Doob gaamuray! Q3AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob Gaamuray.

Guuleed, oo aad iyo aad uga naxay eraygii kululaa ee Gobaad ka soo yeeray ee canaanta u muuqday, ayaa markiiba la soo booday “Gacaliso is deji, Doobnimo waa halise, miyaan dow habaabay?”

Gobaad oo Guuleed dhankiisa soo eegeysa, kana careysan garab taabashadii uu ku sameeyay, ayaa si kulul u tiri “Durduro geel baa ku jaba, ee deggani u saan qaad, Dow dhaafku ma wanaagsanee”

Guuleed, oo hoos u hunduda ul uu sitayna dhulka ku sii xarxariiqayay, ayaa garowsaday canaanta Gobaad, wuxuuna mar kale si raalli gelin ahayd u yiri “Walaal macaan, Deelqaaf iyo xumaan, haw qaadan dooddayda, taabashadu damac ma ahayne”

Gobaad oo ka shakisay hab dhaqanka iyo gacan togaalaynta Guuleed, isla markaana kala hubsanaysa, guur iyo gaabsi, midka uu ku hammiyayo, ayaa intey gacanta dhabanka saaratay xaggiisana u soo jeesatay weydiisay, su’aal ahayd “Walaal adigoon is daalin, muxuu damacaagu yahay?”

Guuleed oo indho jacayl ay ka muuqdaan, cod gaaban oo miskiinnimo ahna ku gunuunucaya, ayaa isaga oo yara baqaya, jawaabtiisu, waxa ay noqotay “Waxan kaa dalbayaa walaal, jacayl diidmo la’aaneed”.

“Walaal kuma diiddani runtii, diyaarna kuu ma ahi dhabtii” ayey Gobaad war celinteeda ku soo gaabisay, iyada oo aan haa iyo maya midna oran, qalbigeedase waa laga dhex guuxayay!

Guuleed oo bareerihiisa dhabta aha soo bandhigayay, ayaa si codsi ahayd Gobaad ugu yiri “Walaal guur doon baan ahay, dookhuna adiguu ku raacay”

Gobaad, oo weli is yara adkayneysa, dareenka kalgacalna uusan ka maqnayn, ayaa mar kale, si deggan oo qabow u tiri “Degdegsiinyo door ma dhashee, doogta hadalka aan maalno”

Guuleed iyo Gobaad marba marka ka sii danbeysa, waxaa u soo if baxayay farxad iyo isku kalsooni qab is af garasho u muuqatay, waxayna billaabeen in ay si daran doorri ah hadalka iyo doodaha isu dhaafsadaan, Guuleed baana isu talalantallintiisa ku billaabay:-

Nin door baan ahaye gacalo,

deyrada maad iga deysid.

Gobaad:-

Darmaan baan ahaye boowe,

majaraha yaanu kaa debcin.

Guuleed:-

Haddaadan i diideyn gacalo,

arrinta aynu dededejinno.

 Gobaad:-

Walaal duunya maahi anigu,

dariiqna leyga ma helo.

 Guuleed:-

Ma dareensani dhab ahaan,

dulucda ujeeddadaada?.

Gobaad:-

Ogow gacaliye dadbey dhalay,

ducana waan u baahnahay.

Guuleed:-

diyaar baan ahaye xageen,

 gacalo diiradda saaraa?.

Gobaad:-

Damiirku ha ku faro walaal,

inaad doonis un sameyso.

Guuleed:-

Guurti baan soo dirayaaye,

Reerku haw diyaar garoobo.

Gobaad:-

Dabku wuu shidanyee,

ha ka daalin wanaagga.

Guuleed:-

Yaanay demin bidhaanta,

Ileyska aynu daarnay.

Gobaad:-

Dadku wuu is dugsadaaye,

xurma darro yaanay imaan.

Guuleed:-

Dardaaran saxan weeye.

Gobaad:-

Caqligu taa ha dareemo .

Guuleed:-

Dadaal baad igu ogtahay.

Gobaad:-

Adiga iyo dadnimadaa!!!.

Guuleed iyo Gobaad oo aad moodeyso iney talo wadaag iyo is af garasho isla gaareen, ayaa wada sheekeysigoodii ku soo af xiray “Inaan waalidka laga tallaabsan isla markaana lagu tixgeliyo oo loo la xiriiro sida uu yahay dhaqanka suubban ee soo jireenka ah”

Waa yahay iyo waa yahay, hadal wanaag iyo hawraarsan, ayey lammaanuhu si qalbi furnaan ah  haasaawahoodii ugu soo gaba gebeeyeen. Sidaa ayaa inoo ballan ah, nabadeey iyo nabadeey, gacan haatin sagootis ah iyo dhoolla caddayn, beyna isku  sii mac salaameeyeen.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen

SHEEKOOYIN