DOOD DHEXMARTAY SHEEKH IYO BAADARI W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

DOOD DHEXMARTAY SHEEKH IYO BAADERI

Sheekh caalim ahaa oo la dhihi jiray: (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa kirishtaan ah oo kaniisadda ka dhex qaylinaya. Intuu baxay ayuu u galay, ka dibna, kaniisaddi ayuu dhex fadhiistay, isagoo u malaynaya inaysan garan doonin, muuqiisa iyo hummaaggiisa ba. Baaderigii kaniisadda ayaa damcay inuu hadlo oo uu dadka wacdiyo, balse, wuxuu meel aan u dheerayn ka arkay sheekhii luuqa ugu dhuunsanaa, wuxuuna yiri: “Ma hadlayo ilaa aad kaniisadda ka dhex saartaan ninkaas muslimka ah.”

Dadkii kaniisadda joogay waxay baaderigii wayddiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu muslim yahay, ninka meesha fadhiya? Wuxuu yiri: (Muslimiinta wajiyadooda waxa ku yaalla, astaanta ama raadkii sujuudda) wuxuuna ka codsaday inuu boxo Sheekhu! Sheekiina wuxuu yiri: “Ma baxayo ilaa uu Ilaaheey na kala saaro.” Baaderigii wuxuu yiri: “Hadda ba waxaan ku wayddiinayaa dhawr su’aalood, haddii aad si sax ah uga jawaabto, waxaan raacaynaa diintaada, haddii kale, dagaal iyo seef baa naga dhaxaysa! Sheekhii wuxuu yiri: soo daa wixii aad su’aal hayso, asigoo aad ugu kalsoon inuu Ilaaheey qofka muslimka ah xaqa waafajinayo. Baaderigii wuxuu yiri: ii sheeg su`aalahaan?

  • 1: Waaxid aan laba noqonnin?
  • 2: Labo aan saddex noqonnin?
  • 3: Saddex aan afar noqonnin?
  • 4: Afar aan shan noqonnin?
  • 5: Shan aan lix noqonnin?
  • 6: Lix aan toddoba noqonnin?
  • 7: Toddoba aan siddeed noqonnin?
  • 8: Siddeed aan sagaal noqon karin?
  • 9: Maxay tahay sagaalka mucjiso?
  • 10: Mase taqannaa toban-ka badan karta?
  • 11: Maxayse yihiin (11)  toban iyo kowdu?
  • 12: waxaad sheegtaa: qabrigii la socday qofkiisi?
  • 13: Muxuu yahay: shayga aan noolayn ee neefsada?
  • 14: Muxuu yahay: shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?
  • 15: Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay?
  • 16: Yaa waaye kuwa beenta sheegay ee Jannada galay?
  • 17: Ma taqaannaa, uunka Rabbi abuuray aabbe iyo hooya la´aan?
  • 18: Ma taqaannaa Uunka Eebbe abuuray aabbe la’aan?
  • 19: Ma taqaannaa uunka Eebbe abuuray hooyo la’aan?
  • 20: Mase taqaannaa geed leh 12 laamood, laan kastana ay leedahay 30 waraaqood, warqad kastana ay leedahay 5 sabuul oo saddex ay hooska ku baxdo, labona ay qorraxda ku baxdo?

Baaderigii wuxuu hadalkiisi kusoo koobay ka jwaab su’aalahaas, haddii aad tahay mid runlow ah?! Sheekhii waa uu istaagay, Ilaaheey ayuuna waydiistay inuu carrabkiisa xaqa ku toosiyo, wuxuuna ku jawaabay:

  • 1) Waaxidka aan laba noqonnin waa; Ilaaheey (SWT).
  • 2) Labada aan saddex noqoninna waa; habeenka iyo maalinta.
  • 3) Saddexda aan afar noqonnina waa; afeeftii Khadar siiyey Nabi Muuse (CS).
  • 4) Afarta aan shan noqonnina waa; Tawraad, Injiil, Sabuur iyo Furqaan/Qur’aanka.
  • 5) Shanta aan lix noqonnina waa; shanta salaadood ee Ilaaheey ku waajib yeelay ummadda Nabi Muxammed (SCW).
  • 6) Lixda aan toddoba noqonnin waa; Maalmihii uu Ilaaheey adduunka ku abuuray.
  • 7) Toddobada aan siddeed noqonninna waa; toddobada sammo ee Rabbi abuuray.
  • 8) 8 ) Siddeedda aan sagaal noqonninna waa; Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (SWT).
  • 9) Sagaalka mucjisana waa – kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse (CS).
  • 10) Tobanka badan kartaana waa; Ajarka Camalka wanaagsan oo uu Rabbi usii badin karo qofkii uu doono.
  • 11) Toban iyo kowduna waa; Wiilashii Nabi Yacquub, Nabi Yusuf walaalihii (SC).
  • 12) Saddex iyo tobankuna waa: Nabi Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid (CS).
  • 13) Shayga aan noolayn ee neefsadaana waa; Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa).
  • 14) Qabriga la socday qofkii ku jirayna waa; Xuudkii liqay Nabi Yuunus/Yuunis (CS).
  • 15) Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yuhuudda oo yiri: Kirishtaanku xaq kuma taagna iyo Kirishtaanka oo yiri: Yuhuuddu xaq kuma taagna, labada qoloba run bey sheegeen, Naarta ayeyna geli doonaan, gaalimadooda darteed.
  • 16) Kuwa beenta sheegay ee Jannada geli-doona waa; Nabi Yuusuf walaalihii oo yiri: Yuusuf yey-baa cunay, ka dibna, aabbahood Nabi Yacquub Ilaahay dembi dhaaf u wayddiiyay, Rabbina ka aqbalay.
  • 17) Uunka uu Rabbi (SWT) Aabbe iyo hooya la´aan abuuray waa; Malaa´igta oo Mawle ka abuuray Nuur oo aan u baahnayn, hooyo, aabbe, cunto, cabitaan IWM. Sidoo kale Aabbeheen Adaam, ma lahayn aabbe iyo hooyo midna.
  • 18) Midka Eebbe abuuray aabbe la’aanna waa: Nabi Ciise (CS) wuxuu lahaa hooyo, balse, aabbe ma lahayn.
  • 19) Uunka Eebbe abuuray hooyo la’aan, waa: Ayeeyo Xaawo oo laga jeexay feerta AADAM.
  • 20) Geedka 12 laamood lihina waa sannadka oo ka kooban 12 laamood/bilood, bilkastana waxay leedahay: 30 warqadood/maalmood, maalin kastana waxay leedahay: 5 sabuul/salaadood, saddex hooskeey ku baxaan: maqrib, cishe iyo salaad subax, labana qorraxdey ku baxaan: duhur iyo casir.

Intaas ka dib sheekhii wuxuu baaderigii ku yiri: anna hal su´aal ah ma ku wayddiin karaa?” Baaderigii wuxuu yiri: HAAH! Soo daa su’aashaada. Sheekhii wuxuu wayddiiyay: muxuu yahay Jannada furaheedu? Baaderigii waa uu wareeray, waana iska aamusay, markii uu cabbaar shibbanaa ayey dadkii ku qayliyeen, kuna yiraahdeen: waxaad wayddiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhammaantoodna waa uu kaaga jawaabay. Asiguna hal su´aal ayuu ku wayddiiyay, mana ka jawaabi kartid!

Baaderigii wuxuu yiri: jawaabta waan aqaannaa, balse, idinka ayaan idiin cabsanayaa. Dadkiina waxay yiraahdeen; waxba ha cabsannin ee ka jawaab su´aasha! Wuxuu ku jawabay: Jannada furaheedu waa; (Laa ilaaha illa Allah, Muxammad Rasuulu Allah). Dadkii kaniisadda joogayna hal mar bay kaceen, dhammaantoodna waxay yiraahdeen: (Laa ilaaha illa Allaahu, Muxammad Rasuulu Allah). Baaderigiina way raacddeeyeen, kaniisaddina waxay u beddeleen masaajid Ilaaheey lagu caabudo.”

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • Nagala soo xariir:
  • laashin@gmail.com
  • Faysbuug:
  • LAASHIN77

SHEEKOOYIN