Doontii dulmiga! W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xuseen

Doontii dulmiga!

Waxa uu uga sheekeeyay dhaktar caan ah sheekha weyn ee Dr Muxammad bin ratib Al naabulsi, sheeko ku dhacday mar uu arday jaamacadeed ahaa, markii uu soo raacay gaari dadweyne, uuna fadhiistay kursiga hore ee darawlka xiga, markii uu soo galay nin xoog weyn oo albaabka si xoog ah ku furay, isagoonan kalmad ku hadalna uu qabtay kulleetiga ardayga, bannaanka ayuuna u soo tuuray, isagiina halkii uu ardayga ka tuuray ayuu fadhiistay booskii ardayga ee kursiga hore. Ardaygii wuxuu dareemay calool xumo sida foosha xun ee loola dhaqmay iyo dadka gaariga la saarnaa oonan hadal ku darsan , waxbana ka oran dulmiga cad ee hortooda lagu sameeyay iyo sida uu ninka weyn uga dhacay booskiisi, isagoo karay in uu ka codsado maadama uu degdegsan yahay, isaguna uu yeeli lahaa. Ardaygii isagoo murugeeysan, arrintiisina u bandhigtay Ilaaheey, ayuu sugay labo saacadood oo kale, si gaariga labaad uu u raaco, gaarigii kale ayuu soo raacay, balse, markii la marayay meel dhaxo, ayuu gaarigii ku hor istaagay gaarigii hore oo rogmaday, dadkii saarnaana ay wada dhiinteen, uuna ku jiro ninkii weynaa ee wiilka ka dhacay booskiisi!.

Haddii uusan wiilkii xillgaas ardayga ahaa oo hadda dhakhtar ah uga sheekeeyeen Sheekha iyo in aan u suuraysanno in ninkii weynaa uu ku qasbay darawlka in uu gaariga xawli u wado, sidaasna uu shilku ku dhacay, waa ay adkaan laheyd in aan rummeeysanno sheekada!. Sheekhuna waxa u ku faalleeyay in dadkaas aysan wax danbi ah geeysan aanan ka aheyn, in ay raalli ka noqdeen in ay sii saarnaadaan gaadiid ninka hoggaaminayna uu daciif yahay, daalimna uu la saaran yahay iyo in ay ka aamuseen dulmi hortooda lagu sameeyay, awoodna ay u lahaayeen in ay wax ka qabtaan!. Ilaaheey waxa uu naftiisa ka reebay dulmiga, sidoo kale addoomahiisana waxa uu ka doonayaa in ay sidaa oo kale ka reebaan nafafyaalkooda dulmiga iyo aysan raali ka noqonnin in hortooda lagu sameeyo dulmi iyo xaq darro!.


Waxa uu leeyahay sheekha weeyn ee Ibnu taymiya; “Ilaaheey waxa uu daayaa dawlad gaalo ah, balse, caddaalad leh, waxa uuna ridaa dawlad muslim ah, balse, dumigu ku badan yahay” Waa ay fududdahay in aan nafteenna ka reebno dulmiga, aanna ka illaalinno in ay xaq darro iyo xad-dhaaf sameeyso. Balse, waxaa adag, laguna kala tagay, hor istaagidda dumiga iyo la dirirkiisa, waana kan dadku ay ku dulloobaan ama ay ku liibaanaan!.

W/Q: Cabdicasiis Cabdullaahi Xuseen

SHEEKOOYIN