Doob gaamuray! Q9AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q9AAD

Xilligu waa xilli duhurnimo ah oo ay qorraxdu aad u kululayd dadka iyo duunyaduna ay harraad asqa ah wada dareemayeen, waxayse dadka degaanku u wada aroorayeen ama ay wada hiigsanayeen gaaritaanka balliga lagu magacaabo “Oongooye” oo in yar oo biyo miid lidiq ah oo ajowdey  ay ku harsanaayeen.

Qoyska reer Haybe Warfaa  oo iyaguna ay saameysay biyo la’aanta jirta, ayaa is weydiiyay “Cidda  dhaanka ama aroorka guriga u gacan bannaan ee ay reerku galka biyaha u dirsan lahaayeen”.

Gobaad Haybe, oo beryahanba howlgab iska ahayd oo guri joogto laga dhigay kuna talameysa, sidii ay mar uun dibadda ugu bixi lahayd Guuleedna ay ugu sheegi lahayd waxyaabaha halkan ka dhacay, in aysan iyadu wax raad ah ku lahayn laguna qasbayo guurka Mahad-dheere, ayaa si hoose hooyadeed Xaadsan ugu tiri “Hooyo macaan haddii ay howluhu idin ku badan yihiin, anaa si dhaqsa ah balliga uga soo arooraya ee aabbe ka dhaadhici taasi, haddii uu kaa oggolaanayo”.

Hooyo Xaadsan oo warka gabadheeda garowsatay xoog xumada heysatana ka calaacaleysa, ayaa seygeeda ku tiri “War heedhe Hayboow waad arkeysaa waxa howsha guriga iga heysta ee Gobaad u dir biya dhaaminta balliga ha ina soo oon tirtee, illeyn biyo ma heysanno sidaan nahayna  caad kaama saarna oo adiguba  ma moogid.

Oday Haybe Warfaa, intuu yara dhoolla caddeeyay buu afadiisa ku yiri “Xaadasaneey waa runtaa oo waan ujeedaa xoog xumada idin heysa oo anba geeda jaris iyo adkaynta moorada xoolaha, soo xaraynta geela iyo maaliddiisa oo aanan wehel u heysan baan keligeey ku ahay, tan kale ee sow ma ogid?, Gobaad in ay noqotay rag xilihii oo aanan doonayn in ay dibadaha meer meerto anna ay magac xumo iga soo gaarto”

Hooyo Xaadsan, intey hadalkaasi ka yara xanaaqday bay seygeeda ku tiri “War ninyahow, anigu gabadhayda ninka guursanaya marka uu iga kaxaysto oo uu guri gaysto, ayuu u madax bannaan yahay, intase ay aniga i hoos joogto howsha gurigan taalla, ayey wax ka qabaneysaa ee gabadha biya dhaaminta iigu dir, illeyn waad ogtahoo Xaali gurigeedii bay aadday kaalmo kalana ma heystee”

Dood dheer ka dib, Gobaad, waxaa loo diray, in ay balliga biyo ka soo dhaamiso awrka hayinka ahna haamaha dul saarato. Gobaad oo adeegsigaasi danteeda ka dhex arkaysay baa durba ku dhaqaaqday, in ay awrka hoggaankiisa qabato waddadana ku  dhacday.

Balliga oo in door ah degaanka u sii jiray, wuxuu ahaa meel ay xooluhu ka wada cabbaan dadkuna ay isugu yimaadaan, ha yeeshee Gobaad oo ay danteeda koowaad ahayd, in ay indhaha saarto Guuleed oo ahaa lammaankeedii hore, ayaa dhexda ku sii aragtay summad ay garanayso oo ahayd tii ku xarriiqnayd geelii Guuleed, waxayna markiiba nafteeda u sheegtay “In uusan Guuleed agagaarahanba ka maqnayn”.

Guuleed iyo Gobaad indhaha, ayey qac isku siiyeen, Gobaad naxdin iyo filanwaa wada socdaa  wadne gariir ku riday, Guuleedse Gobaad aragtideeda dan iyo heelo ka ma uusan gelin oo dahnigiisa wuu ka jaray, howshiisa ayuu iska sii watay, iyaduna isaga dartii ayeyba u soo baxday  “Laba kala baridey kala war la ’a

La soco qaybaha dambe

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN