIG-KARKA)
  • Jinsiyaddaadu hadday ka soo jeeddo (Afrikaan)
  • Aad Cudurka Macaanka ama Sokorowga  qabtid
  • Uu miisaan kaagu aad u culus yahay
  • Aanad caadiyan samayn jimicsi ama aanad firfircoonayn
  • Aad Sigaar cabtid

 

Sidee loo baaraa DHIIG-KARKA?

 

Haddii aad rabto caawimo, warbixinno wacan ayaa jira. DHIIG-KARKA si fudud ayaa loo baari karaa. Dhakhtarka ama meel xarun caafimaad ayaa cabbiri kara Dhiigga si dhakhso ah oon xanuun lahayn. Haddii cabbirku ka sarreeyo intii caadiga ahayd waxaa cabbirka lagu celin doonaa mar kale ilaa saddex ama afar jeer, si loo hubiyo in cabbirkii u horreeyay wax is bedel ah lagu arkay iyo in kale.

 

Sidee Loo daweeyaa DHIIG-KARKA?

 

Haddii lagaa helo DHIIG-KARKA waxaa laga yaabaa inaad ka mid noqotid dad aad u badan oo aan u baahnayn wax daaweyn ah in muddo ah. Waxa DHIIG-KARKA lagu maalmuli karaa is bedel dhinaca noloshaaada ah.

Sida in aad cunto fiican cunto, jimicsi samaysid amaba aad firfircoonaatid, culayska iska ridid ama yaraysid lana socotid caafimaadkaaga. Haddii loo baahdo daaweyn, waxaa jira daawooyin badan oo waxtar leh oo loo qaato kiniin ahaan caadi ahaan hal xabbo maalintii.

 

Maxaan samayn karaa si aan iskaga ilaaliyo (amaba u maamulo khatarta) DHIIG-KARKA haddii la iga helo?

Qof kasta oo qaan gaar ha ama kor u dhaafa da’da dhexe waa in uu yaqaanna qiyaasta dhererkiisa, culayskiisa, cadaadiska Dhiigga iyo heerka dufanka Dhiiggiisa (cholesterol level).

Waxa aad iskaga ilaalin kartaa amaba u maamuli kartaa DHIIG-KARKA adigoo wax ka badela hab nololeedkaaga

  • Jooji cabitaanka Sigaarka
  • Hoos u dhin miisaankaaga
  • Jimicsi samee si joogto ah
  • Cun cunto kala duwan oo dheelli tiran
  • Hoos u dhig isteraskaaga “Buufis” adigoo iska ilaalinaya xaaladaha keenaya.

Isbedelladan haddii aad samayso waxa ay hoos u dhigayaan cadaadiska Dhiiggaaga. Waxa kale oo ay yareynayaan khatarta qaadintaanka DHIIG-KARKA.

Si guud marka loo eego, qofka uu si joogta ah uga sarreeyo Heerka tirade sare ee cadaadiska dhiigga (systolic pressure) 160 mmHg  ka hoosena (diastolic pressure) uu ka sarreeyo 100mmHg  waxa uu u baahan yahay daweyn hoos u dhigta heerka cadaadiska Dhiiga.

Dadka iyaguna in yar uu ka hooseeyo cadaadiska dhiiggoodu (140-159mmHg ka sare (systolic) ama 90-99mmHg ka hoose (diastolic) iyaguna waxa ay u baahan yihii daweyn haddii ay Khatar ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuunnada faaliga (stroke) Laab Xanuun (angina chest pain).

Haddii DHIIG-KARKAagu u baahan yahay daweyn, waa in aad si joogto ah ula xiriirtaa Dhaqtarka, aadna qaadataa dawooyinka uu kuu qoro.
Health officer: Maxmed Cali Axmed

Khartoum, Sudan
Wixii su’aalo iyo talo weydiin ah ku soo hagaahi:

Cali_640@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN