DOOB GAAMURAY W.D. Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

DOOB GAAMURAY

Bilic hor dhaceedkan yar, waxaan kaaga soo xoodaamiyay buugga la yiraahdo “DOOB GAAMURAY” oo aan filayo inuu dabayaaqada sannadkan idin soo gaari doono, sidaa darteed gabadha sheekadan jileysa oo ah gabar aad u qurux badan magaceeduna uu yahay “MAANDEEQ” bal meel iigu tilmaama haddii ay jirto mid ka sii qurux badan si aan magaceeda ugu beddelo.

Way, way, way!, quruxdeedu waa asal u dhalasha ah oo la yaab iyo amakaag kugu rideysa, taas oo sida aan anigu qof ahaan aaminsanahay ah “Astaan ifka horyaal u ah indhuhuna ay ku doogsadaan!”.

Waxay ahayd, gabar aad iyo aad u weji furan oo farxaddeeda ku muujisa dhoolla caddeyn yar inta badanna qosolkeeda dhag dhagta ahi aan meel fog laga maqlin, balse dhoosha midig uun ka muusoota. Waa dherer meel dhexaadley lixaadka u dhalatay midabkeeduna uu yahay maarriin dhalaal xigeen ah oo u muuqaalka uga eg midabka mas ciideedka.

Waa guud haldhaaley sida gorayga u saan qaadda timo dhabarka sii dhaafay oo baar madow ahna leh. Waa indha Deeraleey daacadnimada dulqaad iyo dabeecadsami ku sii darsatay. Waa sunniyaal Baciidleey uu sanqaroorka ladaabsan yahay xirribuhuna ay sunniyaha kor u soo eegayaan. Waa ilko waxaraley uu cirridku dhuxul madow yahay, Bushimaheeduna aad mooddo in la qorqoray!

Waa luqon cabbaaryaley ay gaaddadu il qabad tahay gacmuhuna ay garaaryo u weheliyaan. Waa xiddigad dhool ah oo aad u dhilan dhexduna ay madag tahay. Waa Geenyo gacmaha iyo kubabkuba ku leh xaad dahabi ah oo aad u dhalaaleysa.

Waa laafyo xarragaley, soo jeed iyo sii jeedba qaab socodka si deggan u miisaanta, tallaaba qaadistana si qunyar socodnimo ah oo heybad dhqaajin ah u hannaanisa.

Isku soo wada xooriyoo xag walba oo laga eegaba, Maandeeq, waa gabar uu Eebbahay ugu deeqay filsami guud iyo bilicsami ifeysa oo dhan walba ka dhammeystiran, sida ay tilmaamayaan astaamaheeda quruxeed ee ay hablaha asaaggeed ah dheer tahay.

Waa gabar muuqaalkeeda dumareed qofkii mar daawada aanay indhihiisu ka nibirsanayn eegmada dhow ee dareen laxaweedka leh iyo midda dheer ee jeedaala il qooraansiga ah, waana mid qofkii isha la sii raaca uu si ka helid iyo laab qaboojin ah uga dheehanayo mullaax macna leh iyo qurux asal ah, sida magaceedaba ka muuqata, taas oo ah “Qalbi dejiya, maanka deeqa!” balse aan ku soo koobi karo “Maandeeq”.

W.D. Barbaariye, Bashiir Cali Xuseen

SHEEKOOYIN