DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 3aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

the hidden killer

 

 

SHEEKO (DILAAGII QARSOONAA!)

 

QAYBTII 3AAD

 

Waxaanu ku wada noolayn Nolol wanaagsan Allana wuxuu inagu mannaystay Awlaad ka kooban sadex Wiil, dhaqaala nagu filan waanu wada haysaynay, waxaanu wada ahayn Lamaane aad isku jecel oo mar walba talada ka dhaxaysa Qof walbana kan kale qadarin u hayay.

Wax sidaa la ahaadaba wuxuu go’aansaday in uu booqdo Waddankii oo Magaalada Muqdisho dib ugu laabto isaga oo booqanayay Abtigiis oo ahaa Ninka isaga soo korsaday oo markaa xanuunsanaa wuxuuna iga codsaday in aan Ilmaha iyo aniga wada raacno, hal marna aan meesha u wada tagno sida Qoys ahaan.

Waxaa igu jiray Riyo dhamaystir iiga baahnayd oo ahayd sidii aan Gurigeena gacanta ugu soo dhigi lahaa maadaama aan helay Nin u dhashay Dadka Magaalada isagana uu gacan iga siiyo, taas oo aan u sharaxay, wuuna iga aqbalay runtii si wanaagsan ayuuna iila hadlay, isaga oo igu dhahayay waad ogtahay in aanan la socon Xaaladda Waddanka muddo bandanna aan ka maqnaa, balse, waan eegayaa xaaladda waxa aan ka qaban karo ee aan wada tagno marka hore kadib ayaan eegaynaa meesha ugu fudud ee aan ka bilaabi karno howsha.

Sidii ayaan ku aadnay Magaalada Muqdisho kuna booqanay Abtigiis oo xanuunsanaa, masha Allah, abtiga wuxuu ahaa Nin wanaagsan, Imaam  Masjid ka aqriya kitaabada oo dadka dhan ay wad jeclaayeen, sidii ayaan ku bartay Reerka ninkayga, balse waa dhinaca Abtiyaashiis.

Si wanaagsan ayaa Magaalada naloogu soo dhaweeyay oo maba dareemin in aan Magaalada marti ku nahay waana jeclaysanay inta aan joognay magaalada Muqdisho.

Ninkayga oo Magaalada ka maqnaa ku dhawaad 30 Sano ayaa wuxuu bilaabay in uu dib bal u raadiyo ilmihii Aabihii dhalay oo uu ku ogaa in aysan Dad wanaagsan ahayn, waan u sheegay runtii oo waxaan ku iri “Dad wanaagsan haddii aysan ahayn maad naga dayside in ay dhib noo gaystaan ayaa suura gal ah”.

Balse wuu iga diiday oo wuxuu ku adkaystay wax walba oo ay yihin in uu doonayo aragooda, maadaama ay dadkiisa yihin xumaantoodana aysan noqon Karin mid meesha ka saarta in ay yihin Qoys wada jira, uuna sii doonayo bal haddii uu u naseexayn karo in uu u naseexeeyo wixii uu u qaban karana uu u qabto.

Wuxuu ka waraystay xaalkooda Abtigiis, abtigiina wuxuu muujiyay in uusan ku faraxsanayn in wax laga su’aalo dadkaas, balse isaga oo qadarinaya ayuu ku yiri “wiilkaygow dadkaas nasiibka ayaa idin hilibeeyay, balse, uma qalmaan in aad hilibowdaan, ee waxaan ku oran lahaa iska dhaaf waxba ha booqan dhibka kaaga imaan karo ayaa badan, Dadka Beledkan dagan iimaanka ayaa ka wada dhamaaday waana Dad xumaanta uga fududahay wanaaga, ayaantana wax fiican lama sheegayn oo Dadkii isla dhashay ayaa is af duubanaya, marka waxaan ku oran lahaa fadlan wax lug ah ha ku yeelan Dadkaas”.

Xamiid oo ahaa ninkayga isla markiiba talada Abti ma yeelin oo wuxu yiri “abti waa walaalahay waxaan doonayaa in aan arko u jeeddo kale kama lihi, magaaladan maadaama aan imidna, Ceeb ayay ii tahay in aan ka laabto aniga oo arkin xaalkooda.

Abti marka uu arkay in Xamiid uusan hakanayn ayuu ku dary Wiil uu dhalay oo ku yiri “bal gee meesha ay dagan yihin hasoo arkee, wuxuuna sii raacshay waxaa igu maqaala ah Cidda aad u socotid Guriga ay dagan yihiin in uu yahay mid Xaaraan ah oo laga dishay Nin wanaagsan oo Masjidka ka qidmayn jiray.

Isla markiiba waxaa I galay tuhun ah in ninkaa u noqon karo Aabahay, waxaana go’aansaday in maalinta uu baxayo Xamiid aan raaco oo soo arko Guriga ay dagan yihiin ciddaas, balse Cid ogayd sirtayda ma jrin oo waxaan ninkayga ula socday sidii Xaaskiisa oo war moog ah.

Sidii ayaa nalagu kaxeeyay aniga iyo ninkayga oo nalagu geeyay Guriga dadkiisa ay daganaayeen, mise waaba gurigeena oo markii  xaafadda la sii galayay ayaan dareemay in xaalku uusan wanaagsanayn, hadana waxaan isku qanciyay in sida aan filayo ay xaaladda ka badalnaan karto, balse, ma noqon oo gurigii aan ku dhashay ayaan dalaq niri sida aan u sii soconay!

Mar qura ayaan illin is cilin waayay, balse, waxaan goostay in aan is qariyo oo aan si fiican wax u hubsado waana ogaa in dhibkii aan is lahaa ka zuuli noloshaada uu markan dib iigu soo laabtay, waliba isaga oo ka saamayn badan sidii hore.

Markii aan Guriga wada galanay si wacan ayaa naloo soo dhaweeyay waxaana kursi naloo dhigay Geedkii aan harsan jirnay anaga, habeenkiina ku fiidsan jirnay, illin ayaa iga qubanaysay taas oo ka yaabisay ninkayga, waxaana ugu sharaxay sababta aan la oynayo in ay tahay xaaladda ciddiisa iyo isaga, iyo farqiga u dhaxeeyo, gabadhaha walaalhiis ah sida ay uga madax banaan yihin ama khabar moog uga yihiin arrinta kala geeysay isaga iyo Aabihiis.

Laakin xaalka aniga I haysta wuu ka duwanaa midkaas oo waxaan ka fakarayay xaaladddayda inta aan Dunida ku noolahay, shalay hadduu ahaa dhibkayga mid ku koobnaa aargudashada Aabahey iyo Guri nalaga haystay, maanta waa mid ka duwan sidaa, waana Xaqiiq la doonayo in aan la noolaado inta noloshayda ka dhiman, dhibaato xoog leh ayaa isoo food saartay taas oo aan iska waydiiyay Su’aalo badan runtii oo aan jawaabo u waayay, mar haddaan dilay Dilaagii Aabahay maanta Allah wuxuu qaddaray in aan koriyo Ilmo isaga dheecaankiisa ah oo uu wiilkiisa dhalay anigana la igu beeray, Murugo aad u xoog badan ayaan kala soo laabtay meeshaa, waxaana go’aansaday in aan Magaalada Muqdisho si dhaqsa ah uga soo laabto taas oo oo uu la yaabay xitaa ninkayga sababta kaliftay. balse uu iga aqbalay in uu ila soo laabto markii uu ogaaday in ay iga go’nayd in aan baxo xitaa hadduu isaga naga dambaynayo.

Waxaan kusoo laabtay Waddanki aan daganaa ee Holand, naftayda oo dhan ayaa is badashay, dabeecaddayda oo dhan ayaa is badashay, waxaan Cadow u arkay ninkayga, waxaa bilaabatay riyooyin badan oo aan wanaagsanayn in aan dib ugu riyoodo, waxaan waayay shaqsiyaddayda oo dhan, waxaana go’aansaday in aan ka tago Ilmaha iyo Aabahood oo aan nasiino u aado xagaa iyo Hooyo iyo Gabar walaashey ah oo isla Waddanka dhinac uga noolaa.

Xaalad cakiran ayaan galay, waxaa jirto Sirar badan oo igu qaas ah oo xitaa hooyadey aysan ka war qabin, ninkaygana uusan ka war qabin aniga mooyee cid kalana aysan ogayn, taas oo qayb ka ah dhibaatada I daashatay ee sababtay in aan ku harsan waayo Guriga aan leeyahay, kaliftayna in aan ninkayga naco marka aan sidaa u eego.

la soco qaybta 4aad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN