DOGOB IYO DAHAB | W.Q: IBRAAHIN-NOLOSHA

DOGOB IYO DAHAB

Waxaa jirey boqor u talinayey dad magaalo ku wada noolaa oo isugu jiray hodan iyo sabool. Boqorkii baa maalin go’aansaday in uu tijaabiyo dadkii magaalada. Dhagax aad u weyn ayuu dhigey waddada dhexdeeda, wuxuuna isku qariyey meel aan dhagaxii ka fogeyn, si uu u arko, in uu jiro qof dhagaxaas waddada ka leexiya iyo in kale.

Ugu horreynba, waxaa waddadii soo maray rag ladan oo sheekeysanaya. Markii ay dhagaxii soo gaareen bey billaabeen in ay dhaleeceeyaan boqorka, iyagoo ku eedeynaya in uusan waddooyinka waxba ka qaban, weyna sii gudbeen.

Cabbaar ka dib, waxaa waddada soo maray nin beeraley ah oo gurigiisa u socda. Wuxuu gacmaha ku sidaa dalag ay reerku quudan lahaayeen. Markuu arkay dhagaxii weynaa ee waddada dhexyaallay, ayuu raashiinkii meel dhigtay, ka dibna billaabay in uu waddada dhinac uga leexiyo dhagaxan, ugu dambeyntiina waa uu ku guuleystay.

Isagoo dalaggiisii uruursanaya oo raba in uu guriga aado, ayaa wuxuu arkay boorso la soo dhigay halkii uu dhagaxa ka qaaday. Markuu furay buu arkay shilimaad dahab ah oo boorsada ka buuxa iyo warqad boqorku qoray oo ku dhex jirta. Warqaddu waxay u qorneyd sidan: “Shilimaadkan adiga ayaa abaalmarin ku muteystay. Waadna ku mahadsan tahay sida aad dadaalka badan iyo waqtiga ugu bixisay dhagaxan weyn ee aad waddada ka leexisay, dadka kale ee ku safri doonana aad ugu sahashay in ay maraan.”

Duluc:

Caqabad kasta waxa ay leedahay fursad dahabi ah oo ay tahay in laga faa’ideysto. Haddii aad iska caabbiso duruufaha adag ee ku soo foodsaara, waxaad gaari doontaa meel ka wanaagsan halkii aad markii hore joogtay.

Marka la eego danta guud iyo in si iskaa ah wax loo qabsadana, dadka saboolka ah ayaa badanaa ka firfircoon dadka hodanka ah.

Xigasho: Develop Good Habits
Turjume: Ibraahin-Nolosha

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN