Dood aqooneed ku saabsan Far- soomaaliga

Dood aqooneed ku saabsan Far- soomaaliga

Maalinnimadii axadda ee ku beegnayd 05/06/2022 ayaa hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin soo abaabulay, dood aqooneed ku saabsan, hannaanka Far-soomaaliga oo halkudhigeedu ahaa “ Faalleynta Far-soomaaliga”

Far soomaaliga ayaa la hirgeliyey ammin laga joogo, kontomeeyo dabshid, teer iyo markii la ambaqaaday, guddigii iyo hawlwadeennadii hawshaas galay kaddib, ma aysan jirin cid wax ku dartay ama dib u dardargelisay. Waxaa dood aqooneedkan ka qayb galay,  hawlwadeenno ka mid ah bahda Laashin.

  1. Bashiir Cali Xuseen oo ah hoobal, barbaariye, qoraa, xog ogaal u ah dhigaalka iyo sooyaalka farta soomaaliga ahna, qoraaga dhiganaha Bidhaamiye  “ Qubaha Afka hooyo”  sidoo kale dhiganaha la magacbaxay Darajiyo xil yaa mudan.
  2. Nimco Nuur oo ah Bare wax dhiga dugsiyada waxbarashada ee dalka Finland, sidoo kale wax badan ka qortay far barashada iyo sheeko xariirada dhallaanka iyo dhiganaha Garoob iyo godob rageed.
  3. Cali Maxamed Diini, Aqoonyahan ku xeeldheer  aqoonbaarista iyo dabagalka arrimaha bulshada, dhaqanka iyo sooyaalka soomaaliyeed,  ahna qoraaga labada Buug ee kala ah, Xakame iyo Waayihii Warsame.
  4. Waxaa madashan habeenkii xidhiidhiye ka ahaa Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Barbaariye Bashiir Cali Xuseen ayaa si weyn u qaada dhigay, sooyaalka Far soomaaliga iyo waayihii kala gedisnaa uu soo maray, waxaa uuna farta ku fiiqay in ay jiraan qabyo qoraallo badan, balse, ay lagama maarmaan tahay in la helo awoodii iyo ciddii hirgelin lahayd hawshaasna si hufan u qaban lahayd,  waxaa uu tusaale u soo qaaday in Afka soomaaaligu uusan keliya ku koobnayn erayada ama shibanayaasha labanlaabmaa toddoba, balse guddigii farta qoray ay doorbideen iyagu in intaas lagu koobo, ayna tahay dood weli furan oo u baahan  si aqoonaysan oo wadar ogol ah wax looga qabto.

Marwo Nimco Nuur oo ah barbaariye  in badan  wax  baraysay ubadka soomaaliyeed ee dibadda ku dhashay ayaa soo bandhigtay, aragtiyo toolmoon oo ay ku boggaadisay Far qoraalka soomaaliga uuna kaga duwan yahay far qoraallada kale ee dalalka shisheeye, arrinkan oo ay is barbardhig ku samaysay ayay si hufan u muujisay Marwo Nimco in ay lagama maarmaan tahay in farta la dardargeliyo, lana helo Far dhammeystiran oo dhammaan bulshada soomaaliyeed ku yihiin wadar ogol.

Waxaa isna dhankiisa arrimo lagama maarmaan ah ka taabtay aqoonbaare Cali Maxamed Diini ku tilmaamay in ay lama huraan tahay in dib loo dayo, lana dardargeliyo, isagoo soo bandhigay dood maangal ah iyo tusaalooyin la xidhiidha arrinkaas.Cali ayaa ka sheekeeyey sida ay lagama maarmaan in tahay in dib loo baadho, loogana baaraandego, hannaanka iyo habqoraalka farta soomaaliga oo weli meelaha qaar qabyo kaga jirto, si ay bulshada soomaaliyeed u hesho Far qoraal dhammeystiran oo abyan, dhan walba xeerarkeeduna ay ku qotamaan hab dhigaalka toolmoon ee carra edeg.

Dood aqooneedkan oo ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa   lagu qabtay  Barta Zoomka ee Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta Laashin,  kaddib gunaanadkii oo  ka soo qaybgalayaasha iyo martidu is weydaarsadeen weydiimo la xidhiidha qoraalka Farta-soomaaliga ayaa waxaa  soo gebagebeeyey Guddoomiyaha Laashin Xuseen  Wadaad oo balan qaaday in ay tahay dood aqooneedkani ibofur, balse la joogtayn doono,  sidoo kalena lagu martiqaadi doono, kulanka dambe,  xilhayayaal ka socda shanta soomaaliyeed  oo aqoon iyo awood u leh, sidii looga arrinsan lahaa arrinkan.

Hoyga Laashin ayaa mar walba heegan ugu jira sidii uu bulshada soomaaliyeed ugu adeegi lahaa, si isxilqaan ah una dabooli lahaa baahiyaha jira ee aysan jirin ilaa hadda cid u taagan, bahda laashin waxaa mar walba ka go’an ay ay  baylahda ka jiraan,  dhaqanka, Afka iyo sooyaalka bulsho, iyagoo la kaashanayaa cid walba oo markaas diyaar u ah, in bulshada jiritaankeeda aqooneed iyo midkeeda dhaqanba la dhawro.

Maamulka Laashin

info@laashin.com

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN